"Dawlad hoose ahaan qaadhaanka koowaad annagaa bixinayna Unbalance-ka labaad"…

0
Tuesday June 02, 2020 - 22:10:59 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dawlad hoose ahaan qaadhaanka koowaad annagaa bixinayna Unbalance-ka labaad"…

    "Dawlad hoose ahaan qaadhaanka koowaad annagaa bixinayna Unbalance-ka labaad"…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dawlad hoose ahaan qaadhaanka koowaad annagaa bixinayna Unbalance-ka labaad"…

Hargeisa(HWN):-Maayarka magaaladda Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan bixinayaan qaybta u horaysa ee lacag baabuur Unbalance ah loogu soo iibinayo cusbitaalka guud ee Laascaanood.


Waxaannu tilmaamay in bulshadda reer Laascaanood looga baahan yahay in ay isku tashadaan, isla markaana ay ku dedaalaan sidii gobolku u heli lahaa baabuur labaad oo Unbalance ah.

Maadaama oo aanu hal baabuur oo Unbalance ahi ku filayn gobolka Sool, xaaladda adag ee lagu jiro ee la tacaalidda caabuqa Coronvirus oo dalka ku sii faafaya awgeed.


Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay madal ay maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanooc iyo bahda caafimaadku warbixino ku siinayeen wefti uu homaaniyo wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta gaadhay magaaladda Laascaanood.

Waxaanu Maayarku ku Ammaanay isu-duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Sool iyo guddiga heer gobol ee la tacaalida Coronavirus si wanaagsan ee ay ugu adeeggaan bulshadda.

Iyadoo cusbitaalka magaaladda Laascaanood uu yahay cusbitaalka labaad ee ugu weyn Somaliland marka laga reebo ka caasimadda Hargaysa. Waxaanu yidhi, "Run ahaantii shaqo fara badan ayay bahda caafimaadka ee gobolka Sool halkan ka wadaan.

Cusbitaalka Laascaanood baaxadiisu way weyn tahay. Dalkoo dhan marka cusbitaalka guud ee caasimadda Hargaysa laga reebo, waa cusbitaalka labaad ee ugu weyn Somaliland. Hawl-maalmeedkiisa caadiga ah ayaanu bulshadda u qabtaa”.


Cabdicasiis Taarwale, ayaa ugu baaqay dadweynaha gobolka Sool in looga baahan yahay in ay isku tashadaan si loo hello baabuur labaad oo Unbalance ah.

Waxaanu balan qaaday in ka dawlad hoose ahaan ay iyagu bixinayaan qaadhaanka dhaqaale ee lagu soo iibinnaayo baabuur labaad oo Unbalance ah.

"Ugu yaraan laba gawaadhiga gar-gaarka deg deg ah (Unbalance) ayaynu u baahan-nahay. Mid haddii ay wasiirka sii farno, oo ay dawladda ka dalbano, ka labaad inagaa la inooga baahan yahay.

Haddii aanu dawladda hoose nahay-na, qaadhaanka koowaad anagaa bixinayna. Shaqadda waan kala qaybsanaynaa, Laascaanoodeey, unbalance-yadda xabadeenii ayaa la inaga rabaa” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...