Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Waa Maxay Siyaasadi (Qaybtii 61aad)

0
Saturday March 02, 2019 - 20:02:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Waa Maxay Siyaasadi (Qaybtii 61aad)

    Sheekadan oo ka soo jeeda sooyaalka hodanka ee ay leedahay umadda yahuudu ayaa faahfaahinaysa macne ka mid ah waa maxay siyaasadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekadan oo ka soo jeeda sooyaalka hodanka ee ay leedahay umadda yahuudu ayaa faahfaahinaysa macne ka mid ah waa maxay siyaasadi
Mid ka mid ah yahuudi ruushka "Midowga Soofiyat" ayaa dawlada ruushka ka helay ogolaanshe inuu u guuro dhulka "Isreal” xiligii wax waliba adkaayeen

Dhoofkii isagoo ku gudajira madaarka Moscow oo uu shaqaalihii kastamku baadhaayo wuxuu ka dhex helay boorsadiisii sanam dhalaalaaya oo ah hogaamiyii lenin
Shaqaalihii ayaa weydiiyay WAA MAXAY WAXANI ?
Yahuudigii ayaa yidhi qaabka su,aasha aad ii weydiisay ayaa khaldan Sxb , Inaad i weydiisay ahayd WAA AYO KANI?


Shaqaali ayaa weydiiyay WAA AYO KANI?
Yahuudigii Waa Lenin ... Ninkii tiirarka u taagay shuuciyada ee badhaadhaha u horseeday dalkan, ana si aan u xuso mar walba ayaan sanamkiisa usii sahayanaayaa.
Shaqaalihii ayaa qiirooday markaasu ku yidhi waad iska dhoofi kartaa !

Markii uu "Isreal” tegay ayuu shaqaalihii madaarku ku yidhi WAA MAXAY WAXANI ?

Yahuudigii ayaa yidhi qaabka su,aasha aad ii weydiisay ayaa khaldan Mudane Inaad i weydiisay ahayd WAA AYO KANI?
Shaqaalihii ayaa weydiiyay WAA AYO ?
Yahuudigii kani waa mujrimkii waynaa ee aan uga soo guuray Ruushka , waxaan u soo qaatay si aan mar walba markaa eego aan HABAARO !
Shaqaalihii ayaa qiirooday markaasu ku yidhi waad geli kartaa dalkaaga hooyo

Yahuudigii ayaa sanamkii dhigtay meel laga arki karo qolka fadhiga
Yahuudigii si uu ugu dabaal dago imaatinkiisa waxa uu soo casuumay dadkii ay qaraabada ahaayeen oo dhan

Wiil uu adeer u yahay ayaa weydiiyay WAA AYO KANI ?
Yahuudigii ayaa yidhi adeer qaabka su,aasha aad ii weydiisay ayaa khaldan waxay ahayd inaad I wedydiiso WAA MAXAY WAXANI?

Adeer waa 10 KIILOO OO DAHAB AH NOOCIISU YAHAY 24 OO AAN SOO TAHRIIBIYAY BILAA KASTAM IYO CASHUUR KU SOO GELIYAY

Ninkii dahabkii aqalka ayuu ku haystaa iib wuu u diiday dhanac kale sheekadani waxay ku tusaysaa maskaxbadnida ninkaa

Hadal iyo dhamaantii SIYAASADU waa karti ma u leedahay inaad shacabka wax keliya inaad ugu sharaxdo siyaabo badan oo qof walba la jaanqaadaysa baahiyihiisa Weliba isaga oo ku qanacsan
Madaxda dalka ee ay ka soo hadhay HAN ayaa leeyahay iyo waxaasaa xun iyo waxaasaa fiican waxa looga baahan yahay in shacabka si daahfuran ugu waramaan

Siyaasada hibo ayaa loo kala leeyahay hadii uu qofku waxbarasho ku darsadona ka sii wanaagsan , sidaa awgeed waxa la yidhaa weelba weelka uu ka madhan yahay ayuu ka qaylo badan yahay.


Alle Mahad Leh

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...