Cabdi Tahliil: 'Wuxuu ahaa nin wanaagsan oo waddani ah'

0
Friday June 05, 2020 - 11:22:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Tahliil: 'Wuxuu ahaa nin wanaagsan oo waddani ah'

    Xaaladda caafimaad ee fannaanka Tahliil ayaa sii xumaanaysa waayadan danbe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda caafimaad ee fannaanka Tahliil ayaa sii xumaanaysa waayadan danbe


Fanaankii weynaa ee cabdi tahliil... - Suxufi salaax-diin ...


Waxaa xaley magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaankii caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame kaas oo in muddo ah ku xanuunsanaa Muqdisho.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid fanaanka.

Xaaladda caafimaad ee fannaanka Tahliil ayaa sii xumaanaysa waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay qaranka.

Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday.

Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Kooxihii kale ee uu Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas.

Haddaba fanaaniinta ka tacsiyeeyay geerida Cabdi Tahliil waxaa kamid ah Hibo Maxamed (Hibo Nuura) oo ku sugan dalka Mareykanka.


BBC


Loading...
Loading...