Ruushka iyo Sacuudiga oo gaaray heshiis horudhac ah
Sacuudiga ayaa hoggaamiya ururka OPEC, halka Russia ay hoggaamiso dalalka aan xubnaha ka ahayn
Hargeisa(HWN):-Sacuudi Carabiya iyo Russia ayaa gaaray heshiis horudhac ah oo muddo bil ah lagu dheereynayo dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarkooda saliidda cayriin, si sare loogu qaado qiimaha saliidda caalamka.
Sacuudiga ayaa hoggaamiya ururka OPEC, halka Russia ay hoggaamiso dalalka aan xubnaha ka ahayn ururkaas ee saliidda soo-saara, waxaana labada dhinac la isku yiraahdaa OPEC+.
OPEC+ ayaa isku raacay inay wax soo-saarkooda saliidda ka dhimaan 9.7 milyan oo barmiil maalinkii ama 10% guud ahaan wax soo-saarka caalamka, bilaha May iyo June, si qiimaha sare loogu qaado kadib markii cudurka Coronavirus uu hoos u dhigay qiimaha.
"Sacuudiga iyo Ruushka waxay hadda isku raaceen in heshiiskaas lagu daro bil kale oo dheeri ah,” waxaa sidaas yiri il-wareed ka tirsan OPEC oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.
"Heshiiskan ayaa waxaa dhaqan-galkiisa shuruud ah in dalalkii aan u hogaansamin heshiiskii May ay dhimaan wax soo-saarkooda bilaha soo socda,” ayuu yiri.
Dalalka Iraq iyo Nigeria oo xubno ka ah OPEC ayaa muujiyey inaysan sidii la rabay ugu hoggaansamin wax soo-saar dhimistii May. Sidoo kale Kazakhstan ayaan si buuxda uga soo bixin qodobada heshiiska.
Ruushka iyo Sacuudiga ayaa horraantii sanadkan waxaa dhex-maray dagaal dhinaca saliidda ah, waxaana suuqyada caalamka ay kusoo fasaxeen saliid badan ayaga isku xumeynaya, taasi oo qiimaha saliidda dhulka gaysay.
REUTERS
Loading...
Loading...