Xasan Shahar Oo Ku Kacay Aflagaado Isku Halaynaysa Muuse Biixi, Dilkii Uu Ku Abaabulay Afhayeenka Waddani Iyo Cida Adeegsata

0
Tuesday June 02, 2020 - 19:57:12 in News by
  • Visits: 5508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Shahar Oo Ku Kacay Aflagaado Isku Halaynaysa Muuse Biixi, Dilkii Uu Ku Abaabulay Afhayeenka Waddani Iyo Cida Adeegsata

    Xasan Shahar Oo Ku Kacay Aflagaado Isku Halaynaysa Muuse Biixi, Dilkii Uu Ku Abaabulay Afhayeenka Waddani Iyo Cida Adeegsata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Shahar Oo Ku Kacay Aflagaado Isku Halaynaysa Muuse Biixi, Dilkii Uu Ku Abaabulay Afhayeenka Waddani Iyo Cida Adeegsata


 

Hargeysa(HWN):-Xasan Shahar oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa oo hore shirqool abaabulan ugu gaystay i afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku kacay aflagaado iyo eedaymo aan dhinacna haysan oo uu kula dul kufay Barkhad Jaamac Batuun.



Xasan Shahar oo ka mid ah xubnaha aan aqoonta lahayn ee ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa ayaa markii uu ku fashilmay shirqoolada siyaasadaysan ee uu mar kasta u dhigo afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun waxa uu haatan dan mooday inuu aflagaadeeyo qoyska iyo hooyada dhashay afhayeenka xisbiga Waddani.



Xasan shahar ayaa hore sanadkii 2017 waxa uu soo abaabulay koox hubaysan oo uu ugu tala galay inay dil u gaystaan afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun kuwaas oo weerar ku qaaday isaga oo marayey waddada ka dambaysa cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa,  iska caabin ay la kulmeen kooxdii dablayda ahayd ayaa keentay inay dhaawacyo culus gaadhsiiyeen afhayeen Barkhad balse aanay u suura gelin inay fuliyaan qorshihii uu u soo maleegay Xasan Shahar ee dhagarta xambaarsanaa.


Xasan Shahar oo ka masayrsan horumarka siyaasadeed iyo dhaliilaha aqoonta ku dhisan ee afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun uu hadyo jeer ku gano xukuumada fashilan ee Muuse Biixi ayaa haatan keentay inuu aflagaado kula kaco isaga oo nidaam qabyaaladaysan oo uu dadka kale kaga xigsanayana u difaacaya dawlada uu hogaanka u hayo adeerkii Muuse Biixi.


Xasan Shahar oo mudadii uu ka tirsanaa xubnaha golaha deegaanka Hargeysa aan ka soo bixin masuuliyadihii loo doortay maadaama oo uu ka soo dalacay xera dhiigta oo uu xoolaha ku qali jiray isla markaana aanu lahayn wax aqoon ah oo uu kaga soo bixi karo masuuliyada loo igmaday ayaa keentay inuu nidaam qabyaaladeed oo uu dheef kaga helo Muuse Biixi uu ku xagxagto afhayeenka xisbiga mucaaridk ah ee Waddani iyada oo ay dayacan tahay masuuliyadii aanu aqoonteeda lahayn ee dusha loogu saaray habka qabyaaladaysan.


Si kastaba ha ahaatee Xasan Shahar ayaan la filayn in aflagaadada qaawan ee uu ku kacay aanu ku mutaysan wax anshax marin ah maadaama oo uu isku halayn ka haysto maayarka Hargeysa iyo hogaamiye Muuse Biixi oo uu labada hadyo jeer ku difaaco hab qabyaaladaysan oo abaabulan, iyada oo shirqoolkii dhagaraysnaa ee uu sanadkii 2017 u gaystay Barkhad Jaamac Batuun aan wax talaabo ah lagaga qaadin.


Dhinaca kale bulshada somaliland ayaa dareen taban ka bixisay habka uu Xasan Shahar u aflagaadeeyey afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, iyada oo bulshadu si weyn uga biyo diiday nidaamka uu ku difaacayo dawlada Muuse Biixi ee uu habka qabyaaladaysan ugu adeegayo.

 

Loading...
Loading...