27 May Maalintii Taariikhda Geeska Badeshey (3-5 June iyo Hargeysa) Q:8aad

0
Wednesday June 03, 2020 - 09:35:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 May Maalintii Taariikhda Geeska Badeshey (3-5 June iyo Hargeysa) Q:8aad

    Lasoco Q:9aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lasoco Q:9aad

Ciidamadii jabhadu waxey, isku urursadeen jeex-jeex u dhow jidka hadda loo yaqaan jidka150 ka, sida kolba goosan socda ayaa, imanaya oo dadweynihii keenayaan goobtan la iskuurursanayo.

 

Taliskii Guud sidii la isku ogaa badhkood waxa uu degay Biya-Shiinaha(biyo doofaar) sida C.Raxmaan Tolwaa, Dayib Gureyna iyo Dhagaweyne na Geed-deeble ayeey qabteen oo dhawraskari ay wateen ku sii xoreeyeen.Waxa markaas is heley intii badneyd saraakiishii ciidanka guri shub ah oo la odhan jirey Ayuubi.

 

Waxa lagu gorfeeyey xaaladii murugsaneyd ee taagneyd. Sida aan waxba gacanta ugu jirin,taakuleyn militari noocey doontaba ha ahaatee, saad raashin, iyo daawooyin.Waxa la istusey in cadowgu inagu xeeranyey, aduunkana meel inoo furan xataa siyaasiyanaaney jirin.

 

Markaas sida halganku u joogsan, jabhaduna u baabi'n waa in loo cararaa buuraha khaasatan kuwa cadoga laga naafeyn karo, nololna ka suurtoobi karto. Waxa carrabka lagu dhintey Golis iyo Gacan-Libaax halkaasoo lagu ogaa hub iyo rasaas uu LixleAHN ku aasey.

 

Nasiib wanaag waxa taladaas Ganafka ku dhuftey, Maxamuud Heybe Goodhaadh, oo xila-furnaku marey in aan dadweynaha looga tagin ciidanka Siyaad Barre, ilaa dadka ka ugu dambeeyaa kabaxayo-na, lagu dhex dagaalamo!!!!Goobtaas waxa lagu kala qaybsadey waajibaadka dagaal(gorilla war)ee wajiga cusub, waxaanuahaa sidan.

 

 Sayid Cumar laga bilaabo shacabka iyo waxii galbeed ka xiga. 20aad Hospitalka ilaa kheyriyada.Sancaani, laga bilaabo xisbiga iyo wixii Bari ka xiga.Waxa iyana waajibaadkoodii, qaatey taliskii guud, durtaba waxa la heley in Cadaadley guullaga gaadhey, halkaas oo Dhagaweyne waraaq u direy uu taakuleyn ku codsanayo gaar ahaana rasaasta  Jiibka.

 

Waxa iyana abaabul tababar 15 maalmood ah oo degdega bilaabeyKorneyl  Maxamed Cali Weerer oo ay noqotey mid dhalin yar badan oo dagaalkii dhuumaaleysiga mayalka u qabtey aytababar kusoo qaateen. Waxa xusid mudan in ayana Korneyl Cismaan Dacas goobtaas kaga biirey ciidanka.

 

Waxa isaguna bilaabey Dayib Gurey u baxey dhankii miyiga iyagoo raacdeynaya ciidan ururin iyo rasaas ururin. Halka C. Raxmaan Dhool-Dahable(Xuusho) loo igmadey, in uu soo kaxeeyo PM 42dhuumood ah, looguna duqeeyo Airportka diyaaradahana lagu burbursho, kaasi oo ah ficil iyogulufka qarsoon ee cadowgu kaba warqabin.

 

Waxa iyana dadweynihii hogaanka uqabtey dadkii caanka ahaa ee magaalada kusugnaa, eeabaabulkooda loo dhagtaagi jirey oo ay ugu horeeyaan Hal-Abuurkii caanka ahaa, sida Yuusuf Xaaji Aadan Qabile, Cismaan Askari, Cali Sugule, Saxardiid Jabiye, Maxamed Yuusuf, Xasan Gani,

 

Faysal Cumar Mushteeg, Basbaas, Boon Xirsi, Sahra Halgan iyo kuwa kale oo badan. Halkaasna waxa ka bilaabmatey suugaan halgameed abaabulkii kor u qaadey, oo markiidambe garabkii halganka suugaanta noqdey, oo degay, Kaam Abokor. Suugaantii Faqash weytageysaaye, isasii kaba raacsha, iyo Dharaar Walba Waaye heedaIlaahii Dhisaa Yaqaanee, Nin Xumaan Dhisayoo Dhiteystey, Dhoobadaa Afka lagaga jiidee, Dhalaankeena iyo caruurta, Dhurwaaga ku began meynooy.

Dhanka Xukuumadu, waxey ogaatey in ciidan badani joogin magaalada, gurmad cusubina goobtasoo gaadhin, wax dhaq-dhaqaaq ah oo jabhadu sameysana jirin.Intaas kadib waxa bilaabmatey madaafiic lagu beegsanayo, dhamaan intii ku xeerneyd goobtiiciidanku ku sugnaa, halkaas oo guri-guri madfacu u goosanayey.

 

Waxa cadowgii soo kiciyey ciidamo badan oo militari iyo maleeshiyaad kasoo hangagaarey xeryihii qaxootiga iyo waliba shacbkii xukuumada ku abtirsan jirey oo kumanaan ahina sibadheedha Xukuumadu u hubeysey, si loogu badalo dagaalka qabaa'il is-haya.Maalintaas oo aheyd dharaartii 5aad oo jabhadu waxey ku fiiqdo oo badan weydey, ayaa nasiibwanaag waxa soo gaadhey goobtii, 5 tii gaadhi ee Xasan Ganey ku qaadey dhaawacii Sancaaniee Birjeex, oo waliba ciidan cusubina lasocdo, halkaas cadawgii ku waabiyeen, faqashtina uqaadatey taakulo hor leh oo jabhadii soo gaadhey.

 

Laakiin, waqti gaaban Kadib cadowgii waxa uu ogaadey in aaney awood badani usoo kordhin jabhadda, kadibna guluf cusub ayeey markale Jabhadii kusoo rogaal celiyeen. Dharaartaas gabalkiibaa isugu dhacey.

 

Lasoco Q:9aad

Maxamuud Biixi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...