Waa Maxay Sababta Bulshadu U Baran Wayday Inta Badan Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi?

0
Thursday April 11, 2019 - 18:18:33 in News by
  • Visits: 2994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Sababta Bulshadu U Baran Wayday Inta Badan Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi?

    Waa Maxay Sababta Bulshadu U Baran Wayday Inta Badan Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Sababta Bulshadu U Baran Wayday Inta Badan Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi?


Hargeysa(HWN):-La taliyaha imtixaanaadka ee hay’adda shaqaalaha dawlada somaliland Axmed Gahayr Faarax ayaa ka hadlay tayo darada wasiirada xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.


Axmed Gahayr oo ka hadlayey munaasibad uu xilka ku wareejinayey gudoomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha ayaa sheegay in wasiirada xukuumada madaxweyne Muuse Biixi uu bulshada la qabo inaanay garanayn intooda badan.




Axmed Gahayr ayaa soo bandhigay wasiir kaliya oo uu ka garanayo xukuumadan madaxweyne Biixi waxaanu yidhi "Golaha wasiirada ee la sheegayo anigu waxaan ka garanayaa oo kaliya Shugri Xaaji Baandare, anigu colkaa dudayna maan ahayn hadana waxba ka garan maayo wasiirada xukuumada, waxaanan mushkati ka ahay wareegto madaxweynaha ka soo baxda waayo nin kasta oo wax qabanaya oo aad isleedahay meeshaas haku yar raago duco qabe ayuunbaa ka dambaynaysa.”


Sidoo kale waxa uu sheegay in wareegtooyinka madaxweynuhu aay dhibaato ku yihiin masuuliyiinta waxqabadka muujiya ee xukuumada ka tirsan, waxaanu mar kale yidhi "Waxaan leeyahay wareegtada madaxweynaha dadweynuhu mid ayey ku leeyihiin waana marka uu magacaabayo ee uu leeyahay markaan arkay, markaan la tashaday, markaan ka fiirsaday, markaan aqoontiisa fahmay iyo markaan waxgaradka la tashaday, inaga ayaa laynoo sheegayaaye ninkan waxa ka filnayd in warqad la siiyo oo lagu yidhaa wasiir ayaad tahay wixii inaga laynoo sheegayey duco qabada kuma jirto oo lama odhan dadweyne ninkii waanu garan waynay, madaxweynaha, kuwii ka horeeyey iyo kuwa ka dambeeyaba waxaan leeyahay bahashaas hala yara cadeeyo oo wax hanaloo sheego marka qofka la badalayo, sharmaarke maanta miyaa la dalacsiiyey mise waa la casilay ayaanu isku haysanaa.”


Hadalka la taliye Gahayr ayaa waxa ka jawaabay xubno ka mid ah xukuumada kuwaas oo uu damqay hadaladii uu madasha ka jeediyey.


Agaasimaha wasaarada shaqo gelinta iyo arimaha bulshada Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase oo jawaab bixinaya ayaa waxa uu yidhi "Axmed Gahayrow xaga kalana adiga laftaadu waxa laga yaabaa inaad liiska iska waydee wareegtaduna way iska soo baxdaaye waan kaftamayaa ha xanaaqin, somaliland-ta waxa la wada sugaa in inta xilka haysaa ay leeyihiin tolow miyaad ku jirtaa mise kuma jirtid intiina dibada joogtaana waxaad isleedihiin tolow maku jirtaan, shaqo badan ayaan jirin oo waa intan yar ee isku warwareega ah ayuunbaa jaaniska la kala sugayaa.”


Sidoo kale wasiirka qorshaynta Cawaale Ibraahin Shirwac ayaa dhankiisa ka hadlay sababta loo baran waayey wasiirada xukuumada madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu yidhi "Waa runtii oo wasiirada cusub lama yaqaan laakiin waxaan sheegayaa sababta aad noo baran waydeen, wasiiradayadani halka aanu galno ee shaqada xafiiska ayuunbaanu fadhinaa, hadaanu soo baxno dhawr gaadhi iyo askar badan ma wadanee waxa laga yaabaa inaan iska soo yar lugeeyey laakiin waynu is baranaynaa.”


Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:- [email protected]


Loading...
Loading...