Madaxweyne Trump Oo Iran U Mahadceliyay
Michael White ayaa la xiray 2018-kii isagoo doonayay inuu la kulmo saaxibadii oo ku sugnayd magaalada Mashhad ee dalkaasi Iran, balse lama shaacin sabata loo xiray.
Siideynta maxaabiista ayaa ah xiriir dhif iyo naadir ah oo dhexmara Mareykanka iyo Iran, inkastoo xukuumadda Washington ay difirtay inuu yahay maxaabiis is weydaarsii toos ah oo u dhaxeeya labada dal.
Madaxweyne Trump ayaa xaqiijiyay siideynta Michael White, sheegayna in Mareykanka lagu geeyay diyaarad Swiss ah.
'' Weligey ma joojin doono ka shaqeynta lagu soo bad-baadinayo dhammaan muwaadiniinta reer Mareykan.'' ayuu yiri Trump.
Bishii May 2018-kii, Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump wuxuu ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran, wuxuuna dib
u soo celiyay cunaqabateynta dhaqaalaha ee dalkaas saaran. Wuxuu sidoo kale ku
hanjabay in tallaabo midaa la mid ah uu ka qaadayo dalalka iibsada shidaalka ay
Iran soo saarto. Ka dib, dhaqaalaha Iran ayaa xaalad adag galay.
Xiriirka Iran iyo Mareykanka ayaa sii xumanayay tan iyo bishii May 2019-kii, markii Mareykanka uu aad u adkeeyay cunaqabateynta saaran Iran, isagoo si gaar ah u eegtay dhoofinta shidaalka ee dalkaas. Iran waxay dhankeeda bilowday olole ay cadaadiskaas isaga caabineyso.
Bilihii May iyo June, 2019, waxaa
qaraxyo la kulmay lix markab oo shidaalka qaada kuwaas oo marayay Gacanka
Cumaan. Mareykanka ayaana tallaabadaas ku eedeeyay Iran.
"20-kii bishii June, ciidamada Iran waxay soo rideen diyaarad uusan duuliyaha saarneyn ee Drone-ka ah ee Mareykanka uu leeyahay. Mareykanka wuxuu sheegay in diyaaraddaas ay mareysay hawada biyaha caalamiga ah, balse Iran waxay ku doodeysaa in dhulkeeda ay ku soo xadgudubtay.
Bishii July waxaa dib u bilowday
go'aamada iyo ka go'naanshaha dib u soo celinta heshiiskii Nukliyeerka.
Balse Xiriirka labada dal ayaa aad usii xumaaday bishii Janaayo ee sannadkan kaddib markii Mareykanka uu dilay Janaraal Qaasim Suleymaani oo lagu dilay diyaarada aan dulliyaha lahayn isagoo ku sugan dalkaasi Ciraaq. Iran ayaa qaadday tallaabo aargoosi ah iyadoo weerartay xarumo milatariga Mareykanka uu ku lahaa Ciraaq
BBC