Makhaayadda ilaa madaxtooyada

0
Tuesday June 02, 2020 - 10:16:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Makhaayadda ilaa madaxtooyada

    dhabar dhabar ugu jifaa. Daqiiqado ka hor ayuu kasoo rawaxay shaqadii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhabar dhabar ugu jifaa. Daqiiqado ka hor ayuu kasoo rawaxay shaqadii.

 



Waxa uu fadhiyaa qaybta labaad ee makhaayadda Horyaal. Waa makhaayad weyn oo aad looga yaqaan magaalada Kalifoorniya (California) oo idil. Dhawaantaan ayuu ka shaqa bilaaway. Maamulka sare ayaa ku kacsan. Habacsanantiisa ayaa qancin waysay. In shaqada laga ceyriyo buu halis ugu jiraa. Kursi weyn ayuu dhabar dhabar ugu jifaa. Daqiiqado ka hor ayuu kasoo rawaxay shaqadii. Xanta hoose ee maamulka kasoo gaareyso ayaa tibaaxayso in dhawaantaan lagu soo wajahan yahay. Dhawr mar ayuu dayacay shaqadii loo xil saaray. Marar badan ayuusan dhammaystirin shaqo looga bahnaa. Kol kalena si aan hagaagsaneen buu u xalay alaab loo xilsaaray nadiifinteeda. Dacwooyin badan ayaa ka yaal xafiiska. Eedayn aan dhammaan baa hareereysay. Dabci xumadiisana shaqaalaha oo idil qaati bay ka taagan yihiin. Balwado badan oo aan wanaagsaneen buu leeyahay. La dhaqanka iyo dhex galka shaqaalaha ayaa dhib ku noqotay. Mar uu wax kasoo dhargay oo uusan qaab san u socon iyo mar uusan si hagaagsan usoo labisan, oo uu ku indho wasakh leeyahay ayay noqotay. ' WAR ISTOOSI' baa lagala daalay. Digniin badan baa loosoo diray. Wax se wuu ku qaadan waayay. Shirar badan oo ay si hoose maamulka makhaayadda u yesheena, in la eryo bay kusoo dhamaadeen. Go'aan qaraar oo uu ka warhaayo baana kusoo wajahan.

 

Meel uu ciirsado mayaqaan. Shaqo kale uu qabtana meel kuma ogo. Xirfad malahan, aqoon haba jogtee. Dhawr eray oo Ingiriis ah buu ka bowsaday dadka uu la shaqaynayay. Ayagana in aysan waxba goyn waa ka dharagsan yahay. Talo baa ku cadaatay. Asaga oo halkii fadhiyo ayuu kusoo maray mid shaqaalaha ka mid ahaa, aadna ugu xoghayay qalafsanaanta iyo qaabdaradiisa, kolkaas buu yiri: "Waryaa, wax matare, miyaad fekereysaa caawa, waa adigaan cirka eegayee" markaas buu qosol jeesjees leh qoslay oo u raaciyay, " Wanaagsanaan lahaydaa haddaad ba taqaan habka loo fekero" si caro leh buu u eegay, malaha in hadalkaas wax ka jiraan buu yaqiinsadaye, waxba jawaab ah uma celin. Tabtaas bay ugu digtaan shaqaalaha. Markuu uu maqan yahay booskiisa lama tabo. Kolka uu jooga lama xisaabsado. Marka uu baxayana in duco loogu daro moyee cidna joog ma tiraah. Tiro moyee tayo laguma xisaabsado. Muqiisa lama jeclo, maqalka magaciisana laguma diirsado. Waa bar-kuma-taal. Wixii loo tilmaamo moyee isma diryo. Isma hagyo. Istoosi in la yiraah moyee si kale kuma tooso. Waad qaloocan tahay in dhegta loogu sheego moyee isma dareemo. Wixii loo tilmaamo uun buu qabtaa. Wixii qabo la yiraah buu u degdegaa. Waxkale haba jogtee marbaaba loo shegaa in jirkiisu uu hagaajiyo. Qarmuunkiisa kolka dadku ka joogi wayaan baa is-hagaaji la yiraah. Dal iyo dad war uma haayo. Dalkii waagii uu kasoo tagay baa ugu dambaysay. Waalidiintiisu dhawrkii bilood ba mar buu la hadlaa. Wax uu u dhiibo iska dayee i nala soo hadal bay ku kari la' yihiin. Waxa uuse saaxiib dhaw la yahay odayaasha reerkiisa. Madaxweynta tolka ayuu ka ag dhawadaa. Sannadkii mar buu wax uun u diraa. Waa beer laxowsadaa. In xilka tolka raali ahaanshahooda lagu helo markii uu ogaaday buu isku tolay.

