27 May Maalintii Taariikhda Geeska Badashey(13 June iyo Hargeysa) Q: 12aad

0
Saturday June 06, 2020 - 18:05:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 May Maalintii Taariikhda Geeska Badashey(13 June iyo Hargeysa) Q: 12aad

    Lasoco Qeybta 13aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lasoco Qeybta 13aad

13 june waxey aheyd maalin, dagaalkii Hargeysa u yeeshey dariiq cusub. Hadii ay noqoto; quus-goyn cadawgii xanuujin iyo wiiqudba la dhadhansiiyey, waata labaade, dagaalkii dhuumaaleysiga ee xawliga uga socdey, qeybaha bari iyo koonfurta Hargeysa, ayaa heley garab iyo gaashaanba.



Waxa taliskii aaga Cadaadley helay 8 June Waraaq uu ku saxeexnaa Dhagaweyne madaxii taliska Hargeysa, oo dhiilo iyo quus-ba xambaarsaneyd, taas oo tibaaxeysa in aaney 4 maalmood wax ka badan kuma sii jiri karno Hargeysa, hadii aan nala soo gaadhin!!


Taliskii Cadaadley, waxay isku qeybsheen, garab Maxamex-Cali u kaxeystey Burco, oo aakhirkiina Oodweyne ku bogsadeen halkaasna xorowdey.


Iyo qeyb Xuseen-Dheere ulasoo baqooley Hargeysa, waloow diyaarado ay naafeeyeen. Ciidankaas oo watey saanad militari oo dhameys tiran, watana khibrad 5 dagaal ahna wata, oo dhamaantood hubka qeybihiisa kala duwan la isku adeegsadey(conventional militari war) oo banaan la iska helay.

Ciidankan oo khibradaas iyo hafta-baxaas uu la helay ka keeney guulo la mid ah kuwa dawladdaha ee tacabka badani galey.


Waa 12 June goor fiidnimo ah, ayeey soo dageen dhanka Bari ee Hargeysa goobtii ay ka dhisnaayeen guryihii Dalxiiska(tourist resorts).


Dharaartii 13 June, markii Oogta wabari dilaacdey, ayaa sida ayaxa loogu habsadey ciidankii Siyaad Bare, oo ay maalintaas dagaal galiyaal u ahaayeen, macalinkii Saraakiisha (Army Lieutenent General) Maxamed Cali Samatar, Major General Wasiirkii Difaaca Aden Gabyow iyo Bergaidier General Morgan Taliyihii Qeybta 26aad.


Dhanka Jabhada waxa taliska u fadhiyey Lieutnent Colinel (Gorgorka) Xuseen Axmed Guuleed(Xuseen- Dheere). Iyo taliyayaashiisii iyadoo laba taliye guuto, waa Janan Oogo oo Shahiidey iyo Waysa-Cadde oo dhaawacmey ay meesha ka baxeen.



Waxa ciidankaas dagaal galinayey Mahadi Kaliif, C. Qani Xirsi Mire(ururkii Sancaani) , Gaashaanle C. Lahi Biixi Odey (Saajin Godhgodh), , C. Lahi Xero, Shabac Koosaar, Ahmed Kosar(Siilaanyo), Saleebaan Cismaan Shide, Muxsin Aw-Cali.


Ciidanka keydka Faqashta waxay ahaayeen Guutadii cusleyd ee Habaasweyn ee uu watey Korneyl: Koorajaan. Iyo Xoojin uga timid Gaas Koowaad(Galbeedka Hargeysa).


Halka Sancaani ahaa difaaca iyo ilaalinta dhabarjabinta iyo jidgoonba. Halkaasna ay maalintaas Sancaani gaadhey Calaamadaha iyo Qudhaca Faarax Nuur, Ocotber ilaa agagaarka Birjeex.


20aad iyo Sayid Cumar-na lagu wadey in ay dhabar jabinta isu diyaariso, iyo in ay fursadaas ay faqashtu mashquulka ku tahey dagaalkii ugu cuslaa ee Gudaha Hargeysa ka dhaca, in ay qabsadaan Jeelka, dhaqtarkaHargeysa Hospital) saldhiga dhexe ee police ka, horena ugu socdaan taliska guud ee Qeybta. Nasiib darro intaasi midna meey sameyn.


