Sanadihii Dugsiga Faarax Oomaar ……….… (2-2)

0
Saturday June 06, 2020 - 19:31:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanadihii Dugsiga Faarax Oomaar ……….… (2-2)

    W/Q: Maxamed Heebaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Heebaan

 

Maalin ayaa aniga oo safka hore fadhiya, ayuu Cali Xuseen, macallinkii suugaanta dhigi jiray, igu yidhi, "sabuuradda masax.” Waan staagay oo sabuuraddii ayaan masxaxay, kolkaas ayaan kursigaygii kusoo laabtay oo fadhiistay. Malaha sabuuradii si fiican uma aanan masixin? Macallinkii wuu ii yeedhay, wxuuna ila istaagay albaabka agtiisa, oo ka yare durugsanaa ardayda fasalka ku jirta, wuxuuna igu yidhi, "Ma maqashay wuxuu Cali-dhuux ku yidhi dadka dhaadheer?” (Aniga dhererkaygu waa dhex-dhexaad, laakiin waxaan xidhnaa kabihii wakhtigaa socday oo dadka u muujiya inay ka dheer yihiin itaalkooda caadiga ah.) Waxaan ku idhi maya ma maqal.  Wuxuu igu yidhi,

 

"Haddii dherer wax taro              naagahaa dhici lahaa geele   

Iyaba aabahood oo dhintay               dhaxal ka waayeene

Dhedigaanshahaa lagu arkiyo             dhiiga caadada eh

Haddaanay dhiilka caano ah lahayn            laguma dhaarteene!”  

   

Wuxuu ku daray, "markaan kuu sheego inaad shaqo qabato, si sax ah u qabo.”  Waxaan ku idhi "waa hagaag!”  Dabadeedna kursigaygii ayaan kusoo noqday oon fadhiistay.

                                                                              

In kasta oo dhibkiisu mararka qaarkood uusan yarayn, haddana Cali Xuseen xiisadiisu waxay ahayd tan igu xiiso badan, marar bandanna waxay dhamaan jirtay oo firimbigu dhici jiray iyada oo aad is odhanayso, alla fiicnaan lahaydaa hadduu sii wadi lahaa.

 

Qaybaha aan wali ka xusuusto waxaa ka mid ah qaybo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo  ka dhacay Berbera, markii uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan kasoo noqday Xajka ee uu kasoo degay dekadda Berbera.  Waxaa la sheegay in markii uu Sayidku kasoo degay Berbera, in Ingiriiskii dadka canshuurta ka qaadayay ay waydiiyeen Sayidka inuu canshuur ka bixiyo alaabtii uu watay ee uu Xijaaz kala yimid.  Waxaa la sheegay Sayidku inuu diiday inuu canshuur bixiyo isagoo ku dooday in Ingiriiska laftigoodu ayna wax canshuur ah bixinin markay kasoo degayeen Berbera! Markay arrintii qir iyo qir gaadhay, ayaa ninkii Somaaliga ahaa ee turjubaanka ahaa, oo ay muuqato inuu Sayidka u xaglinayay, ama hoosta kala jiray, arrintii soo dhex galay oo isku dayay inuu Ingiriiskii qanciyo, kolkaasaa wuxuu yidhi, "waa wadaad waalane iska dhaaf!” Naanaystii wadaadka waalan (The Mad Mullah) Sayidka halkaas ayay kasoo raacday, oo way ku dhegtay.

 

Markuu Sayidku Berbera yimid, wuxuu billaabay inuu dadka wacdiyo.  Wuxuu cambaareeyay sigaar cabidda, qaad cunista iyo habac-sanaanta.  Sida ay caadadu tahay, ee lagu yaqaan meel kasta oo isbedel-bulsho ka billaabmo, Sayidka fariintiisii waxaa la dhacay dadkii reer Berbera badankoodii oo isugu jira dadkii dan-yarta ahaa iyo dadkii mururq-maalka ahaa, IWM.  Dadkii ladanaa ee lacagta lahaa iyo kuwii madaxda ahaa ee ay Ingiriiska isku xidhnaayeen, waxay u arkayeen Sayidka inuu yahay Fidmo-wade!

