Dr. Galaydh Vs Faysal C. Waraabe

0
Tuesday June 02, 2020 - 09:23:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Galaydh Vs Faysal C. Waraabe

    #Faysal: Dr Cali Khaliif bal warran, beryahaa guryahaa lagu xeraysnaayoo la isma arkine

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

#Faysal: Dr Cali Khaliif bal warran, beryahaa guryahaa lagu xeraysnaayoo la isma arkine

#Dr. Galaydh: War hooy daf-daf lahayne kursigaa dhankaa u jiido.

#Faysal: Dr. Galaydhoow waad qiyaasaysaa saaka waxa isoo kallihiyey.


#Dr. Galaydh: Ma Muusaa ku soo diray!

#Faysal: Mayee, saw maad naqal ninkaad ilmaadeerka ahaydeen ee Baashe wuxuu igu sameeyey

#Dr. Galaydh: War hooy ninkaasi waxba kuma odhane wuuba kuu tudhaye, wiilyohow maad cagaha dhulka dhigtid.

#Faysal: Ma nimka waxaad ogayd igula hadlayey  ee ilaa Xamar sheekada gaadhsiiyey

#Dr. Galaydh: War hooy Xamar wixii yaalley iyo nin walba kaalintiisa waa la ogyahe maad ummadda ka fadhiisatid.

#Faysal: Ma adaaba ku raacsan

#Dr. Galaydh "soo bax baa la leeyahayoo sacabkay leefaysaa"

#Faysal: Sheekadan aad nimankiinnan Dhulbahante isla dhex martaan ma run baad moodday

#Dr. Galaydh: War hooy hadalka bannaanka ha iga wada keenin, Xamar wixii ka jirey xogogaal baan u ahaa waxna igagama qarsoonee

#Faysal: Anigu Xamar dee dadka cuqdad kamaan qabin, dagaalkii waddankan loo soo galayna halkaasaan kaga jirey waana la yaqaan taariikhdayda.

#Dr. Galaydh war hooy wixii ka socday Bar Liido, Bar Bulsho, Tarabuunka iyo Bar Afrik xogogaal baan u ahaaye ha i qodqodin.

#Faysal: Dacaayadaha raqiiska ah ee cadowga ayaad maqashay

#Dr  Galaydh: War hooy "nin reer u weyn iyo qof dumar ah oo ummiliso ahi midkoodna siduu wax u ogyahay uma sheego" ee hadalka bannaanka ha iga wada keenin.

#Faysal: Wallaahi nin walba taariikhdiisa waa la hayaa, aniga rag badan oo dhulbahante ah ayaannu saaxiib ahayn wayna i yaqaannaan, Baydhabo iyo Marka ayaannu qaar kawada shaqayn jirney.

#Dr. Galaydh: War hooy huteelkii Zoobbe ee Baydhabo iyo xeebtii Saambuusina "walaxaa la sheegsheegayey"

#Faysal: Maxaa la sheegsheegayey.

#Dr. Galaydh: "War saw sakaaro ima barato" war hooy "anigu ku sheegsheegi maayee camalkaagu yuu sheegin"

#Faysal: Wallaahay inaan Hargeysa sidaa lagu wada joogayn

#Dr. Galaydh: War hooy "siddi siddi lahayne dhul dhacaaga hubso". Aniga layma hanjabee Hargeysa ninna marti uma ihi ninna magan uma ihiye. 

#Faysal: Ma anoo nin Ciidagale ah oo reer Sheekh Isaxaaq ah ayaad Hargeysa beelaha darafyadu igu xagxagan karaan

#Dr. Galaydh: War hooy falli waallidani waa waxaad maalinba meel lugta u sudhanayside bal wax hubso. Darafyadaa aad sheegaysid sida Hargeysa looga yaqaan Ciidagaluhu waa ka mid, weliba waa ka koow!

#Faysal: Annagu xisbi maanaan yeelaneen haddaanu darafyada nahay, taasi waa gef inaad darafyada nagu sheegto.

#Dr. Galaydh: War hooy xisbigan ina Cigaal baa kuu sameeyey, sababtuu kuugu sameeyeyna waa macruuf.

#Faysal: Adaaba Baashe igaga daran, illeyn waxan waad wada qabtaan reerihiinna faqashtu.
#Dr. Galaydh: "Ku qariyey qariyee Guncad"

#Faysal: Wallaahi waan iska kiin celinayaa ma anaa Hargeysa laygu hanjabaa, waa waxaynu kala qaadno

#Dr. Galaydh: Nin iin lihi inuu fududaado looga roone cagaha dhulka dhig. Haddaadse gardarrada joojin weydey "wallee karis xumeey adna ku wax li'id".

Faysal: La ismaba yaqaannee waa la is baran

#Dr. Galaydh: Haat burhaanak. War hooy "unguided missile" baad tahayoo, aakhirka adaa isa salfan doona haddaadan beddelin sidan aad ku socotid.

#Faysal: Waa inoo laba xiniinyood

#Dr. Galaydh: "Laa ikraah fid-diin".


W/Q: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...