Inteynaan, dhacdadda dagaalka guda galin waxa fajiciso noqotey in taliskii guud ee Hargeysa aanu heyn wax tafaasiil ah oo ka badneyn Airport-ka, ayeey diyaaradi nagaga soo kacdaa, madaafiicina nagaga soo dhacdaa, ciidan badanina Faqashta uga soo degaa!!!


Waxa iyana xusid mudan in Xuseen Dheere ka helin wax tafaasiil ah, oo sheegaya nafsiyada cadawga sidey tahey dhanka ku xooganyiin iyo dhanka goljilicda ku leeyiin(strengths and weaknesses and enemy moral behaviour), si looga sii diyaargaroobo gulufka nafwaaga ah ee berrito.


Taliskuba ileyn maba leh xog ururinba (record keeping). Halkaas markuu arin marayo waxa uu Xuseen- Dheere adeegsadey plan B gii hore loogu gudoonsadey Kaam Abokor, oo isaga ay ku xusneyd, khariiradaha xeryaha, haba joogto sida cadowgu kala yaalo.


Dagaalkii Bilaabmey, waxa iyana isla markiiba socodkii Jabhadda gaabis galiyey raxan diyaarado ah iyo madaafiic farabdan oo kasoo dhacayey buuraha teedsan min libaaxyada masalaha, Allow u xiir, Airport ka, 24aad, 11aad iyo buurta xaafada Sh . Nuur.



Jabhadii may sugin yoolkaas madaafiicda ah, ee hore ayeey dhaqso ugu galeen gudihii qiyaastii 11 xero oo mid kasta ciidan deganaa. Markii la isdhex galey waxa joogsadey madaafiicdii iyo duqeyntii diyaaradaha.


Iyadoo cadowgu difaacyo adag sameystey labadii usbuuc ee dagaalku Hargeysa, kasocdey. Hadana tani may joojin moojadihii niyada samaa ee mujaahidiintii SNM. Halkaasooy xeraba, xero uga gudbayeen.


Markii ooda loo rogey xeryihii 11aad iyo Dabada Cadaadda, warshadii Kabka, iyo 24aad.


Ayaa Cali Samatar isla mar kaliya amar ku siiyey ciidankii Habaasweyn in uu dagaalka soo galo, halka jabhadu kaliya u baahaneyd, ciidamo dhabarka kaga yimaada oo kaliya taas ay dhici laheyd, in meeshaas gacanta lagu qaban lahaa, oo taliska Faqashtu go'doon gali lahaa, waayina lahaayeen xidhiidhkii madaarka, halkaaso ay dhici laheyd in hadhaagoodu, Berbera ama Borama isugu luga duwan lahaa.


Fursadaas guusha dhaw aheyd(strategic Victory) waxa ay lumiyey Taliskii guud ee Hargeysa, oo ay ku kaaftoomeyn, daawasho live ah, ay ku kaftamayeen, Gorgorku(Huseen-Dheere) la isma-caasiyee, waa dagaal-yahan.


Tani waxey badashey wajigii dagaalka, oo ay adkaatey in Jabhadii isu diyaariso weerer xero ay xoojin ciidan badani kusoo biirey, oo waajaheysa Jabhad saacado badan dagaal ku riiqdey, oo daalan.


Waxa markaas jabhada kaba fayoow ilaa 50 mujaahid oo kaliya, halka dhamaan intii kalena dhimasho u bateen.


Dharaartaas, Sancaani waxa uu dagaal lagu hoobtey iskaga hor-yimaadeen ciidamo cusub, kamaandows ah, tiro iyo tababa leh. Halkaas oo dhaawac culusi kasoo gaadhey Taliyiihii koowaad ee Guutada Sancaani. Muj. Aden-Cadde.


Halka taliyihii 2aad ee Sancaani Muj. Maxamuud Heyba Goodhaadh, ciidan uu wataa Airport ka hoostiisa dagaal kaga jireen, markii laga baxayey goobahaasna, dhaawaca iyo meydkaba soo gurayey.


Lasoco Qeybta 13aad

Maxamuud Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...