Raysal Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay'adda IMF iyo Qodobada Uu Kala Hadlay

0
Thursday April 11, 2019 - 19:01:37 in News by
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay'adda IMF iyo Qodobada Uu Kala Hadlay

    Raysal Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay'adda IMF iyo Qodobada Uu Kala Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay'adda IMF iyo Qodobada Uu Kala Hadlay

 


Muqdisho(HWN):-Raysal wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan wadanka Maraykanka ayaa kulan la qaatay madaxa hay’ada lacagta aduunka ee IMF Cristine Lagarde.




Raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Cristine Lagarde kala hadlay dedaalada ay soomaaliya samaysay ee ay ku dalbanayaan in laga dhaafo deynta lagu leeyahay, isaga oo sharaxay horumar laga gaadhay nidaamka maaliyada ee soomaaliya.


Wasiirka Qorsheyta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xassan, ayaa sheegay in dhammaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta, dhawaanna la filayo in go’aanno laga soo saaro.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa Washington waxa uu sidoo kale kulamo la qaatay guddoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim iyo guddoomiyaha Cusub ee Bangiga adduunka, David Malpas.

Image may contain: 3 people

Sidoo Kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa aqalka cad kula kulmay la taliyaha difaaca ee Madaxweynaha Mareykanka, John Bolton, kaas oo ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay hagaajinta maaliyada, sidoo kalana u sheegay in ay dowladda Mareykanku sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.

Loading...
Loading...