Haay'adda Action Aid Oo Xadhiga Ka Jartay Fasalo Cusub Oo Ay Ku Kordhisay Dugsiga Mujaahid Mahdi Cali Oo Ku Yaala Wajaale+Sawiro
Hargaysa(HWN)Haay’adda Action aid ayaa Xadhiga ka jartay Afar Fasal oo ay u dhistay Dugsiga Hoos Dhexe Ee Mujaahid Mahdi Cali oo ku yaala Magaaladda Wajaale,waxaana ay sidoo kale Qalabayn ku samaysay Lix Fasal oo ay u dhigtay Kuraastii loogu tallo galay in ay Ardaydu wax ku bartaan.
Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay Xadhig Ka Jarista ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxa Haay’adda Action aid ee somaliland Sacdiya Cabdi Caalin,agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda,badhasaabka gobolka gabiilay,maayarka wajaale,afhayeenka wasaaradda waxbarashada,Guddoomiyaha Xafiiska Imtaxanaadka qaranka iyo marti sharaf badan oo Haay’adda Action aid ugu mahad naqayay talaabooyinka muujinaya wax-qabadka ay qaaday.
Mashruucan ay fulisay Haay’adda Action aid ayaa lacagta ku baxday waxa Bixisay Haay’adda TX Foundation oo ah haay’adda ka jirta waddanka Taiwan ,waxaana madasha goob joog ka ahaa asaasihii Shirkadda TX TX Foundation oo isagu u kuur galayay qaabka ay mashruucyadii ay siiyeen ay u fulisay Haay’adda Action aid.
Sacdiya Cabdi Caalin oo ah madaxa Haay’adda Action aid ee somaliland ayaa faah-faahin ka bixiysa maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay sidii galaasyo cusub iyo dibu-habayn loogu samayn lahaa dugsiga Hoose dhexe Mujaahid Mahdi Cali oo ku yaala magaaladda wajaale.
"Galaasyo la dhiso in badan ayaynu aragnay lakiin waxa mudan in lays waydiiyo maxaa ka soo baxaya,ardayda iyo macalimiinta iskuulkani mayihiin qaar ay ka go’an tahay horumarinta somaliland,markaas waxbarashadu waa furaha nolosha ee albaabadda ugu horeeya aad iskaga furayso oo dalalkana u horseeda in ay noqdaan qaar nolosha meel fiican ka gaadhay,markaas haay’adda Action aid maanta galaasyadii ay idiin balan qaaday lix bilood ka hor maanta way hir-galisay waxa idinkana laydiinka baahan yahay inaad halkaas dadaalka kasii waddan anaguna waanu idin garab taaganahay oo waxaanu ka shaqaynayaa sidii aanu idiinku dhisi lahayn goobo aad wax ku barataan oo ay kow ka tahay hawlahan aanu maanta idiin furayno.
Intaas waxa ay ku dartay sacdiya cabdi caalin iyadda oo hadalkeeda siiwatadda.”qoladan ka timid waddanka Taiwan ee mashruucan fulisay waxa ay haay’addaha kaga duwan yihiin waa nin ganacsato ah oo la mid ah ganacsatadeena oo huraya inuu bulshadiisa wax u qabto inagana ganacsatadeena waxa iyagana ku waajib ah in ay bulshadooda wax la qabtaan oo fadhiga ka kacaan iskana dayaan gacan adkaanta.
asaasihii Shirkadda TX TX Foundation oo isaguna wakiishay in xaaskiisu ay u hadasho oo la socotay ayaa tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin in mashaariicdii ay bixiyeen ay ugu fushay sidii ugu haboonayd isla markaasina ay maantaba goob joog u yihiin horumarka ay indhooga ku arkaan ee ay ardayda dugsiga Mujaahid Mahdi Cali loogu dhisay fasaladda cusub iyo waliba kuwa loo qalabeeyay oo ay fulisay haay’adda Action aid.
Agaasimaha wasaaradda Waxbarashadda iyo Afhayeenka wasaarada waxbarashadda ayaa iyaguna si isku mid ah hambalyo iyo bogaadin ugu diray Haay’adda Action aid oo iyadu mashruucan ka fulisay meel aad loogu baahnaa isla markaasina ardayda dugsiguna ay kaga raysan doonan cidhiidhigii badnaa.
Maayarka magaaladda wajaale oo isaguna ku hadlayay afka maamulka gobolka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in maamulka iskuulku ardayda ku guubaabiyo in ay daryeelaan kuraasta iyo fasaladda cusub ee loo dhisay si ay u noqdaa qaar in badan sii jira.
Badhasaabka Gobolka gabiilay oo isaguna xafladda soo Afmeeray ayaa tilmamay in markasta ay u mahad naqayaan Haay’adda Action aid oo u taagan in ay waxbarashadda iyaduna kaalinteeda qaadato oo marba meelaha ay ka taagan tahay baahiya waxbarasho iyagu kafeeya.
"waxaana u mahad naqayaa Haay’adda Action aid oo markasta u taagan in ay bulshadeeda xaga waxbarashadda ka taageerto taasi oo aanu odhan karno waxa weeyaan mid ilaahay waxbarashadii u soo diray aad ayaanu ugu mahad naqaynaa maanta waad arkaysaa sida ay hawsha inoogu qabteen iyo baahidii taalay iskuulka sida ay u dhameyeen.