Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Siidhigii(Firinbiga) Ay Xildhibaanada Labada Gole Ku Afuufeen Madaxweyne Farmaajo
Muqdisho(HWN):-Madaxtooyada somaliya ayaa ka hadashay Siidhi(Firinbi) ay xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanku ku afuufeen madaxweyne Farmaajo oo jeedinaya khudbadii dastuuriga ahayd ee labada gole.
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa war uu baahiyey waxa uu ku sheegay in siidhiga(Firinbiga) lagu afuufay madaxweyne Farmaajo ay ka turjumayso sida ay dawladu u tixgelinayso kala duwaanshaha aragtiyaha siyaasiga ah.
Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in wakhtigii hore aanay xildhibaanadu awood u yeelan jirin inay mucaaridaan madaxweynaha waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-
Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya heerar kala duwan ayuu soomaray. Waxaa jirtay xilli kala aragti duwanaashaha lagu xallin jiray qori caaraddiis, maantase waxay mareysaa in firimbi loo yeeriyo marka Madaxda laga aragti duwanaado. Waa horumar runtii loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda.
Hayaanka loogu jiro soo celinta haybaddii qarankan uu lahaa waa soconayaa, firimbiguna hakin maayo wixii hoggaamiye kooxeed, burcad diimeed iyo shisheeye intuba hakin waayeen. Hal kalluun ah badweyn ma qurmiyo, shaqada qarankana u istaagi mayso laba Xildhibaan oo firimbi ku hubeysan.
Nabad iyo Nolol.