Danyarta Boorama Oo Saylici Ku Eedaysay Inuu Ka Qaadayo Dhul Ay Leeyihiin

0
Friday June 05, 2020 - 16:15:09 in News by
  • Visits: 1545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danyarta Boorama Oo Saylici Ku Eedaysay Inuu Ka Qaadayo Dhul Ay Leeyihiin

    Danyarta Boorama Oo Saylici Ku Eedaysay Inuu Ka Qaadayo Dhul Ay Leeyihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danyarta Boorama Oo Saylici Ku Eedaysay Inuu Ka Qaadayo Dhul Ay Leeyihiin



Hargeysa(HWN):-Haween danyar ah oo cabasho xooggan ka qaba Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa ay warbaahinta kula Hadleen Duleedka Magaalada Boorama iyaga oo sheegay in Madaxweyne Ku Xigeenku ka qaadayo dhul ay iyagu leeyihiin muddo dheerna daganaayeen balse imika ay sheegeen sida ay ku cawdeen in Madaxweyne ku xigeenku kaga qaadayo awood dawladeed iyo shaadh ciidan.

Vice President Abdirahman Saylici (@VPsomaliland) | Twitter

Haweenkan oo ahaa kuwo tiro badan ayaa cabashooyin xooggan oo dhinaca dhulka ah waxa ay eedo culus ugu soo jeediyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay ku eedeeyeen in Masuuliyiinta Gobolka Awdal ee dawladda uu u adeegsanayo in dhulkooda loogala wareego taasi oo ay sheegeen in guryo badan oo ay ku lahaayeen buurta Faaraxyo laga baabi’iyay dadkii deganaana ay wakhtigan bacadka iyo dabaysha xagaaga fadhiyaan sida ay ku cawdeen iyaga oo si gaar ah farriin ugu diray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay ka codsadeen in uu qaddiyadooda hoos u eego.

Hooyooyinka Qoysaskan dan-yarta ah oo war-baahinta kula haddlay, isla goobta ay deganayeen ee lagu dumiyey guryahoodii ay ku noolayeen,ayaa waxa kamid ahaa haddaladoodii kuwan: "Mudane Madaxweyne, Adiga ayaa umaddan u dhaartay oo masuuliyadeeda Ilaahay kaala xisaabtamayaa. Waxa aanu nahay intaasi oo hooyooyin ah oo masaakiin ah oo danyar ah oo dibadda loo soo saaray oo la doonayo in shaadh dawladeed lagaga qaado dhulkoodii iyo hantidoodii. Mudane, Madaxweyne, buurtan aanu deganahay waxa la doonayaa in nalagaga qaado shaadh qabiil oo loo soo galiyay awooddii dawladnimo. Waxa aanu farriintan u diraynaa Madaxweynaha, Guurtida iyo Wasiirrada oo dhan. Buurtan Faaraxyo waa Halkii awawyaashayo iyo aabayaashayo ku dhasheen ee aannu annana ku dhalanay. Waa halkii dhaxalkii awawyaashayo nooga tageen aannu ku qaybsanay ayaa maanta la doonayaa in isku duuduub shaadh dawladeed nalaga qaado. Madaxweyne ku xigeenka ayaa maanta noo soo joogsaday oo damacsan iyo dhulkayagii iyo dhaxalkayagii doonaya in uu xoog nagaga qaado maanta”.


"Madaxweyne ku xigeenku waxa uu noo adeegsanayaa rag Gobolkan Awdal haysta oo xafiisyada jooga oo ay isku qolo wada yihiin oo ah dadka maamulka jooga ee askartu iyaga u shaqaynayso oo aan caddaalad garanayn oo aan garanayn hallkan dhaar baad ku joogtaa iyo Kitaab baad wax ku xukumaysaa ee dadka u caddaalad samee aan garanayn. Waxa aad mooddaa in ay naga cad goosanayaan oo ay cadho noo sii hayeen maanta noola dhaqmaya. Taliyaha Qaybtu waa inaadeerkii, ka kale ee Jeelka joogaa waa inaadeerkii intaba way nagaga adag yihiin. Awood alla awood aannu maanta kula hadalnaa ma jirto. Waa nala cabudhinayaa. Haddii aanu cabano waxa ay nagu odhanayaan been baad sheegaysaan. Guryihii maalintii dhawayd la dumiyay waxa wali bacadkii fadhiya awlaaddii la soo saaray. Xagaagaa la joogo cirka iyo cadceedda ayay wehel u yihiin. Meel ay roobkaa iyo bacadkaa iyo dabayshaa xagaaga ka galaan aanay jirin. Raggayagii jeelkii ayaa la geeyey oo meelo gaar ah ayaa lagu xidhay. Waxa aad mooddaa in si gaar ah loo bartilmaameedsanayo. Annagu intaasi oo dhan waxa aannu eegaynay amniga dalka, madaxweyne Muuse iyo xukuumaddiisa ayaanu eegaynay ee waxa la gaadhay wakhtigii dhibkan nalaga dul qaadi lahaa. Raggaa shaadhka dawladeed noo xidhay waxa ay ka soo jeedaan reero annana reero ayaanu nahay iskamaan celin Karin waayin ee waxaanu eegaynaa dalkeena iyo amniga iyo wada noolaanshaha ayaanu eegaynaa.”


Haweenay kale oo ka mid ahayd haweenkan cabashada u soo bannaan baxay ee warbaahinta la hadlay waxa ay tidhi: "Halkan waxaanu u nimid in aanu cabasho ku muujino waxaannu u cabanaynaa Madaxweyneha dalka oo isagu ah masuulka ugu sarreeya ee umaddan u dhaartay kaasaanu leenahay Madaxweyne hoos noo eeg oo waxaad tidhaa waar meeshan bal aan eego ee sidee tahay arrinteedu. Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa na damcay oo dhulkayagii naga qaadaya ninka Madaxweyne ku xigeenka ah. Cabdiraxmaan Saylici ayaa na damcay, oo uu beerahayagii, dhulkayagii iyo halkii aanu deganayn naga damcay baanu kuu sheegaynaa. Horena in badan baanu ku celcelinay oo aanu u cabanay imika waanu sheegaynaa. Mudane Madaxweyne degdeg nooga soo gaadh oo caddaalad baanu kaa sugaynaa” ayay tidhi haweenaydaasi ka mid ahayd haweenka cabashada ka muujiyay Madaxweyne ku xigeenka.

 

Loading...
Loading...