Qoor Qoor oo shir deg deg ah isugu yeeray Madaxda Hay'adaha QM ee ka howlgalla dalka

0
Thursday June 04, 2020 - 09:07:20 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoor Qoor oo shir deg deg ah isugu yeeray Madaxda Hay'adaha QM ee ka howlgalla dalka

    Shirka ayaa looga hadlay saameynta cudurka safmarka ah ee covid19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka ayaa looga hadlay saameynta cudurka safmarka ah ee covid19




Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir khadka internetka ah la yeeshay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya,kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

 

Shirka ayaa looga hadlay saameynta cudurka safmarka ah ee covid19 ku yeeshay Bulshada reer Galmudug iyo sidii loola tacaali lahaa iyo saameyntiisa caafimaad, dhaqaale iyo midda waxbarasho intaba.

Kulanka waxaa Madaxweynaha Galmudug ku wehliyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Galmudug sida Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka dalbaday xubnaha Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya inay Galmudug ka caawiyaan la tacaalida Cudurka COVID-19.

 

Deegaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ugu geeriyooday dad lagu arkay Calaamada Cudurka Coronavirus, halka kuwo farabadna oo qaba Cudurka ay la jiifaan.


Loading...
Loading...