27 May Maalintii Dhalan Rogtey Taariikhda Geeska( 1 Juun iyo Hargeysa) Q:7aad

0
Tuesday June 02, 2020 - 17:16:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 May Maalintii Dhalan Rogtey Taariikhda Geeska( 1 Juun iyo Hargeysa) Q:7aad

    Lasoco Qeybta 8aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lasoco Qeybta 8aad.

.....hadaba, 31-kii May, habeenkaas, maxaa SNM ay ilduuftey, maxaa ka baaqdey, maxeyse guulsoo hooyeen iyo maxaa dhacey 1-dii June.

 

SNM waxey ilduufeen in habeenkaas isgaadhsiintu wey xumeyde, laakiin ay meesha ka maqneydis-afgarashadii dagaalka ay ciidamadu isku aqoonsan lahaayeen( military secret code), sababtaoo ah dagaalka oo kadis ku qabsadey, ciidamadda khaasatan aaga galbeedka oo dagaalbaaxadaas leh wada galin dartood iyo ciidanka oo aad kalsoonidooda ula dhacsanaa.



Afgarasho la'aantaas waxey Jabhadu kuweydey, rag badan iyo hub iyo gaadiid ay soo furteen.Wallow qasaaraha noocan kama' ahi( friendly fire) ay ku badneyd Sancaani, ay ku waayeengeesiyaal badan sida ina Cali iska toos(Alifdoon).

 

Waxaa xusid mudan, in ama sahankii Warkiisa laba tix-galin amaba sahanku awoodiisu aanugaadhsiisneyn, heer uu soo ururin karo, xeryaha iyo taliyadda ciidan ee Waqooyiga looga talo.

 

Halkaasoo ay ka socdey,  dhaq-dhaqaaqyo militari, oo dhaqso duruufta dagaal ee aloosneyd iyomidda maamul ee masuuliyadeedu saarneyd, aaney awoodi karin in si buuxda looga warkeenilahaa, marka laga Reebo in ay ku guuleysteen, taliyihii ciidanka Gantaalaha, Korneyl MaxamedCabdi Ducaale(Shiine) oo amar ku bixiyey in Jabhadda waxba lagu ridin, kadibna uu Jabhaddakusoo biirey.

 

Nasiib-darro, waxa iska cadeyd in la ogaan waayey jidgooyihii wadooyinka qaarkoodtaangiyadda lagu jarey, ciidamana la dajiyey, xataa qofka socotada ahi dareemi karo. Sida jidkiiSNM ugu talo galeen in ay Madaarka kagalaan.

 

Waxa guushii Qeybta iyo Burjeex fashilisay oo aheyd, @ Jidgoyntii Gaas 1aad oon looba dhaqaaqin. Hadii ay dhici laheydna dhamaan taliskii 26aadwaqooyiga(SL) uu meeshaba kabixi lahaa, agabkiisii iyo sirtiisiina at noqon laheyd badhi-taarqiimihiisa leh, iyo guul-darro ruuxi ah(psychological defeat) ku habsan laheyd, ciidamadii SiyaadBarre, dedejin laheyd in ay si habqan ah, ukala yaacaan.


(b) in aan Laguba tashan, laba ogeyn ama la sahashadey ciidanka Habaasweyn ee difaaca uahaa Hargeysa dhanka Koonfureed. Kaas oo ahaa, ka Sancaani ciijiyey kuna kalifey in Birjeex kahuleelaan.Waxa xusid mudan ciidankii 20-aad habeenkaas magaalada gudaheeda ku jirey, oo in badan ooka mid ahaa, lagu arkayey iyagoo xaafadaha dhex-qaadayey, qaarkoodna qaraabo salaan amawargalin booqasho ku Mareen xaafadaha qaarkood.Kaasina keeney in reero badan oo lasoo marey iyo kuwa lagu tuhmeyba, taliskii qaarna taxaabey,kuwa kalena guryahoodii lagu dumiyey iyagoo nool oo cidi ka bixin.Waxaaney kadhacdey xaafadaha Sheekh Madar, Geed-Goble iyo agagaarka biriishka dumbuluq,oo iyagu been-abuur loo maleegey dad qaraabadoodu ay jabhadda kamid ahaayeen.


Subixii waxa dhacdey in la isdhex qaadey oo labadii dhinacba bilaabeen is doon doonasho iyodhaawac iyo raq urursi.Dhanka Xukuumadda waxa aad loo dareemayaa in ciidan argagaxsan oo lugeynaya,goosan-goosan socda.


Ciidanka Siyaad Barre waxa watey  korneyl Maxmed Caalin oo ahaan jirey maamulka asluubta,anshaxa iyo aaska, kuna caan ahaa, Salaanta dabaaldega kafyanka  21  October-ta, oohabeenkaas isagu heegaanka  ciidanka ku qornaa, dagaalkuna halkaas ku qabsadey.  Maalintii xigtey waxaan usoo joogey korneyl Caalin oo  25 askari wata oo aad u khalkhalsan,qoryuhana laalaadsanaya, odeyguna dhanged sita, oo Birjeex kayimid dhanka gurigiisa oo Total udhawaa usii socda.Dhanka jabhadda waxa u kacey shacabkii, oo dhaawacii iyo cuntooyinkii iyo qarin ba dhabarkau ritey, ciidankii kala lumeyna soo uruuriyey, dib urursigii ciidankana iyo abaabulkeedana waxadoorweyn ka qabtey dadweynaha.Laakiin, waxa jirey in ay jabhadii iyo dadweynihii isku dhex milmeen, ay xaalad fawdda iyois-dhexyaac soo korodhey.

 

Taas oo dadkii durtaba Isla dhexqaadeen, jabhadii waa go'doon, oo xaaladdu farahey ka baxdeyiyo warkaasi majiro oo ciidan badan baa soo socda kuwa kaloo leh.Durtaba, waxa magaalada soo marey baabuurkii warlaliska, ee loo yiqiiney Hadhuub-madhanside, oo ka hadlayey Xasan Cali Kuuriya madaxii Radio Hargeysa, oo tiiq-tiiqsi u hadlaya.

 

Waxa kamid ahaa, canaasiirtii magaaladda laga saar, cidii aragtaay soo sheega, iyo waxa haddaHargeysa soo gaadhey ciidankii kamaandoosta ahaa ee Jigjiga iyo Kaara-Mardha qabsadey.

Lasoco Qeybta 8aad.

Maxamuud Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...