 

Maalin ayaa nin baaderi ah oo deganaa Masaajidka Berbera agtiisa, ayaa usoo dacwooday xafiiskii Ingiriiska ee degmada Berbera laga xukumay.  Ninkii wuxuu ku dacwooday oo yidhi, "Habeen walba marka ay hurdadu meesha ugu fiican ii marayso, ayuu ninka Masaajidka hiraabtii ka aadaamaa hurdada iga toosiyaa. Marka ninkaas ha la iga qabto.” Waxaa loo yeedhay mu’addinkii Masjidka Berbera oo loo sheegay gocoshada kasoo yeedhay ninkaas Masjidka agtiisa degan. Mu’adinkii wuu yaabay, oo wuxuu yidhi, "Oo ma salaadda Ilaahay ayaan u daynayaa ninkaas hurdadiisa?!” Ma’adinkii arrintii loogu yeedhay kuma qancin, wuxuuna u arkay inay tahay sheeko aan rag loola imannin.

 

Subaxnimadii dambe, ayuu Ma’adinkii, sidii ay caadadu u ahayd, minaaraddii fuulay oo salaadii subax adimay.  Ninkii gaalka ahaa ee Baadariga ahaa ee dacwada soo oogay, qori ayuu lasoo baxay, oo Mu’addinkii oo minaarada saaran ayuu toogtay oo minaaradda kaga soo tuuray, Mu’addinkiina halkaas ayuu ku dhintay! Magaaladii Berbera ayaa isla kacday!  Dadkii Berbera badankooda oo ay hogaaminayaan Sayidkii iyo Culimadii kale waxay yidhaahdeen, "Ninkii Mu’addinka dilay waa in la dilo. Haddii kale wax kala soconaya ma leh!” Wadanka Ingiriiska berigaa qofkii qof dila, waa la dili jiray.  Laakiin Ingiriisku wuxuu soo jeediyay inuu qadiyaddii ku dhameeyo Xeer-Somaali, wuxuuna soo bandhigay seddex arrimood inuu xal-ku gaadho:

 

1—Mu’adinkii magtiisa inuu Ingiriisku bixiyo, oo uu boqol halaad la siiyo ninka reerkiisii.

2—Wadaadada Soomaaliyeed in Xaal la siiyo.

3—Ninkii Baaderiga ahaa ee Mu’adinka dilay in waddanka laga masaafuriyo.

Sayidkii iyo dadkii taageerayay gaashaanka ayay ku dhufteen, oo waxay ku adkaysteen in ninkii Mujrimka ahaa la dilo.  Laakiin, qorshihii Ingiriiska ayaa meel maray oo Ingiriiskii mag baa laga qaatay.

 

Waxaa la sheegay, markii ay arrintani la gaba-gabeeyay kadib, ayaa nin Reer Berbera ah, oo aanan hadda magaciisa xusuusanin ayaa wuxuu arkay Sayidka hinfirka kasoo kacayay, iyo nacaybka qotada dheer ee uu Ingiriiska u hayay, marka ninkii wuxuu u tegay Ingiriiskii, oo ku yidhi, "Ninkan ina-Cabdille Xasan hadduu dhow yahaye ha la qabto!” Waxaa la sheegay in madaxdii Ingiriisku ay taldaas iska dhega-tireen oo ay ninkii ku yidhaahdeen, "Naga dhaaf, waa wadaad waalane, melihiisaa ha ka qaylyee.”  Ninkii reer Berbera wuxuu ku jawaabay, "Wallee haddii aan ninkan maanta la qabanin, meel fog baa loo raadin donaa!”  Markii ay dagaaladii Daraawiishtu daba dheeraadeen, ee Ingiriiskii khaati istaagey, ayay u yeedheen ninkii odayga ahaa ee ay taladiisa diideen, waxayna u aqoonsadeen inuu yahay Indheer-garad!

 

Sayidku isagoo ka xanaaqsan dilkii xaq-darrada ahaa ee Mu’adinkii loo gaystay, iyo sidii dhibka yarayd ee baadarigii dilay u fakaday, ayuu maalin Axad ah soo maray meel la yidhaahdo Dhaymole, oo Berbera u dhow oo koox kiristaan ihi ay xarun ay diinta kiristaanka ku faafiyaan ka fureen.  Sayidkii wuxuu la kulmay carruur badan oo Somaali ah, oo saf ku jira, wuxuuna carruurtii waraystay qolada ay yihiin.  Waxaa la sheegay inay ugu jawaabeen inay yihiin "Reer Father!” Sayidkii wuxuu markiiba fahmay in kiristaanka Meesha xarunta ka furtay ay dhaqan-rog iyo diin baabi’in ay kula kaceen umadda Somaaliyeed.  Dabadeedna Sayidku wuxuu go’aan saday inuu ka dhiidhiyo. Muddo yar kadibna Berbera wuu iskaga baxay, isaga oo ay ka go’an tahay inuu olole kaga hortago gumaysiga iyo ujeedooyinkiisa.  Labada arrimood ee halgankii Daraawiishta baaruudda-qarxisay u ahaa waxay ahaayeen labadaas arrimood ee Berbera ka dhacay: Dilkii Ma’addinka bilaashka lagu toogtay, iyo kiristaamaynta carruurta Somaaliyeed.

