Agaasime Shaqada Laga Ceeriyey Oo Faah faahiyey Waxa lagu Qoonsaday

0
Friday June 05, 2020 - 11:10:48 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasime Shaqada Laga Ceeriyey Oo Faah faahiyey Waxa lagu Qoonsaday

    Tallaabooyinka uu Daahir Afloow qaadayna waxaa ugu caansanayd dhacdadii 17-kii May 2020

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tallaabooyinka uu Daahir Afloow qaadayna waxaa ugu caansanayd dhacdadii 17-kii May 2020


Agaasime Shaqada Laga Ceeriyey Oo Faah faahiyey Waxa lagu ...

Qoraal uu soo saaray Agaasimihii Shaqada laga saaray Telefishinka Puntland ayuu kaga hadlay waxyaabo badan oo dadka qaar ka qarsoonaa.

Anigoo ah Abdirisak Hassan Farah ahna tifaftiraha guud ee Puntland Tv waxaan halkaan idinkula wadaagayaa sababta ka danbaysay xil ka qaadista uu igu sameeyay agaasimaha kumeelgaarka ah ee Telefishinka iyo Raadiyaha Maamulka Puntland.

06 Feb 2020 ayaa xilka agaasimaha guud si kumeelgaar ah loogu magacaabay Daahir Cabdulqaadir Axmed (Afloow) kadib markii xilka laga qaaday agaasimihii ka horreeyay Jamaal Carab Yuusuf, muddo afar bilood ah oo aan wadashaqaynay Daahir waxaa jirtay dhawr jeer oo uu ku xadgudbay shaqada aan warbaahinta dawladda u qaabilsanahay ee tifaftirka, kuwaasi oo sababay fadeexad iyo magac xumo uu la kulmay Telefishinku.

Tallaabooyinka uu Daahir Afloow qaadayna waxaa ugu caansanayd dhacdadii 17-kii May 2020 bogga Facebooka ee Puntland State TV looga saaray qoraal tacsi ahaa oo uu madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ka diray geeridii guddoomiyihii gobolka Mudug marxuum Axmed Muuse Nuur, markii aan arrintaas ka arkay baraha bulshada anigoo aan waxba ka ogayn qofka sidaas sameeyay waxaan la xiriiray agaasime Daahir Afloow oo aan waaydiiyay qofka falkaas ku kacay wuxuu igu yiri "Aniga ayaa galiyay haddana ka saaray waana go’aankayga”, Taasi waxay sababtay fadeexad wayn iyadoo ay muuqatay in Telefishinku ku milmay khilaafka shaqo ee madaxda Puntland ugu sarraysa uuna qayb ka noqday hurinta khilaafka, waxayna ahayd ku xadgudub uu shaqadayda faraha lagalay agaasimuhu.

Waxaa jirtay marar kale oo uu agaasimuhu baraha bulshada ee Telefishinka u isticmaalay sida boggiisa gaarka ah taasina waxay sababaysay in bulshadu iswaydiiso ‘Puntland Tv tifaftire maleh miyaa? ‘, khilaafkaas ka dhashay ku xadgudka shaqada aan anigu telefishinka u qaabilsanahay ayaana ugu danbayn sababtay inuu xilka iga qaado.

Waxaan idiin sheegayaa inaanan shaqadayda uga tagi doonin intaas sababtoo ah waxaan aaminsanahay in Daahir yahay kumeelgaarka insha allaah mar aan fogaynna lasoo magacaabi doono agaasime inagu hoggaamiya horumarka Puntland Tv.


Loading...
Loading...