Cigaal ma dagaal buu riday mise dagaal socda ayuu ku so beegmay?....W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

0
Saturday June 06, 2020 - 19:23:23 in Articles by
  • Visits: 1926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cigaal ma dagaal buu riday mise dagaal socda ayuu ku so beegmay?....W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

    Cigaal ma dagaal buu riday mise dagaal socda ayuu ku so beegmay?....W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cigaal ma dagaal buu riday mise dagaal socda ayuu ku so beegmay?....W/Q Muuse Xaaji Cabaydh


Markii la joogay Qaaxo waxa ficiltan xun ka dhaxeeyay saraakiishii Ciidanka, waxa u sabab ahaa wax isku quudhi waa, ama ku dagaalanka dareenka shacabka, si taas loo qariyo ayaa la adeegsan jiray reernimada.

Garnaqsi Madaxweyne: Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal | Wargeyska Saxafi


Ahmed Mire waxa uu ahaa sarkaalka inta badan ay is hayeen calan casta, Xasan yoonis Habane Ahn, waxa uu ahaa daacad, siyaasadna kuma lug lahayn, waxase uu mar walba garabkisa ahaa Ahmed Mire.


Waxa kaloo jiray dagaal kale oo ka dhaxeeyay ciidamada iyo Siyaasiyiinta , sababtuna waxay ahayd nimankan saraakisha ah waxay aaminsanaayeen libinta aad keenteen yaan siyaasigu ku raaxaysan.


Hadaba markii dalka la so galay waxa laysku qabsaday magaalooyinka sababtuna waxay ahayd in awooda magaalooyinka la kala haysto lagu tartamo.

Ceergaabo ayay ka bilaabmatay , rasaastii kawaad ee reer Sh.isixaaq dhex marta, waxa so baxay Dumar M.ismaaciil ah iyo S.yoonis, kuwaas oo ku dhaawaqayay dagaal sokeeye ma rabno, qaar way ku dhinteen, dagaalkaas markiiba waa dhamaaday , waxana u so gudbay Burco, Berbera , su, aashu waxay tahay dagaaladan yaa ridaya , ma Cigaal baa mise waa nimamkii SNM.


Tuur Ahn iyo Cigaal waxay isku ogaayeen in Kornaylada ay dhaqaaqi wayday dawladii Tuur , madaxa laysku galiyo si ay khadka uga baxaan.

Ibraahim Maygaag samatar ayaa yiri China waxa uu ugu yeedhaa foori masaska , foori buuna ku celiyaa, hada anagu fooridii aanu ku celin lahayn waan ilawnay, waxa uu ka hadlayaa waa kornayladii.


Hadaba Cigaal xaaladaas bu ku so beegmay, markuu dagaalka iclaamiyay waxa u tagay M.ismaaciil Bulaale, iyo odayaal la socda, waxay dhaheen abti maxaad dagaalka ugu baaqaysa?. inta uu lacag siiyay ayuu yiri dagaalku waa dhacayaaye tolkiin so raaca.
Markii danbe dhamaan waa ka qabtay umada sidaas baana lagu xasilay.




AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...