Covid_19: 26 Muwaadininiin Reer Somaliland Iyo Ajaanib Isugu Jira Oo Maanta Laga Helay Xanuunka

0
Tuesday June 02, 2020 - 14:46:17 in News by
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Covid_19: 26 Muwaadininiin Reer Somaliland Iyo Ajaanib Isugu Jira Oo Maanta Laga Helay Xanuunka

    Covid_19: 26 Muwaadininiin Reer Somaliland Iyo Ajaanib Isugu Jira Oo Maanta Laga Helay Xanuunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Covid_19: 26 Muwaadininiin Reer Somaliland Iyo Ajaanib Isugu Jira Oo Maanta Laga Helay Xanuunka



Hargeysa((HWN):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta shaacisay Tirada Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid_19.



Wasaaraddu waxay sheegtay in baadhitaan loo sameeyay 80 Qof, Xanuunka laga helay 26 ka mid ah, taasina waxay Tirada guud ee Dadka uu Xanuunku ku haleelay Somaliland ka dhigaysaa 358 Qof.


26-ka Qof ee laga helay Xanuunka ayaa 22 ka mid ahi u dhasheen Somaliland, halka 4-na yihiin Hindi.


Dadka Xanuunka laga helay 19 ka mid ah waa Rag, halka 7-na yihiin Dumar, waxayna 13 ka mid ahi deggan yihiin Magaalada Hargeysa, 7 Boorama deggan iyo Lix ku nool Magaalada Berbera, sida Wasaaraddu shaacisay.


Tirada Dadka Xanuunka ka bogsaday ee Wasaaraddu shaacisay waxay dhan tahay 5 Ruux, taasina waxay Tirada guud ee Dadka Xanuunka ka bogsaday ka dhigaysaa 48.


Loading...
Loading...