 

Midnimada ummadda waxaa lagu adkeeyaa in la adkeeyo oo la bad-baadiyo waxa ummadda mideeya oo diintu ugu horrayso. Wadamada kale ee Afrika waxaa la kiristaamiyay waqtiyadii gumaystayaasha Yurub ay soo galeen Somaaliya. Marka inayna kiristaanku ku faafin Somaaliya waxaa u sabab ah halgankii ay wadaadada Somaaliyeed sida Sayidka, Sheikh Bashir, Sheikh Xasan Barsane iyo kuwo kale oo fara-badan kala hortageen gumaystayaashii Yurub. Si aan taas u fahanno, bal ka feker arrintan: innagoo Somaali ah, oo isku af ah, isku diin, isku isir ah, ayaan kalladhka is wada haysanaaye, bal ka warran Somaaliya oo 20% kiristaan ah, oo xukunku inta kiristaanka ah gacanta ugu jiro! Bal ka warran Somaaliland oo 15% kiristaan ah, oo xukunku inta kiristaanka ah gacanta ugu jiro, oo ingiriiska, Maraykanka Iyo reer galbeedka oo dhanna ay taageerayaan kiristaanka tirada yar, itoobiyana intaas u jirto oo ay bad u baahan tahay? Shaki kuma jiro in kooxdaas kiristaanka ahi ay Somaliland ku dari lahaayeen Itoobiya, koonfurtuna sidaas ayna waxba ka duwaanaateen. Waxay umadeenu ku badbaaday galladda ilaahay, iyo dadaalka wadaadada Somaliyeed woqooyi iyo koonfur labadaba.

 

Gabayada uu Cali Xuseen noo dhigay waxaa ka mid ahaa gabay dheer oo qiimo badan oo uu tiriyay (AHUN) Xaaji Aadan Af-Qallooc. Gabaygaas wax yar ayaan ka xusuustaa:

 

Duhur baa Bashiir* lagu daldalay     daar agtiina ahe

Dahriga iyo laabtay rasaas            kaga daloosheene

Isagoo dam iyo dhiig leh oo         maro ku duu-duuban

Duulkii uu necbaa iyo kufraa      daawasho u yimide

Isagoo dulmiga aad qabtaan       dood ka celinaaya

Da’dii uu ahaa Faarax* baa         jeelka loo diraye

Loo diid dadkii uu dhaliyo       duunyadu dhaqaye

Ma duugoobin Qaybdiid* lafuhu    waana duxayaane

Waa duubay Faransiis dhulkii        Suuriyuu degaye

Dajla iyo Furaat Faranjigii           kama dakeeyaane

Ingiriis siduu damacsanaa    reer Hindiya diidye

Sidii Gaandi doonaayay baa     haatan daalacaye

Damaashaadku waa Maxamed Cali    loo dabaal dagaye”

 

(*Bashiir: Sheikh Bashiir Yuusuf; *Faarax: Xaaji Faarax Oomaar; *Qaybdiid: Sayid Maxamed Cabdille Xasan)

 

Halkaas intuu joojiyay ayuu Cali Xuseen yidhi, "Ma garanaysaan Maxamed Caliga uu gabyaagu ka hadlayo?”  Dhammaan gacmaha ayaan wada taagnay oo waxaan nidhi, "Wuxuu ula jeedaa Maxamed Cali Kalaay!”  Wuxuu yidhi, WRONG!  Wuxuu u jeedaa Maxamed Cali Jinaax, oo ah ninkii Pakistaan madaxbanaanida u horseeday.

 

Faarax Oomaar laba dhibaato ayaa aniga si gaar ah ii haystay, oo aan kaga duwanaa ardaydii aan iskuulka la dhigan jiray:

 

1—Qaadka oo aan aad ugu waallaa.

2—Luqada Ingiriiska oo aana xabad ka aqoonin.

