Farriin Ku Socotta Xukumadda Iyo Dadka Jabuutti

0
Saturday June 06, 2020 - 17:45:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriin Ku Socotta Xukumadda Iyo Dadka Jabuutti

    W/Q: Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

 

Marka hore waxan salamaynaa dadka sharafta leh ee reer Jabuuti iyo xukuumadoodaba,marka xigtana farrintan aan doonayo inaan idinla wadaago igama aha Farogelin ee waa nastexo intii itaalkayga ah aan doonayo inaan ku biiriyo wixii laga qaadan karo.walalahayaga reer Jabuutti doorka aanu ku leenahay waa dhex dhexaadin iyo inaanu isu soo jiidno ee maaha inanu dhinac raacno.



Waxa idinku waajib ah inaad ilahay ugu mahadnaqdan Waddanka uu idinku beeray ee Caalamka oo dhammi u soo beretamayo,waddankiina oo ah meel Juquraafi ahaan albaab u ah dunidu oo muhiim u ah isu socodka Adduunka oo aanay nasiib u helin waddamo dadyow badan oo qaaraddan Afrika idinkula nool 17 waddan oo Afrikan ah ayaan bad haysanin,sidaas darteed xukumad iyo shacbi waxa waajib ku ah inaad ilaashataan dalkiina oo wixi cawaqib xumo keenaya ka dhowrtaan.


Marka la eego maalmahan danbe banana baxa rabshadaha watta ee ka socda waddanka,iyo muuqaalka uu soo diray askariga Fuaad Yousuf eek u xidhan Jeelka (Gabood) muuqaalkan oo Adduunka oo dhan ku baahay iyo askarta iyaguna is casilaya,dad badan oo hore dibadda ugu baxsaday sida Sheekh Cabdiraxman Sh bashiir iyo Fanaanada Nimco jaamac oo kale ama ganacsade Cabdirahman Bore oo kale iyo dad kaloo Badan dhamaan waxyaabahsi waxay muujinayaan wax u eeg Gugii carabta oo kale (Arab spring) sidaas darteed inta aanay arrintu fogaan wax waa laga qaban karaa waana la xallin karaa.waxan u soo jeedin lahaa shacbig a iyo xukuumaddaba arrimahan;-


SHACBIGA REER JABUUTTI

Waxan ugu baaqayaa shacbiga jabuutti iyagoo ka qaadanaya waayo aragnimo waddamada dersiskooda ah arrimahan;-


1-Inaad is dejisaan oo aad dulqaad muujisaan oo dalkiina u tudhaan waxadna ogaataan 20 sano oo dowlad xumo ah habeen bilaa dowlad la yahay ayaa ka xun.siaas darted waddankiinna ka ilaliya inanu noqon Qaran fashilmay (Failed state).


2- Waa inaad waxa aad ka cabanaysaan si toos ah oo degganaan ka mu uqato ugu soo bandhigtaan xukuumadda.oo aad codsattaan in nidaamka wax laga beddelo.


3-Inaad aqoontiinna iyo garashadiinna aad u soo bandhigtaan xukuumad iinna oo aad tidhaahdaan talada naga qaatta si wanaag ku jiro oo aan ahayn buuq iyo munaafaqnimo.


4-Marnaba dagaal iyo rabshad ha isku dayina ee waxad wax ku raadisaa n wada hadal iyo qaab doodo ah.


XUKUUMADDA DJIBOUTI

Xukuumadda jabuuti iyo madaxweynaha ba waxan u soo jeedin lahaa in maaddama siyaasaddii adduunku is bedeshay oo dadku u guurayaan dhinaca xornimada iyo Dimoqradiyadda dabcan waxan is odhan karnaa maanta waxa la gaadhay xilligii ay xukuumaddu dib u qaabayn lahayd habka siyaasadda waddanka lagu maamulo si miyr qabta oo aan ahayn deg deg ee ah tallaabo tallaabo si taasi u hirgasho waa in laqaadaa tallaa booyinkan;-


1-Inaad xukumadda jabuutti ku dhawaaqdo nidaam siyaasad furfuran oo Dimoqraddi ah isla markaana dadka la dhegeysto tabashadooda.


2-In la sameeyo hab maamul daadejin (Decentralization) oo awoodaha aanay ku koobnaan madaxtooyada ee loo ogolaado in howlo badan la dhamayn karo inta aanay soo gaadhin Madaxtoyada.


3-In la sameeyo wada tashi (Particibation) oo dadka la talo geliyo sida tusaale ahaan aqoonyahanka,Odayaasha,Ganacsatada,culimada oo la yidhaahdo maxay idinla tahay waayo qofka marka lala tashado wuxu u arkayaa wanaag waanu xishonayaa oo sida ugu wanaagsan ayuu u soo bandhigayaa taladiisa.


4-In dadka xorriyadda fikirka iyo rayiga loo ogolaado oo la sameeyo masrax lagu doodi karo oo fikirka la is dhaafsan karo.hase ahaatee kolka taasi ay ku timaaddo hab tallaabo tallaabo ah oo dadka loo tabobaro in muddo ah oo aanay noqon mid markeliya la bilaabo.


5-In waddanka loo diyaariyo mustaqbalka doorashoyin xor ah oo qof kastaa cidda uu rabo dooran karo.doorashaduna noqoto mid xor iyo xalal ah.


6-In xukuumaddu Jabuutti cafis u fidiso askarigaas msikiinka ah ee Fuad Yusuf Ali eexidhan si ay dadka qalbigoodu u dego.isla markaana waa in lagu celiyaa shaqadiisii oo la dhameeyaa howshaas.ka did marka uu isaguna cafis waydiisto xukuumadda.


Sawirro muujinaya qaabka fur furnaan la’aanta siyasaded (Centralization) iyo foolxumada uu leeyahay

Sawirro ku saabsan qaabka maamul daadejinta(Decentralization) iyo quruxda uu leeyahay

W/Q: Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...