 

Caawa waa in uu fekeraa. Kama fekerayo wax dantiisa dhaafsiisan. Wax uu dhuunto mariyo uun buu ka fekerayaa. Waa in xeelad kala la helaa oo lagu quudiyo dhuuntaan. Waa in la helaa xeelado kale oo si wanaagsan loogu baashaali karo. Kolba haddii uusan makhayaddaan baas joogis u aalin, waa in uu u sahan tagaa raas kale oo cusub. Goobo badan ayaa kusoo dhacay. Hoteel jaarkiisa ah oo shaqaale dhulka xaaqa u baahan buu soo xasuustay. Kolkale, islaan sheeb ah oo shaqaale hawsha guriga ka caawiyo u baahan baa kusoo dhacday. Asaga oo sidaas isla hadal ugu jiro, fekerna hareeyay maskaxdiisa, baa waxaa soo garaacay oday nabad-doon isku sheega oo jilbaweynta tolkiisa kamid ah. Hal-haleel buu kaga qabtay. Sheeko dheer kaddib, waxa uu ugu bishareeyay in mardhawayd ina-adeerkiis loo magaacabay Wasiir. Aad buu ugu farxay. Wuxuu kaloo u sheegay in wasiirka iyo waxgaradka beesha isla garteen in lasoo qoro dad fara badan oo dowladda laga shaqo gelin doono. Wuu kusii farxay. Wuxuu kaloo u sheegay in ay donayaan in dadkaas lagu daro. Fadhiga buu ka kacay. Wuu kala batay. Qeylo buu afka furtay. Wuu is-heyn kari waayay. Illin farxadeed baa ka timid.

 

Wuxuuse isyara dajiyay markii loo sheegay in dhawaantaan uu soo qalab qaato, kuna soo talo galyo shaaxa odayaasha beesha ee xilkaan adag usoo dhiciyay. Dhidid baa fix kasoo yiri. Waa asagaan busaarad dilootaye, halkuu diyaarad raac ka keeni oo uu haddana leejada odayaasha isaga bixin. Talaa markale ku cadaatay. Waa fursad iyo caqabad isku qob tolan. Mar waa fursad oo waxa uu si fudud kaga baxayaa busaraddaan la degtay mudada badan. Makhaayaddaan foosha xun buu isaga tagayaa. Masuul sare buu noqonayaa. Siyaasi baa lagu shegayaa. Hanti badan buu aruursanayaa. Maal iyo magac buuna dhaxlayaa. Yaa ka fiican waxaas oo dhan. Sow waxa inan rageed isku dilo maaha. Dhanka kale waa caqabad hore leh. Kama welwelayo xilka loo magaaci doono. Intee in-la-eg ayuu aqoon u leeyahay. Maxaa yeelay waa ogyahay in aqoontu muhiin aheyn. In wax uun la iska walaaqdo --saa haddii aqoon la isku doorto lama soo raadiyeene-- waxa uuse ka walbaharayaa sida iyo waxa uu ku qancin doono cuqaasha tolka. Nabad-doonadii xilkaan culus usoo dhacshay. Sidookale, waxaa wel-wel ku abuuray sida uu halkaan ugu ambabixi lahaa. Qarashka safarkiisa ku baxayo baa utun kale ku abuurtay. Abaar rag waa talo la'aane, talo buu isugu laabtay. Waxa uuse durbadiiba soo xasuustay mid seeddigii ah oo ay maraakiib badan u shaqayso. Hantina uu ku tuhmayo. Durbadiiba xaggiisa buu qabtay.

