"Qabyaaladdii Waxay Socotaba In Halgankii La Kala Sheegto Ayeey Maraysaa" Jamaal Cali Xuseen
Hargaysa (HWN) Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in qabyaaladii meelxun lamarayso Shacabka Somaliland, waxaanu sheegay in Halgankii dalka loosoo galay haatan lakala sheeganayo oo xataa mujaahidiintii dhintay taariikhdoodii kuwa nooli sheeganayaan, waxaanu aqoonyhanku sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, qoraalkaasi oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:-
Kolka kooxi ciyaarayso ragga qaar baa ciyaartoo dhan ciyaara sagaashanka daqiiqadoodba (90 minutes) halka ragga qaarna daqiiiqadaha danbe ayeey soo galaan ciyaarta oo waxaaba laga yaaba inay goolka guusha dhaliyaan. Hadhow kolka koobka la siinayo, kooxdoo dhan baa guusha la wada siiyaa ee lama yidhaahdo hebelna maalintaasuu maqnaa, hebelna ciyaartii finalka ayuu ka maqnaa. Imika qabyaaladdii Waxay socotaba in halgankii la kala sheegto ayeey maraysaa oo mid walba ka aan reerkiisa ahayn ka dafiro xaqii iyo taariikhdii uu lahaa.
Waxaan u arkaa ciyaar suunka hoostiisa laga dagaalamayo (below the belt). Waa kalsooni daro bulashadda lagu kala fogeynayo. Hadduu qofku taariikh sheegayo waa inuu cilmi baadhis qoto dheer soo gudbiyaa oo halka uu soo xiganayo uu si cad bulshadda ugaga waramaa. Laakiin maxaan ula yaabi dadka taariikhdaba waxay iyagu jecel yihiin ayeey u haystaane. Taarikhihii dhowr sano ee aan anigu u soo joogay ayaaba anigaygan idinla hadlaya been cad lagu sheegay buug anigana laygu soo daray Oo weliba laygu soo casumay kkkk iyadoo la leeyahay Jamaal baanu sidaa Kula talinay oo ay tahay been ay buug ku qoreene. Dad Ilaahay ka baqanaya maaha. Waar dareenka shakhsi maaha taariikh. Waar anagu anagaaba nool Oo kuwaa u jawaabiye, bal kuwan dadkii dhintay u diidan intii ay lahaayeen maxaad ka sugaysaa. Very Sad!!!
Jamaal Cali Xuseen