Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Ansixiyey Qorshe Lagula Dagaalamayo Musuq Maasuqa

0
Thursday June 04, 2020 - 21:33:06 in News by
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Ansixiyey Qorshe Lagula Dagaalamayo Musuq Maasuqa

    Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Ansixiyey Qorshe Lagula Dagaalamayo Musuq Maasuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Ansixiyey Qorshe Lagula Dagaalamayo Musuq Maasuqa


Muqdisho(HWN):-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen aaladaha la iska arko, waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee 2020-2023 iyo heshiisyada caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa.




Wasiirka caddaalada ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dadaallada lagula dagaalayo musuqmaasuqa, sidoo kalana sare loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta si loo ilaaliyo amaanada ummadda.


Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka qeybtisii hore oo sidoo kale looga hadlay xaaladda COVID19, fulinta heshiiska IMF iyo DFS, iyo amniga dalka.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhamaan wasiirrada faray in la dardar geliyo fulinta qorshayaasha wasaaradaha si loogu guuleysto dadaallada lagu xaqiijinayo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.


Shirka oo qeybtiisa dambe uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sidoo kale looga hadlay dedejinta fulinta mashaariicda horumarineed ee qaybta ka qaadanaya horumarinta nolosha bulshada iyo dib u soo kabashada dalka.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...