Musuq Wali Dul Hoganaya Xafiiska Guddida Covid-19 Iyo Hanti Dhawrka Oo Afka Ka Xidhay Baadhistii Uu La Damacsanaa

0
Friday June 05, 2020 - 17:28:54 in News by
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuq Wali Dul Hoganaya Xafiiska Guddida Covid-19 Iyo Hanti Dhawrka Oo Afka Ka Xidhay Baadhistii Uu La Damacsanaa

    Musuq Wali Dul Hoganaya Xafiiska Guddida Covid-19 Iyo Hanti Dhawrka Oo Afka Ka Xidhay Baadhistii Uu La Damacsanaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musuq Wali Dul Hoganaya Xafiiska Guddida Covid-19 Iyo Hanti Dhawrka Oo Afka Ka Xidhay Baadhistii Uu La Damacsanaa


Hargeysa(HWN):-Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland ayaan wali si rasmi ah uga hadal, wax tallaabo oo cusubna aanay ka soo kordhin baadhitaankii ay toddobaadkan gaar ahaan maalintii Axaddii isku dayeen in ay ku sameeyaan Xafiiska socodsiinta Hawlaha ee Guddida Heer Qaran ee ka hor tagga iyo la tacaalidda Cudurka Karoona Fayras kaasi oo la sheegay in ay doonayeen in ay baadhitaan Hantidhawr oo sal iyo baar ah ku sameeyaan guddida.

Somaliland oo Joojisay Duulimaadyada Dalka Dibadiisa Ka imaanaya ...


Wararka aanu ka helayno xaaladda Hantidhawrka ayaa tibaaxaya in Hanti-dhawrka qaranku baadhitaankoodan bilaabi doonaan Toddobaadkan iyada oo xogo gaar ahi noo sheegeen in Hanti-dhawrka oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ahi uu gaar ahaan taageero uga haysto tallaabadan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo doonaya in baadhitaan habboon lagu sameeyo nidaamka shaqo iyo dakhli ee guddidu ku hawl gashay taasi oo aan ka farxin xubnaha guddida gaar ahaan Madaxweyne ku xigeenka oo ah xubinta ugu sarraysa guddidan.


Hanti-dhawrka qaranku wax war ah kama aanay soo saarin arrintan tan iyo markii ay qorsheeyeen in ay baadhitaankan wajahaan walina ma cadda wakhtiga rasmi ahaan ay tallaabadan waysada u biyaysan doonaan.


Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa dhaliilo culusi ka soo yeedhayeen Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka iyada oo Guddida la tacaalidda iyo ka hor tagga cudurka Karoona Fayras ee Heer qaran lagu dhaliilayo sida ay hawsha illaa imika u wadaan. Waxaana gaar ahaan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu guddida ugu baaqay in ay is casilaan isaga oo ku eedeeyey in ay ku fashilmeen hawshii ay qaranka u hayeen madaxweynahana ugu baaqay in uu gabi ahaanba guddidaasi kala diro.


Loading...
Loading...