 

Ingiriiska aqoon la’aantiisu waxay igu ridday kalsooni darro. Marka maadaama aan ogaa inaan dugsiga sare ka qalin jabin karo, xataa haddii aanan galin imtixaanka Ingiriisiga, waxaan goostay inaan ka baxo ama gooyo xiisad kasta oo ingiriisi ah.  Taasi waxaan u arkayay inay xal u noqotay kalsooni darradii aan ka qabay luqada Ingiriiska, laakiin taasi way iga daba timid oo meel aana ka filayn ayay gadaal igaga soo baxday.  Ardayda aan iskuulka la dhigan badankoodu way qayili jireen, laakiin toodu waxay ahayd iska caadi.  Haddii ay qaad helaanna way cuni jireen, haddii kalena mushkilad wayn kuma ahayn.  Anigu maalin walba waan qayili jiray.  Hadii aan maalintii waayana waxaan isku dayi jiray inaan habeenkii qayilo.  Arday iskuulka dhigta taasi way ku adakayd. Noloshayda oo dhan waxay ku wareegaysay qaad iyo cunistiisa.  Halka ay dadka kale ka fekeraan inay iskuulka dhameeyaan, jaamicad galaan, shaqaystaan, guursadaan, nolol samaystaan, aniga fikirkaygu wuxuu ku salaysnaa maalin-walba haddaan helo laba-minjood oo qaad ah, adduunka wax iga maqan inuusan jirin. Maalin ayay taasi ii sii caddaatay.

 

Waxaa Hargeysa timid (AHUN) Canab Sheikh Cabdullahi oo ahayd xaaskii adeerkay Cabdullahi Heebaan. Canab dukaan yar ayay ku lahayd magaalada Garbo oo waxay u timid inay alaab iibsato.  Canab waxay ahayd qof gancan furan, anigana si gooni ah ayay ii dhaqaalayn jirtay markay timaado Hargeysa.  Maalin ayay iga codsatay inaan alaab la soo iibiyo. Qofka dhalin yarada ah ee qaad cunka ah maalamahaas oo kale waa kuwa ugu wanaagsan, sababtoo ah qaadkaagu waa bannaanka, oo waxaad ka wer-weraysaa ma jiro. Bas ayaan kasoo raacnay Iftin, waxaana ku degnay magaalada badhtankeedii, dabadeedna waxaan u lugaynay suuqii kabaha oo u dhowaa daartii Ina-Xasan-Rakuub. Waxaan galnay dukaan ay Canab ballan la lahayd, oo waxay ka iibsatay laba-darsin oo kabo ah. Kolkii Canab iyo islaantii dukaanka lahayd ay kala tirsanayeen lacagtii, ayay gabadh dhalinyaro ah oo da’dayda ah soo gashay. Sida ay gabadhii iyo islaanta dukaanka leh u wada hadlayeen waxaan ka fahmay inay islaantu gabadha dhashay. Kolkaas ayay fikradi igu soo dhacday: waxaan is idhi, "Haddii aan gabadhaas guursado, maalin walba laba-minjood oo qaad ah diyaar bay ii ahaanayaan, oo aniga iyo wer-wer waan is daynaynaa!”

 

Dumarka Hargeysa qaadka ku gadi jiray waagaas laba ayay u qaybsameen. Qayb waxay ahayd kuwo buur-buuran, oo inta ay gambadhyo is bar-bar-dhigtaan, oo ay si teed-ah u fadhiistaan sheekada isu cammira.  Kuwani ma ahayn dumar walbahaarsan oo ka baqaya in qaadka laga iibsan waayo, qaad iibintana waxay ugu jireen baayac-mushtar ahaan.  Qaadka ay dumarkani gadaan toos ayuu wajaale uga iman jiray, tayadiisuna waxay ahayd heer-sare, qiimahiisuna waxaan la goyn Karin!  Dumarkani waxay lahaayeen macaa-miil gooni ah, oo dad lacag leh ayaa wax gadan jiray. Dumarka kale ee qaadka gadi jiray waxay ahaayeen kuwo dan-yar ah oo ay duruuftu ku kalliftay inay qaad gadaan. Qaadka ay kuwani iibiyaan tayadiisu waxay la mid ahayd qaadka raggu gadaan, qiimahiisuna ama shilin ama laba ayuu ka sareeyay kan ragga, intaas ayayna kasoo saari jireen biilka carruurta iyo kirada guriga ay degan yihiin.

 

Maalin ayaa aniga iyo wiil aan saaxiib ahayn oo la odhan jiray Maame ayaa waxaan tagnay xeradii qaadka.  Maame wuxuu la hadlay gabadh dheer oo qurux badan oo ka mid ahayd dumarkii dan-yarta ahaa, wuxuuna ku ydihi, "Haddii aan qaadka kaa iibsanno, gurigaaga ma ku qayili karnaa?”  Hadalka saaxiibkay yidhi ma ahayn hadal nadiif ah, ee wuxuu ahaa hadal mal-dahan oo ujeedo leh, gabadhiina way fahantay.  Waligay illoobi mahayo jawaabtii ay siisay: waxay ku tidhi, "Haddii aan ku kacayo waxa aad maldahayso, qorraxdan aad aragtid kulaylkeeda kolba dhinac uma aanan carareen, oo dhididku labada dhaban igama daateen!  Aniga oo gurigayga jooga oo raaxaysanaya ayaan waxaan rabo ku kici lahaa!”  Haddii uu qof ceeb u dhiman, wallee saxiibkay saaruukh baa ku dhacay!  Mar kasta oo aan xerada qaadka tago oo aan gabadhaas arko waxaan niyada iska odhan jiray, "Waa gabadhii gobta ahayd, ee sharafta lahayd.” 

