Xuquuqda Muqdisho Afmiishaaro Miyaa ka Adeegay?
Soomaalida waxa ay ku maahmaahdaa {Rag Cadaalad kala waayay sidii cawshii kala yaac) waxaan maahmahdaan u soo qaatay, Qaraarkii dhawaan ka soo Saareen guddi ka tirsan labada aqal baarlamanka federaalka soomaaliya.
kuraasta golaha
aqalka sare Gobolka Banaadir ku yeelanaayo, ayaa guddiga qaraarka ka soo baxay lagu sheegay
1 gobolka banaadir in aqalka sare ku yeelanayo 7 kursi
2 in kuraasta lagu soo xuli doono nidaamka beelaha ee 4.5.
3 in madaxda sare ee dalka go,aan ka gaarayso qaabka loo qaybinayo 7 kursi.
xaqiiqdii marka runta laga hadlo waxa go’aankaas ka muuqday cadaalada darada iyo Dulmiga lagula kacay dadka dagan gobolka banaadir , gaar ahaan beelaha ugu badan gobolka.
soomaalida waxay
tiraahdaa { nin kaa hadal badan dhaxalka aabahaa ayuu kula
qaybsadaa) waxaan Ulajeedaa Oraahdaas waxaa muuqanaysa Rag siyaasiyiin Ah oo dawlada federaalka xilal sare ka haya, qaar ka
mida maamulada dalka ka jira
qaar ka ka mid ah Qabaailka soomaalida iyo kooxo afmiishaaro ah ay Ka adeegteen Xuquuqda shacabka Muqadisho.
soomaalidii hore qofka damaca badan ee ay la yaabto damaciisa faraha badan waxay oran jirtay (qofkaasi damac badanaa ma dhidirbaa /Weer)?
Waxaa taas la mid ah Qofka ama qabiilka saamiga uu xaqa u lahaa ku soo qaatay , Garoowe , Gado , Caabudwaaq , Baydhabo iyo meelo kale hadana raba beelaha hawiye iyo reer banaadir Xuquuqdooda in uu la qaybsado!
Tasaale shacabka ka soo jeeda magaalada muqdisho ma jirto gobol kale oo xuquuq ama saami qaybsi siyaasadeed looga ogol yahay. bal iswaydii waxa ku gaara shacabka muqdisho?
muranka iyo khilaafka ka taagan maqaamka iyo xuquuqda
magaalada muqdisho waxa uu soobilawday sanadkii 1993
Xiligaasi magaalada adis ababa ee caasimada dalka itoobiya waxaa ka dhacay shir la iskugu keenay kooxii xiligaasi dalka ku hardamayay.
Qaramada midoobay oo
shirka marti galisay ayaa ka qaybgalayaashii shirka u soo bandhigtay in la
dhiso gole qaran oo mudo si ku meel gaara dalka u maamula (
transitional national council )
Alah u naxariisto jenaraal maxamed faarax caydiid oo xiligaasi ahaa hogaamiyihii ugu awooda badnaa kooxii hubaysnaa ee ku hardamayay awooda dalka Ayaa soo jeediyay in 15 kursi shacabka dagan magaalada muqdisho laga siiyo golaha la dhiso laakiin kooxii siyaasada ay isku hayeen ayaa arinkaasi ku diiday si adagna uga soo horjeestay dalabkii jeenaraalka.
maxamed faarax
caydiid markii ragii ka soo horjeeday
arinkaas isku mari waayeen waxa uu
la kulmay hogaamiyihii hore ee dalka itoobiya meles
zanawi oo xiligaas ahaa madaxwayanaha dalka itoobiya
Waxa uu u sheegay kuna hanjabay hadii dalabkiisa la aqbalin in shirka iskaga bixi doono isla markaana ay qaadayaan masuuliyada bur bur ku yimaada shirka Raga diidanaa xuquuqda iyo maqaamka magaalada muqdisho . taasi waxa sababtay in dalabkii jenaraal caydiid la aqbalo.
Su’aasha maanta
taagan waxa ay tahay siyaasiyiinta shacabka magaalada muqdisho siyaasada ku
matala Malaga helayaa maanta mid ku dhiirada difaaca xuquuqda shacabka ay Matalan?
gabagabadii qoraalkayga shacabka muqdisho waxaa looga baahan yahay si aan kala har lahyn in ay uga dhiidhiyaan shirqoolka
siyaasadeed ee la doonayo in xuquuqdooda
lagu boobo.
waxaana mustaqbaka adkaan doonto hadii arinkaan laga dhiidhiyin in la saxo ama la helo xuquuqda ay lee yihiin shacabka muqdisho Mustaqbalka .
Waxaa Qoray Cali Mohamed ali
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!