Soomaalidii Hore Iyo Siday Odayada U Qadarin Jireen. Q2aad.

0
Tuesday June 02, 2020 - 09:42:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalidii Hore Iyo Siday Odayada U Qadarin Jireen. Q2aad.

    W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

Waalidnimada oo odayga lagu maamuuso waxa wehelisay waayo aragnimada  badanaa 80-90 gu’ marku baarka ka jaro ,abwaano wada hebel miidhan ah lasoo noolaa, geedihii dadka  lagu kala saari jiray ayuu waxkasoo fadhiyi jiray, waxa uu xasuusan yahay garihii waaweynaa ee lagu naqay, xeerarkii ka abuurma,  wuxu u soo joogay aaran lagu naalooday, sidoo kale abaar  diirato ah oo lagu hoobtay, iyo waxa kale oo uu u soo joogay isbadalka cimilada wuxu wax badan ka yaqaanaa xiliyada roobabka gu’ga  iyo kuwa dayrta xiliyada lafilan karo.



 Waxa sidoo kale odayadu dhab u yaqaaniin barimada ay xooluhu ku bataan ee ay ku bulaalaan iyo meelaha ay ku basanbaasaan ee ay ku riiqmaan, odayadu waxay sidoo kale aad u kala yaqaana dadka iyo taariikhda deegaankooda.Wuxu si dhab ah u yaqaaanaa colaada iyo waxa ay dhibto iyo nabada iyo waxa ay tarto.Wuxu u soo joogay dagaalo waaweyn oo tolalka dhexmaray kuwaas oo laga dhaxlay guuldarooyin aan la tirin Karin, wuxu sidoo kale odayadu ay yaqaaniin nabada iyo waxtarkeeda.


Odayada waayeelka ah waxa lagu yaqaanaa oo astaan ama sumad lagu garto u ah daganaansho iyo u kaadin.

Cali aadan gorayo (CALI DHUUX) gebyaagii la odhan jiray ayaa jeer ka ergeeyey geel laga qaaday qoladiisa, markuu uu nimankii qaaday dultagayna wuxu mariyey gabay 14qodob oo arintaas ku saabsan uu ku taxay kuwaas oo gar usiinaya in geela loo soo naqo.


Odayada ayuu ku guubaabinayaa in kurayda uu fudaydku waalayo inaanay taladooda dhag jalaq u siin waxaanu yidhi:


v Afar iyo toban hal oo wada gudha ah geela igu siiya

v Nin gu’ yari garaadkii ba’ayoow waa gafaa talo’e

v Gadhku haduusan marin eebahay gebi ka xoorye

v Waayeel gudoonsaday tashiga waa gurguriyaaye

v Guumaysku wuxu soo baxshaa tii garaado ahe

v Rag gabaday nin uun baa gartee geela igu siiye.

 

Odayadii soomaliyeed ee hore waxay ahaayeen qaar ka talo bixiya waxkasta oo nolosha ku saabsan sidaa oo ay tahay waxaynu helaynaa odayo talo, waano waxku ool ah siiyey dadkii ay markaa waaninayeen waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa tusaalayaal dhowr ah:


TUSAALAHA 1AAD: CABDI WARSAME BAANJE (CABDI GAHAYR)

Alle ha unaxariistee CABDI WARSAME BAANJE (CABDI GAHAYR) oo arintaa inoo cadaynaya inaan tashiga odayada lagala maarmi Karin kii kala maarmaana uu meel xun ka dhici doono ayuu yidhi:


*    Marka horeba guur waa milgiyo maarsi kala waaye

*    Raga qaarkiis uma meel dayee waa iska mehershaaye

*    Hadaan lala mashaawirin tolkaa adigoo maal leh

*    Oo lagama maarmee tashiga odayo loo miidhin

*    Ninkii kaligii maalootiyaa meel xun waaw halise.


TUSAALAHA 2AAD: ISMAACIIL MIRE

Odayadii taladooda aan dadka kala muusuugi jirin waxa kamid ahaa gabyaagii weynaa   darwiishkii ISMAACIIL MIRE (AHN).


