25 Ka Mid Ah Aqoonta Jidhka Aadamaha: Xog-ururin!

0
Saturday June 06, 2020 - 10:07:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    25 Ka Mid Ah Aqoonta Jidhka Aadamaha: Xog-ururin!

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr


1. Wadnaha aadamuhu waxa uu le’egyahay feedhka (faraha iyo baabbacada). Wadnaha qofka weyni waa 220-260 garaam



2. Unugyada maskaxda ee qaata hawadu waa illaa 1.4 bilyan. Tiradani hoos uma dhacdo muddada hore. Marka uu qofku gaadho 25 jir waxa maalintiiba dhinta 100,000. Daqiiqaddiiba waxa dhinta illaa 70 unug. Marka uu qofku gaadho 40 jir waxa kordha heerka dhimashada ee maskaxda aadamaha. Marka uu qofku 50 jir gaadhana waxa urura/koga dareen-wadeyaasha maskaxda, waxaanay maskaxdu noqotaa mid ka yar intii hore.


3. Marka uu qofku dhasho, waxa jidhkiisa ku jira illaa 300 lafood, laakiin qofka weyn iyo nooleyaasha laf-dhabarleydu waxa ay leeyihiin 206 lafood


4. Cabbirka indhuhu isma beddelo dhalashada illaa dhimashada. Laakiin sanka iyo carroogga dhegtu (dheg-dibadeedku) waa ay koraan illaa geerida


5. Lafuhu waxa ay illaa shan-jeer-laab ka adag yihiin jaandiga (steel)


6. Arag-suguhu (retina) waxa uu ku fadhiyaa bed dhan 650 milli mitir, waxaana ku jira illaa 137 milyan oo u dareen badan ilayska. 130 ka mid ahi waxa ay arkaan caddaanka iyo madawga. 7 milyan ayaa kaa caawiya inaad kala saarto midabbada. Madawga iyo caddaanku ma aha midabyo, waa isku-jir midabyo ah!


7. Haddii lagugu xidho qol bannadan, uma dhimanaysid hawo-la’aan, waxa aad u dhimanaysaa ku-sumayga kaarboon laba ogsaaydh


8. Hal nin ayaa 300 ee ninba ku qanca oo u boga hadalkiisa


9. Wadnuhu waxa uu dhiigga ku tuuraa awood u dhiganta in dhiiggu fuulo sar (fooq) afar dabaq ah


10. Celcelis ahaan waxa uu qofku ku hadlaa illaa 4800 erey caano-maalkaba (24 saacadood)


11. Qofku waxa uu hawada nuugaa/saaraa illaa 23,000 jeer maalintiiba


12. In ku dhaw 40,000 bakteeriya ayaa ku nool afka dadka


13. Tamarta lagu lumiyo hurdada ayaa ka badan ta lagu lumiyo daawashada muuq-baahiyaha (TV)


14. Qof kastaaba waxa uu leeyahay illaa 2000 unug oo dhadhamiye ah (tastebuds)


15. Carruurtu waxa ay dhakhso u koraan xilliga gu’ga


16. Qofku waxa uu adeegsadaa illaaa 17 muruq marka uu qoslayo, marka uu fool-dadbayo (weji-ururin) waxa uu adeegsadaa illaa 40 muruq


17. Sambabka midig waxa uu qaadaa ogsajiin ka badan inta sambabka bidix uu qaado


18. Marka uu qofku nool yahay, dhererka midhicirka yari waa illaa 2.5 mitir. Marka uu dhinto waxa debca muruqyada midhicirka yar, waxaanu noqdaa illaa 6 mitir.


19. Indhaha aadamuhu waxa ay kala garan karaan illaa 10 milyan oo ah midabyo kala geddisan


20. Timaha midabyada kale leh ee madaxa qofka ayaa ka hor kara kuwa madaxa ee madaw


21. Celcelis ahaan, hal qof ayaa gaadha 116 jir labada bilyan ee qofba


22. Qofku wax uu leeyahay dherer 8 mm (millimitir) oo dheeraad ah marka loo eego galabnimada. Arooryada ayuu qofku dheer yahay!


23. Marka uu qofku qufaco waxa uu sii daayaa hawo socon karta 60 km/saacddiibba


24. Faraha lugaha ee aan korini waa summad la kala dhaxlo


25. Muruqyada indhuhu waxa ay sameeyaan 100,000 dhaqdhaqaaq si ay wax u eegaan maalintiiba. Muruqyada luguhu waxa ay qiyaas taas le’eg samayn karaan haddii aad socoto 80km.


QORAAL ku celis ah

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...