"Labada Xisbi Mucaarad Waxay Noqdeen Sida Laba Shirkadood oo Ganacsi" Maayir Murraad

0
Tuesday June 02, 2020 - 22:26:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Labada Xisbi Mucaarad Waxay Noqdeen Sida Laba Shirkadood oo Ganacsi" Maayir Murraad

    Hargeisa(HWN):-Maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa ku dhaliilay Hoggaanka labadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa ku dhaliilay Hoggaanka labadda

Hargeisa(HWN):-Maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa ku dhaliilay Hoggaanka labadda Xisbi mucaarad ee Somaliland in ay ka gaabiyeen kaalintoodii mucaaradnimo ee toosinta xukuumadda.

Balse ay taa bedelkeedda noqdeen kuwo u adeega cadowga Somaliland, isla markaana aanay kala garanaynin mucaaradadda iyo ilaalinta qaran-nimadda dalka.
Somaliland Waa la wada leeyahay Hal Xildhibaan Oo Laaluusha ...


Waxaannu ku tilmaamay labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI inay noqdeen sidii laba shirkadood oo gaar loo leeyahay, iyadoo madaxdoodu ay ku kacaan tallaabooyin kala fogaynaya dadka reer Somaliland.

Geesta kale, Maayar Burco waxa uu walaac ka muujiyay caabuqa Coronavirus oo uu sheegay in uu aad ugu sii fidayo magaaladda dad badani-na ay u dhinteen, isla markaana aanu jirin qalabka dadka lagaga baadho caabuqa.

Dhinaca kale, maayar Maxamed Muraad, oo manta u waramay SAHAN TV waxa kaloo uu ka hadlay arrinta garoonka diyaaradaha Burco muddo badan xidhan, taasoo uu ku tilmaamay dhaawac iyo boog gobolka Togdheer ku taalla.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...