 

Markii uu u tagay buu kaga warramay sida ay arrini u taal iyo waxa uu ka doonayo. Aad buu ugu farxay seeddigiis. Markii uu maqlay in uu Soomaaliya xil loo ga macaabi doono. Balan qaad buu u sameeyay. Talooyin badana waa uu siiyay. Inta xilka uu ka qabanayo hiil iyo hoo in uu ladaba joogo buu dhegta ugu shubay. Kolka xilka uu qabtana in toogtiis u miiso buu u dardaarmay. In uusan dhabcaal noqon oo ka faa'iideysto xilkaan, maal fara badana ka tabcado buu kula taliyay. Si diirran buu ugu miisay talooyin badan oo gebbigood ku qotomo dhagar iyo boob. Waxa ayse kusoo kala tageen balan adag. In inta xilka loo magacaabayo la garab qabto, kolka xilka uu qabtana markiisa soo miiso bay ku heshiyeen. Halkaas bay kusoo kala darereen.

 

Muddo kaddib Xamar ayuu ka degay. Lacagtii seeddigiis buu odayashii ku qanciyay. Wasiirkii buu la kulmay. Way wada shekeysteen. Wasiirka waxa uu ka cudurdaartay in wasaaraddiisa boos ka siin karaynin, oo dad badna oo beesha ah jogaan. ' Cunaaye, Boobe, Boorow, Haabaan, Liqaaye, Laandheere, Manaxe, Kadarre,' iyo kuwa kale buu usoo tirshay. In raggaas oo wasaaradda joogo qof kale oo beshiisa geeyo waxa ay la noqotay fashil xilkiisa ku yimaado iyo in bulshadu si cad u fahamto. Laakiin, waxa uu ugu bishareeyay in madaxtooyada gayn doono. In qolada madaxtooyada oo ay aad isugu fiican yihiin u geyn doono. Yeelyay. Aqbal iyo ajiib ayaan lagu soo kala huleelay.

 

Maalmo yar uun dabadeed, markii uu Wasiirka la hadlay jaalayashiisa madaxtooyada jogeen, waxa ay isku afgarteen in xil cusub oo aan xafiis joogta ah laheyn loo magacaabo. In mushaarkiisu joogto u qaato. Galabkii uu isaga soo shaax doonto madaxtooyada. Waxaana loo magacaabay, AGAASIMAHA, KALA AGAASINAHA, QORSHEEYAHA IYO KALA QORSHEEYAHA MADAXTOOYADA. Waa xil gacan-ku-rimis ah oo aan xataa xafiis loogu shaqeeyo lahayn. Mushaar fiican buu ku qataa. Maalin walbana dhaxdhac aan xisaab lahayn baa soo gaara. Siyaasiyiinta ayuu ku dhex milmay. Shaqooyin badan oo aan loo jeedin buu qabtaa. Hantiile yaab leh ayuu noqday. Afarta geesna lacagaha u kala dira. Makhaayaddii xumeed buu ka raystay. Hammi jaan oo hor leh baa ku dhashay. Magaciisa hore ee wasakhda lahaa buu beddelay. Waxa uuna isku shegaa Aqoonyahan, falanqeeye arriimaha siyaasadda, tan Soomaaliya iyo Afrika. Qurba joog waxbadan og. Nin usoo naxay dalkiis oo usoo laabtay. Iyo sifooyin kale oo yaab leh. 



 

《DHAMMAAD》

 

W/Q: Cabdikariin Shardi

[email protected]

MUQDISHO-SOOMAALIYA

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...