Xisbiga Nabad Iyo Nolol Oo Si Rasmi Ah Loo Diwaan Geliyey

0
Tuesday June 02, 2020 - 16:35:23 in News by
  • Visits: 2246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Nabad Iyo Nolol Oo Si Rasmi Ah Loo Diwaan Geliyey

    Xisbiga Nabad Iyo Nolol Oo Si Rasmi Ah Loo Diwaan Geliyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Nabad Iyo Nolol Oo Si Rasmi Ah Loo Diwaan Geliyey


Muqdisho(HWN):-Xisbi siyaasadeed ay leeyihiin xubnaha xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah looga diiwaan-geliyey xarunta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran, kadib markii uu gudbiyey warqadaha codsiga diiwaan-gelinta.


Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ...

Xisbigan ayaa la filayaa inuu qaato magacaNabad iyo Nolol, oo ah kan ay ku caan baxday xukuumadda markii uu talada qabtay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana guddoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, sida aan xogta ku helnay.


Xukuumadda ayaa gudbisay shuruudihii looga baahnaa ee diiwaan gelinta Xisbiga, waxaana lagu wadaa in guddiga doorashooyinka uu maalmaha soo socda guddoonsiin doona shahaadada KMG ah.


wararkak ayaa sheegaya in guddoomiyenimada Mahdi Guuleed ay ugu wacan tahay ayada oo aysan kala caddeyn qorshaha madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha ee xisbigan iyo doorashada soo socota.


 

Ilo-wareedyo ku dhow Kheyre ayaa sheegay in xisbiga uu wato madaxweynaha, xilka guddoomiyenimadana uu usii hayn doono Mahdi, inta ay kasoo dhowaanayaan doorashooyinka. Waxay diideen inay macneeyaan hadalkaas iyo wax faah-faahin oo intaas dheer.


Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddo lagu xamanayey inuu doonayo inuu isu sharxo madaxweyne, inkasta oo wararkaas ay qaboobeen bilihii dhowaa, una eg tahay inuusan sidaas sameyn doonin.


Diiwaan-gelinta xisbiga cusub ayaa imaneysa ayada oo toddobaadyadii dhowaa xukuumadda lagu eedeynayey in sababta aysan weli xisbi u sameysan ay tahay, inay dooneyso muddo kororsi iyo inaysan doorasho dalka ka qaban.


 


Loading...
Loading...