Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub

0
Friday June 05, 2020 - 17:20:40 in News by
  • Visits: 1615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub

    Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub


Muqdisho(HWN):-Siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horay u soo noqday Wasiir iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay Xisbi siyaasadeed cusubĀ  kaas oo uu Guddoomiye ka yahay.



Xisbigan ayaa la magac baxay SAHAN, waxaana la filaya inuu ka mid noqdo axsaabta siyaasadda ee dalka marka la diiwaan geliyo, lana siiyo shahaadada kumeel gaarka ah.

War saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Sahan ayaa lagu sheegay inuu u furan yahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna ahmiyad siin doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed, lana qaban doono shirweynahiisa.

C/kariin Guuleed ayaa tan iyo markii sanad ka hor ku dhawaaqay inuu ka baxay kooxdii uu ka tirsanaa ee dhinaca siyaasadda ay is baheysi ka ahaayeen, waxaa ku jiray damac siyaasadeed, gaar ahaan u tartanka xilka ugu sareeya dalka.

Mr Guuleed ayaa ka mid ahaa saaxibada waa weyn ee Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, waxaa labo jeer uu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, xilligii uu talada dalka hayay Xasan Sheekh, 2014 ayuu iska casilay xilka Wasiirka Amniga, kaddib weerarkii lagu qaaday xarunta Baarlamaanka, sidoo kale sanadkii 2015 bartamaheeda ayaa loo doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoo uu sanadkii 2017 horaanteeda iska casilay sababo caafimaad darteed.



Loading...
Loading...