Wariyeyaasha Muqdisho oo laga mamnuucay iney tebiyaan Xafladda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BF

0
Saturday June 06, 2020 - 13:37:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyeyaasha Muqdisho oo laga mamnuucay iney tebiyaan Xafladda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BF

    Waxaa uu sheegay in Warbaahinta Madaxa banaan ay xaq u leedahay in ay hesho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay in Warbaahinta Madaxa banaan ay xaq u leedahay in ay hesho



Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa ugubaaqay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka laabtaan go’aankooda ay ku joojiyeen in Warbaahinta madaxa-bannaan iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed ay tebiyaan furitaanka kalfadhiga 7aad ee maanta ka furmaya Muqdisho.

 

Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi ayaa sheegay in ay ka xun yihiin tilaabadda ay qaadeen Mas’uuliyiinta labadda Aqal ee Warbaahinta looga horjoogsaday tabinta Wararka Kalfadhiga.

 

Waxaa uu sheegay in Warbaahinta Madaxa banaan ay xaq u leedahay in ay hesho Warar xaqiiqo ah oo Madax banaan, islamarkaana aysan sharci aheyn in Kalfadhiga Xildhibaanada laga hor istaaggo ,maadaama uu baarlamaanku yahay Matalaha Shacabka.

 

"Haddii aan nahay Warbaahinta Soomaaliyeed Waxaan ka codsaneynaa dowladda gaar ahaan maamulka baarlamaanka in ay arintaasi dib uga laabtaan, Warbaahinta gaarka loo leeyahay waa tan bulshada u gudbisa xogaha muhiimka ah, sidda aan ognahay baarlamaanku waa matalaha Shacabka,marka in laga mamnuuco in ay soo tabiyaan kulanka Muhiimka ee furmaya waa wax ay warbaahinta Soomaaliyeed aad uga xun tahay aana Sharci aheyn”ayuu yiri Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi

 

Waxaa xusid mudan in Bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabkamaamulkooda uu joojiyay inwarbaahinta madaxa-bannaan ay sootebiyaan fadhiyadooda.

 

Horay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo sidoo kale xarumo kale oo dowladeed ayaa qaaday tilaabadda ay qaadeen Xildhibaanada labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee ah in Warbaahinta Madaxa banaan laga horjoogsado tabinta Wararkooda gaar ahaan furitaanka kalfdhiga.


Loading...
Loading...