 

Fasalka 12aad markuu badhtamaha noo marayay, ayuu maamulihii meeshii ogaysiisyada kusoo dhejiyay warqad ay ku qoran yihiin 10 (toban) arday oo iskuulka laga caydhiiyay, sababtuna ahayd in habsaankoodii uu aad u batay. Warqadii ayaan akhriyay, marka waxaan arkay in ardayga kowaad ee tobankii arday ee la caydhiyay ugu habsaanka badnaa inuu ahaa aniga! Talo way igu caddaatay!  Magacyadii ayaan mar kale akhriyay bal inaan cidna ka garto.  Waxaan liiska ka helay oo igula jiray ardaydii la caydhiyay saaxiibkay Mustafe Cabdi Xasan, oo aan isku fasal ahayn, kana mid ahaa ardaydii Itoobiya ka timid.

Aniga iyo Mustafe waxaan ku tashanay inaan Qiil raadsanno.  Waxaan soo dhisannay sheeko aan run-ahayn, laakiin macquul ah, had iyo jeerna dhici jirtay.  Waxaan u tagnay ninkii haystay Gudoonka Waxbarashada Gobolka Woqooyi Galbeed oo magaciisa la odhan jiray Saciid, oo la sheegay inuu ka yimid Gobolka Sanaag. Markaan xafiiskiisii galnay waan isu sheegnay inaan ka mid nahay ardaydii iskuulka looga caydhiyay habsaanka faraha badan dartiis.  Kolka waxaan ku nidhi, "Qaybta ugu weyn ee habsaankaas faraha badan noo keentay waxaa weeye, sanadkii hore fasaxii waxaan aadnay Somaali-galbeed oo ah halkii aan ka nimid. Dabadeedna ciidamadii Itoobiya ayaa xidhay waddadii-Caddayd ee baabuurta Somaaliya soo aada soo mari lahaayeen. Dee marka meel aan soo marno ayaan waynay oo halkaas ayaan ku caddilannay oo  bad-xidhan ku noqonay.”  Ninkii Saciid jawaabtii uu nasiiyay waxay noqotay mid aanaan filaynin haba-yaraatee.  Wuxuu yidhi, "Waxba igama galin haddii ay waddo idinku xidhantay iyo haddii kale!” Aniga iyo Mustafe waxaan ku hadalno ayaan garan waynay.  Kolka si uu noogu muujiyo mowqifka uu taagan yahay, wuxuu hadalkiisii raaciyay, "Halkaas aad leedihiin waan aadnay, ma aniga ayaa idiin diray?!!”  Aniga iyo Mustafe intaan is fiirinay, ayaan xafiiskiisii iskaga soo baxnay.

Hal meel ayaan rajo ka filaynay.  Meeshaasina waxay ahayd, tobanka arday ee laga eryay iskuulka waxaa ku jiray wiil uu adeer u ahaa ninkii la odhan jiray (AHUN) Ina-Baranbaro oo ahaa guddomiyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Somaaliyeed ee Gobolka Woqooyi Galbeed.  Nabad-Sugiddu waxay ahayd hay’ad aad u xoog badan oo laga  baqo, saraakiisha hoose ee yar yar ayayba dadku ka baqi jireen, ninkanina wuxuu ahaa kii gobolka oo dhan haystay. Marka waxaan is nidhi, haddii Ina-Baranbaro uu qiil u helo wiilka uu adeerka u yahay, dee innaguna halkaas ayaan ka faa’iidaysanaynaa.  Maamulaha Faarax Oomaar waxaa la odhan jiray Maxamed Liibaan.  Wuxuuna ahaa nin gaaban, oo cod-kar ah, oo hadli og.  Waxaa kale oo  uu ahaa nin isku kalsoon, siyaasadda kacaanka u dhuun-daloola, oo aan cidna ka baqin. Ina-Baranbaro wuxuu u tagay maamulihii Faarax Oomaar oo uu kala hadlay dhibaatadii wiilka uu adeerka u yahay haysatay.  Maamulihii wuxuu u sheegay guddoomiyihii Nabad-sugidda inay arrintani tahay wareegto kasoo ba

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...