Gabayadii iyo geeraaradii uu inooga tagay qayb  weyn oo kamid ah waxa ay ku saabsan tahay talooyin uu siiyey rag iyo dumar ay deegaan wadaag ahaayeen, mararkale waxa uu ismaciil mire la taliyey xoolaha la dhaqdo qaarkood sida hashiisii Markab, sida wan baraar ah oo adhigiisa ku jiray iyo shimbirka guuguulaha loo yaqaan kolna galawga aynu u naqaan.


Ragii uu ISMACIIL MIRE taladiisa uu ugu deeqay waxa kamid ahaa Nin ay xigaal ahaayeen oo SALEEBAAN CAABI la odhan jiray, wuxu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ka tiiraanyeysan adeerkii JAAMAC CAABI oo duhur cad niman ay kibir ku dileen oo ay waliba ku dhugtameen, weliba magtiisiina dafireen, sidoo kalena ay gabayo digasho ah u soo direen geeridiisii.


Ismaaciil oo maalin yimid meel ay reerku ku shirayeen ayaa arkay wiilkan yar oo meel geesa fadhiya oo wajigiisa tiiraanyo ka muuqato kuna tashaday goor dhow inu wacdaro dhigo oo uu u aaro adeerkii JAAMAC CAABI ayaa ismaaciil ku ydhi:


ü Tixda gabay ina caaboow tuducba waa meele

ü Tahan joog mahuro meel hadaan tuba la qaadsiine

ü Tolaayda iyo qaylada tolatay waa yaabe

ü Tiiraanyo iyo ciil rag qabaa turqaday boogtiiye

ü Oday talada lama dhaafiyee iga ta’wiil qaado.


TUSAALAHA 3AAD: SAYID MAXAMED CABDALLE XASAN


Sayid maxamed cabdalle xasan alle ha unaxariistee wuxu ahaa raga si walba ugu suntan inu talo siiyo dadka.

Waxa layidhi waqti waqtiyada kamid ah ayaa sayid maxamed (inan) gabadh uu dhalay oo la odhan jiray QAALI waxa ay hore u arki wayday aabaheed sayid maxamed oo aad ugu yara fogaaday dabadeed maalin danbe ayaa ay inantii aragtay ededeed JAMAAD SH.CABDILLE XASAN oo ku socda meeshii uu joogay aabaheed dabadeed waxa ay damacday inantii yarayd inay ededeed ay ugu dhiibto aabaheed fariin, dabadeed inantii yarayd waxay isku dayday inay aabaheed u tiriso tixo gabay ah inkastoo uu yahay gabay jaban, hadana waxay ka codsatay aabaheed inu ukeeno marbuuc (duruuc), bafto ah , xariir,subeeciyad iyadoo intaa ku dartay inay waliba mashiikh u leedahay waxaanay tidhi inantii yarayd:

*    Jamaadeey edooy erey yar ma iga gaynaysaa

*    Caaqiloow adoogeey caawa ma iiga sheegtaa

*    Mase waan cawdaayoo cid kalaan u yeedhaa

*    Maro waan qabaaye qalbigaygu wuxu rabo

*    Baftadii cadaydiyo subeciyadii guduudnayd

*    Xariirtii aan magcaabay mashiikh baan u leeyahay

*    Maraykaanta weyn iyo marbuucdaan doonaa.


Markii loo keenay fariintan ayuu sayidku wuxu u soo tiriyey gabay waano ah inantiisii uu dhalay isagoo kula taliyey waxyaabo badan oo dhaxal gal ah waxtarna u leh qofka bani aadamka ah waxaana kamid ahaa:


1.     Marka 1aad inay qurxiso hadalka oo uu uga jeeday wixii gabayga ay ka dhigatay een sinaba loogu sheegi Karin gabay.

2.     Inay ku dedaasho barashada quraanka kariimka ah.

3.     Inay salaadaha u toog hayso waqtigeeda oo aanay qalaynin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...