Runtu Beenta Waw Cadaw ( Abdi-Shotaly),

0
Saturday June 06, 2020 - 09:43:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Runtu Beenta Waw Cadaw ( Abdi-Shotaly),

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.



    Waxa la yidhi " Beeni lug keliya bay leedahay" Taasna marka la qabto bay dhacdaa, oo ay salka dhulka ku dhufataa, markay gunta la soo xaadho, ee meel ay ka baxdo waydo, bay iyadda uu kuududda, ogaatay in aanay sii socon karayn, ay aakhirka cabaad iyo galgalasho ay dabadda soo jeedisaa, oo qadh-qadheedda laga baxaa, siddii qaalin layli ah oo rar lagu tiiriyey. Waxan uga socdaa oo ay tahay, una u soo dul maray magaca cinwaanka ku yaal, ula jeedadda aan ka leeyahay-na ay tahay, Ummad yahay cid laga hoos bixi karaa ma ay jirto, sidaas awgeed, aan ku soo dhawaado halka aan biyo dhigaayee, shalay waxad arkay-seen, qaar ay ku sheegaan wasiiro oo ka tirsan maamulka " Raggii ma adigaa ka hadhay" oo uu hor kacaayo siddii adhi la arooriyey, ka la iska maamusho ee loo yaqaano " Geenyo shaaximani" Iyaba waa yaabka-yaab-kiise, oo la shir yimi wax aan caruuta loogu sheekayn, ilayn wax damiir leh oo xishoonaaya maahee. Waxa yidhaaheen, waa sidda ay doona-yaan in ay cid ka dhaadhici-yaane, ee ay afka la kala qaadeene, waxanu soo af-jarnay Jabhaddii ka dilaacday Beesha biciide, oo ay ugu yeedheen wax ay ku magacaabeen " Xagdoon", iyadda oo ah " Dulmi Doon" ee aan xaq meela u soo marin haba-yaraatee. Horaa waxa murtiyi u ahayd" Ismoog udbihii bay aslaysaaye" Miyir laawaw maanta shalay mood" Ma is makeekii baa meel idiin mari bay idin-la tahay? Iyo been la soo dhoo-dhoobo.

 

     Horaa-se loo yidhi " Beeni Raad ma leh"  Waxa meesha la soo tubay shan qof oo ay yidhaaheen waa jabhaddii oo soo xarootay, oo guul baanu ka gaadhnay, taas oo aanay wax-ba ka jirin xaqiiq ahaan, nac-nacdda meesha ay ka shubayeena waad maqlay-seen, ee dhal-teedka ah iyo isu hoos gelinta, lagu doonayao in lagaga hoos baxo " Garxajis Bari, siiba Beesha Sacad Yoonis" Waxa kaloo raacsanaa kuwo ay ku magacaabeen cuqaal, wax garad, siyaasiyiin, aad arkaysay in ay yihiin qaar la soo macmalay, oo la yidhi isku kaayo sawira aanu nidhaahno " Libin baanu gaadhnay" Waxase- is weydiin leh. Waad daawateen tiraddii faraha badnay ee sheegan jirtey " jabhadda baaska biciide", xagay ka dhaceen? Ma shantan qof bay ahaayeen? Hub la soo dhiibay may jirin, baabuur tikniko ah oo ay yidhaaheen waanu la wareegnay iyana miyaa arag-teen? Oo waa kan hub-kooddii lama sheegin, mana ay sheegin, dhawr qof oo ay u soo geliyeen direyskii, askarta u shaqaysa Maamulka " Xaafad-tooyadda Hargeysa" oo ay mar-kooddii hore-ba ka tisanaa-yeen, iyakuna ay u direen in ay abaabulaan ciidan Biciido ah, bay mar labaad u soo geliyeen dharkii markii hore ay iska bixi-yeen. guusha la sheegayaa hadaba waa mid xagee taala? Waxan leeyahay weli waxa iskaga kiin khaldan shalay iyo maanta, ee maxay u baxsadeen Salaadiintii, ee uu "Kud-madoobi u soo dhaafi waayey Imaaraadka, wax la idinka dhegaysa-naayo baa iska yar ee ha daalina. todobadan wasiir ku sheegna, hayska kala qaybsa-deen Milyan iyo Badhkii loo soo dhiiabay ($1500,000), afarta ay dharka askarta soo xidheena ha sii gaxeeyeen guuli ka dheere.

 

    Waxan leeyahay, waa sheeko la rabo in lagu khaldo " Garxajsi Bari, siiba Sacad Yoonis" oo lagu kala tuuro Shirka ay ku yeelana-yaan " Fadhi-Gaab" Ayaamahan aynu ku jirno. waxa-se aanay ogayn in Garxajis bari oo taa la fahan san yahay. Haddii nabad la doonaayo, oo ay daacad ka tahay waxay afka ka leeyihiin, maxay u soo qaban waayeen, gacan ku dhiila-yaashii dilay raggii wadadda samaynaayey iyo kuwii ninka " Muuse tuur-waa Ku dilay aagaa u dhaxeeya " Yufle Iyo Buurta Siraadley" Nabadda ay leeyihiin waanu soo xidhanay waa mid xagee taala? Ku darso oo akhristaw, horaa loo yidhi " Eelka kii dhgigay u ashta-kootooy"  Waa su'aale, Ma waxa nabad dhalinaaya, kii isagu abuuray dagaalka jiidaas ka socdda? Ee degmadda Ceel-af-weyn, Mr Gafane ( waa kaad tidhaaho Gaafaadhiye" Iyo geenyo shaaximani waa kuwa dagaalka u ah luguhuu ku socdo'e. Kan aad leedihiin Ina Waran-cade, isna yuu la taliyaa? Ee uu wax u sheegaa? Horta askrigu wax ma weydiiyaa? Ma Laga dhegaystaa? Yaa wax ka hoos qaadda ee dheg-ba u raarixiy? Horta weli wax uu kula taliyey ma maqasheen? Wax laga yeelay ma haysaan? Waa iska daciif xil u googo'ay, oo kii yimaada-ba jilbaha qabsadda si uu xil ugu dhiibo. Ka la yidhaaho " Boos Mire" isna wax uu yahay baa iska yar-ba, wax la waydiiyaa ha sii joogtee, ma oga in lagu bah-dilaayo Mujaahidka weyn Axmed Mire ( Walaakii), Waxa-na loo haystaa wax kale maaha, ee waa in uu u jawaabo beeshiisa oo loo sitcmaalaa. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, Garxajis Bari isku dar siday ud han yihiin, maanta been iyo khiyaamo loola iman maayo, nabad dambe oo ay tix gelinayaana ma jirto, waayo meesha-ba ma taallo, iyadda oo aan la soo qaban gacan-ku dhiig-layaashii, sidaas awgeed, ma jirto nabad xidhmaysaa, ee sheeko kale ma hayaan, filin-kaas horaa loo daawadaye.

    * N.B Miyir Laawaw, Maanta Shalay Mood!

    Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...