Bidhaaminta Mushkiladda Fly Dubai, Muse, Suleiman Gaal Iyo Shirkadiikulmiyihii Hore.
M BASHE
Haddaynu daaha uga rogno bulshada Mashaakilka ka dhex aloosan xoolo kala
BOOBKA Kulmiyihii hore shirkadihii naasnuujinta iyo MUSUQMAASAQA
KUSAMAYSNAA OO KULMIYAHA DAMBE KA WADA KACSADAY NAASASKII MAALINBA MID
OO QAYLA DHAANTII MARKASTABA BUUQ MEEL KA DHACAYO, SHALAYTONA MUDEA HA
AY KA SOO MUUQDEEN SULEIMAN GAAL IYO MUSE BIIXI OO SAWIRADOODU IS
HIRDIYAYAAN Hadday jagooyin wasiiro iyo Agaasime tahay iyo hadday
shirkado tahay iyo hadday clubs iyo hotel tahay waxay bulshada
dareensiinaysaa in Muse Biixi wixii ay jeegaanta ku soo heshiiyeen ayuu
raadkoodii ku joogaa KULMIYIHII Horena waxay taagan yihiin AMAAH KUGU
RAAGTAY INAAD LEEDAHAY BAAD MOODDAA. Xaqiiqaduna waxay tahay waxan ay
kala boobayaan waa wixii ummadda saboolka ahi wada lahayd. Fly Dubai iyo
Arabia labada duulimaadba group kii Siilaanyo ka xanuunsaday baa
dhuuqi jiray iyo Madaarka iyo Hargeysa Club iyo qaar kaloo badan
Kulmiyahan dambe wuxuu shaaracyada la taaganyey waqtigii dhuuqidiinu way
dhammaatay e markayaga ha naga carsha cardhaynina.
Muse Biixi iyo Kulmiyehiisu weligii kumay fikirayn markay xukunka
qabtaan inay wadanka SOMALILAND horuumariyaan ee waxay habeen iyo
maalin daawanayeen oo qoranayeen oo ku qayilayeen naasaska Kulmiyihii
hore dhuuqaayey markay Kursiga isku hubsadaan siday ugala wareegi
lahaayeen oo ah SIDII JEEGAANTU KU SOO HESHIISAY OO AHAYD MARKIINA...
ANAGANA MARKAYAGA....
Waxaynu wada ognahay waxa isbedelka la yidhaa inuu xannuun kululyey (
every change is very painful) waana taa ta ka taagan SOMALILAND markaa
bulshada reer Somaliland anoon idin kala qaadqaadayn ALLAH IDINMA KALA
QAADQAADEE Heego hore iyo mid dambe midna idiinma maqna ee way idinku
maqanyihiin ishiinaana idiin macalima. Somaalidu waxay tidhaa AWR
HEERYADIISA CUNAA KUD HA DILEE WAAYAHA DAMBUU KURUSKU HOOLMAA waana
SOMALILAND TAN maanta halkay TAAL. KULMIYIHII HORE WUXUU AHAA AYAXII
KULMIYAHAN DAMBENA WAA KORONKORADII.
SOMALILAND (FOUNDATION) KEEDII AY AHAYD IN WADAN GAARA OO ICTIRAAF
RAADIS AH OO UMMADDOO DHAMI WADA LEEYIHIIN LAGA DHIGO WAA LA DIIDAY OO
WAXAA KA MARKHAATIYA JEBINTA HESHIISKII KHAATUMO KU GACANSAYDHEKA
SHIRKII GACANLIBAAX, DAGAALKA SIYAASIGA LAGA DHIGTAY EE CEELAFWEYNE EE
WADANKII PARALYSIS KA DHIGAY IYO JABHADIHII KALA DAMBEEYEY EE LAHAA
CAARRE IYO WABAR IYO CAALWAAGA BULSHADA DHEXDEEDA KA JIRA WAXAA SOO
DHAMI WAA MIINOOYIN WELI AASAN OO LA MAHADIN DOONIN. WADANKA WAXAA LAGU
AASAASAY (IMMORRAL) IYO KALA SHEEGASHO AAN CILMI IYO AQOON KU DHISNAYN
EE DANTA GUUD LAGU JEEBAYSTO waxaasina sida makiinaddu timaa u xiirto
ayey quluubtii dadka uga xiirtay wadaniyaddii is nacayb fogaaday bay ku
kala dhex abuurtay ummaddii meel ku wada noolayd, runtiina dhaqaalihii
wadanka ayey dhaawac weyn gaadhsiisay markay shuruucdii wadanka u taalay
lagu takri falay, maal gelintii wadanka ayey joojisay oo yaraysay
qofkii indheer garadi wuu arkayaa dhabaatada ay soo kordhiyeen
Xukuumaddii kala dambeeyey ee Kulmiye. Somalia inaga dhex kaluumaysatay
markaynu wadaniyaddii dhaawacnay.
Maxaa xala hadaba.
1- DADKA XADHIGOODII DHAMMAADAY EE JEELASHA KU JIRA HA LA ISKA SIIDAAYO.
2- DADKA WAAN KU XIDHAY U XIDHAN HA LA SII DAAYO.
KOOTOOYINKA XAARAANTA AH HA LA JOOJIYO ILAYN REER DAWLAD MA NOQDEE.
3- DADKAN ISKU REER KA AH EE HOGAAMINTII WADANKA ISKU TAXAY WAXBA
WADANKA KU SOO KORDHIMAAYAAN AAN DHAQAALO XUMO AHAYN EE WADANKA
DISTOORKA HA LAGU DHAQO OO HA LAGA WADA DHEX MUUQDO.
5 - WAA NIN MURAAD KHAASE LEH REERKA YIDHAA ANIGAA MILITARY MAXKAMAD
MAALIYAD DEKEDO MADAXWEYNE AHAANAYA TAASI WADANKA WEY DUMISAY BARIIS
LACUNO UUN BAY WADANKII KA DHIGTAY, KARTIGII IYO AQOONTII UMMADANA WAY
BAABINAYSAA OO WAXBA LAMA QABSAN KARO HADDII XAFIISYADA IYO APPLICATIONS
KA IS C.V. YADA QOLOMAATAY LAGU BUUXSADO.
NINKII SIDAA RABAW KU SOCO SHAQAALAHA WADANKU WAA XOOLAA NOOL MEESHII
LA DOONAA LOO IIB GAYN DOONAA HADDAY DJABOUTI TAY, HADDAY BOOSAASO TAY
IYO HADDAY XAMAR TAYBA.
M BASHE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...