'' Aqoonsi Maantuu Inoogu Dhawyahay ''.

0
Saturday June 06, 2020 - 09:22:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Aqoonsi Maantuu Inoogu Dhawyahay ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Dagaalkii webiga niil wuu sii xogaystay , Sodan konfureed iyo soodaan waqooyi waxay la safteen Masar , xaaladda jabuuti iyana waa qasan tahay , sidoo kale Kenya iyo Itoobiya iskuma wanaagsana , Qaahirina Mogdisho ayay hubaynaysaa .

 

Intaa waxaa dheer , dagaalkii qaboobaa ee aduunka oo garaacaya albaabadda geeska , shiinaha oo bayskiisa jabuuti ku maalgelinaya 8 biyan oo doolar isagoo ka dhigaya sal-dhig wayn oo baaxadle , Maraykanka oo shiinaha kula loolamaya geeska kana soo horjeeda is balaadhinta shiinaha .

 

Sidaa markay tahay , Somaliland waxay joogtaa halkii Etoobiya joogtay 1896 ama shiinuhu joogay 1950, waxaana la rabaa inay degdeg u qaabayso siyaasadeeda ku saabsan ictiraaf raadinta iyadoo sal-dhig uga dhigaysa saamaynteeda gobolka , kana gudbaya siyaaadii horre ee ku salaysnayd nabad baanu dhisnay iyo dimuqraadiyad , xoogana saartaa , kobcinta dhaqaalaha , dhismaha haayadaha amniga iyo kordhinta dhaq-dhaqaaqyadda diblomaasiyadeed ee danaha ku dhisan .

 

Waxaas oo dhana waxaa muftaax u ah in madaxwaynuhu soo dhiso xukuumad adag oo ka midho dhalin karta waqtigan adag


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...