Wiil Reer Boorama Ah Oo 40 Maalmood Hargaysa Ugu Xidhan Warqad Ay Jartay Maxkamada Milateriga Somaliland

0
Wednesday June 03, 2020 - 09:55:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Reer Boorama Ah Oo 40 Maalmood Hargaysa Ugu Xidhan Warqad Ay Jartay Maxkamada Milateriga Somaliland

    "Waa ayaandarro in ciidankii qaranka ee u xilsaarnaa ilaalinta shacabku ay ka shaqeeyaan duudsiga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa ayaandarro in ciidankii qaranka ee u xilsaarnaa ilaalinta shacabku ay ka shaqeeyaan duudsiga"

Hargaysa (HWN) Waxaa magaalada Hargaysa ku xidhan Cabdiwahaab Cismaan Cumar oo ah wiil dhallinyaro ah oo dhashay 1997kii, kana soo jeeda magaalada Boorama.




Wiilkan dhalinyarada ah ayaa Hargaysa ugu xidhan cabiraad uu ku sameeyay fikirkiisa, waxaana la soo xidhay kadib markii maxkamada ciidanka Milateriga Somaliland ay ujartay warqadii lagu soo xidhi lahaa, sida uu qoraal uu baahiyay ku sheeqay Abwaan, qoraa Siciid Maxamuud Gahayr, waxaanu qoraalkaasi uqornaa sidan:-


 

Cabdiwahaab Cismaan Cumar oo ah wiil dhallinyaro ah oo dhashay 1997kii. Sida ay qareennadiisu ii sheegeen, waxa lagu soo qabtay warqad ay jartay maxkamadda ciidanka milatarigu, isaga oo Boorama jooga, kaddib markii uu ka hadlay caddaalad-darro la dhex jirta ciidanka qaranka. Ma garanayo xeerka ay maxkamad ciidan ku xidhayso dadweynaha.

 

Ciidanka qaranku iyaga ayaa qiray inay cadddaalad-darro ku sii daayeen Caarre, markaas maxaa shacabka lagu haystaa? Yaa maxkamadda ciidanka u oggolaaday inay rayidka qabqabato?

 

Haddii uu Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanni maxkamad la gelayo cid durtay, waxa habboonaa inuu filkiisa raadsado. Xildhibaan ama Wasiir Maxamuud Axmed Barre Garaad Eebbe ha u naxariisto'e ayaa yidhi "Nuux Taanni waa in la khaarajiyo" dabayaaqadii 2011ka oo ay dhaceen dilkii Seemaal, oo Nuux Taanni xilka lagaga qaaday waayadaas 2011ka.

 

Nuux Taanni ma gelin dacwaddii uu ballanqaaday inuu la galo Marxuun Maxamuud Axmed Barre (Garaad,) oo markaas ahaa xildhibaan-sharafeed la tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland, markii dambe ee 2012-2015 noqday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland. Ma miskiin ayaa misko la fuulo leh? Walaw laga ergeeyey siideynta, wacadkaasi ma fulin. Ciidanka qaranku waxa ay xadhiggooda ka xalaalaysteen maxkamadda sare, hal xaaraan ahina nirig xalaal ah ma dhasho. Waxa ay doonayaan inay dib uga gurtaan dacwadda ninka dartood loo taxaabay.

 

Judhiiba waxa loo soo qaaday Hargeysa, keligii ayaa qol lagu xidhay.. Waxa laga fogeeyay ehelkiisii cuntada u keeni lahaa

Habeen ayaan loo geynnin afurka iyo cashada, isaga oo soommanaa. Keliga waxa uu helay suxuurta, waa tallaabo kale oo arxandarro ah, oo kas iyo kama labadaba u dhici karta.

 

Xilliyada qaar waxa uu la kulmay xanuun, hurdo la'aan iyo dhibaatooyin uu kala kulmay xabsiga. Waxa aan booliska ku ammaanaynnaa inay la tacaaleen xaaladdiisa caafimaad markii aanu ergo iyo booqasho ugu tagnay maxbuuska. Waxa booliska loo keenay warbixin la buunbuuniyay oo ka dhan ah maxbuuska aan waxba galabsan.

 

Walaw uu xidhan yahay illaa 23kii Abril 2020ka ama 40 cisho, xafiiska xeer-ilaalintu ma keenin dacwadda iyo eedda rasmiga ah ee loo haysto. Lama garanayo xilliga ay dhegaysiga dacwaddiisu bilaabmayso.

 

Cabdiwahaab waxa uu u xidhan yahay cabbiraadda aragtidiisa, ma aha dembiile geystay dhac, dil, kufsi iwm.. Xadhiggiisu waxa uu xadgudub ku yahay qodobka 32aad ee dastuurka Somaliland oo dammaanadqaadaya xorriyadda aragtida.

 

Waxa yaab ah in muddo laga warwareegayo caddaynta kiiska loo haysto, inta maxkamadda la keeno ayaa la celiyaa. Waalidkii ayaa kolba gaadhi ka soo raacaya Boorama marka la keenayo maxkamadda, oo hungo la noqonaya.

 

Waa ayaandarro in ciidankii qaranka ee u xilsaarnaa ilaalinta shacabku ay ka shaqeeyaan duudsiga iyo dal-nacsiinta muwaaddiniinta da"da yar. Waxa aan ku baaqayaa in Cabdiwahaab Cismaan Cumar lagu sii daayo 24 saacadood gudahood idanka Alle.

Loading...
Loading...