Wasiirkii Labaad Oo Shaaciyay In Laga Helay Caabuqa Halista Ah Ee COVID 19

0
Wednesday June 03, 2020 - 04:42:09 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Labaad Oo Shaaciyay In Laga Helay Caabuqa Halista Ah Ee COVID 19

    Wasiir Cabdiwali ayaa noqonayaa wasiirkii labaad ee Somaliland shaaciya in laga helay Covid 19.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Cabdiwali ayaa noqonayaa wasiirkii labaad ee Somaliland shaaciya in laga helay Covid 19.

Hargeisa(HWN):-Wasiirka isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda JSL Cabdiwali sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa shaaciyay in laga helay cudurka halista ah ee COVID 19.

Wasiir Cabdiwali ayaa noqonayaa wasiirkii labaad ee Somaliland shaaciya in laga helay Covid 19. Qoraal uu soo saaray oo arrinta kaga hadlayo ayaa waxa uu ku yidhi sida tan:



"Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’.

Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay.

Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno.

Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen.

Dhammaan bulshada, gaar ahaan madaxda iyo dadka magaca leh waxa aan u soo jeedinayaa in ay iska baadhaan Covid-19 si ay nafahooda iyo kuwa dadka ay jecel yihiin u badbaadiyaan, bulshadana tusaale ugu noqdaan.

Ugu dambayn, waxan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa hawlwadeenada caafimaadka JSL oo heegan ugu jira samato bixinta dhamaan bulshada Somaliland.

Guryaha jooga
Kala fogaada
Gacmaha maydha
Taxadirku waa muhiim”

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...