Wasiirka Caafimaadku Muxuu Kaga Jawaabay Iscasilaadii Loogu Baaqay?

0
Wednesday June 03, 2020 - 20:49:29 in News by
  • Visits: 1709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caafimaadku Muxuu Kaga Jawaabay Iscasilaadii Loogu Baaqay?

    Wasiirka Caafimaadku Muxuu Kaga Jawaabay Iscasilaadii Loogu Baaqay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Caafimaadku Muxuu Kaga Jawaabay Iscasilaadii Loogu Baaqay?


Hargeysa(HWN):-Wasiirka caafimadka somaliland Cumar Cabdilaahi Cali ayaa ka jawaabay eedaymo loo jeedinayo wakhti uu meel xun marayo xanuunka Covid-19 ee ku sii faafaya caalamka.

Daawo Warbixinta Wasiirka Caafimaadka Somaliland Ee Kiisaska Cusub ...


Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay inuu ilaa hada ku taagan yahay gudashada waajibkii loo igmaday isaga oo meesha ka saaray eedaymo loogu baaqayo inuu iscasilo.


Ugu horayn wasiir Cumar Cabdilaahi oo ka hadlaya sababihii keenay in laga wareejiyo hogaaminta guddida qaran ee la dagaalanka coronavirus ayaa waxa uu yidhi "aniga gudoomiyaha guddida ka hortaga Covid-19 ayaa markii hore aniga lay magacaabay markii la arkay culayska uu leeyahay ee aan ahayn dhinaca caafimaadka oo kaliya balse la saamaynta uu ku yeelanayo dhaqaalaha iyo bulshada waxa qasab noqotay in guddida la kordhiyo waxaana lagu soo daray wasiirka maaliyada iyo madaxweyne ku xigeenka, meesha uu joogo madaxweyne ku xigeenkuna isaga ayaa gudoomiya ee cid kale ma gudoomin karto.”


Sidoo kale waxa uu ku dooday inuu ilaa hada ku taagan yahay gudashada waajibkii loo igmaday isaga oo meesha ka saaray eedaymaha loo jeedinayo "Xilka waa lay igmaday, aqoonteediina waa lay biday iyo inaan ka soo bixi karo, imikana waxaan aaminsanaha inaan intii karaankayga ah wado, qorshe qaran ayaanu ku shaqaynaa oo wasaaradu kuma shaqayso hebelbaa askari ah iyo hebelbaa macalin ah balse waxay ku hawl gashaa qorshe iyo nidaam u yaala oo uu maarayn karo qof kasta oo garaad leh oo aqoonyahan ahi, arintuna ma taagna waxa laga dhigayo.”


"Anigu intaan dhakhtar tago inaan cid daweeyo laygama rabo laakiin waxa la rabaa siyaasada caafimadka ee qaranka maw badali karaa qorshayaal oo ma hawl galin karaa dadka wixii la haystana wax ma lagu qaban karaa.”

Loading...
Loading...