Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia Wuxuu Ku Saabsanyey Lacag , Aafooyinka Iyo Ayaxa Kama Mid Aha-

0
Tuesday June 02, 2020 - 09:14:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia Wuxuu Ku Saabsanyey Lacag , Aafooyinka Iyo Ayaxa Kama Mid Aha-

    Waa Amakaag Iyo Yaabka Yaabkiis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Amakaag Iyo Yaabka Yaabkiis.

 

Wadada hadalada SOMALILAND iyo SOMALIA waxay bolawdeen waqtigii Xukuumaddii  Siilaanyo ka xanuunsaday bulshada reer SOMALILAND  waxaa markasta loo sheegayey  in wadahadaladu  ka shaqaynayaa danaha iyo horuumarka ummadda reer SOMALILAND oo xaaladaha khuseeya wadanka iyo wixii khuseeya dhinac kasta sidii loo wanaajin lahaa ee loo horuumarin lahaa ay Xukuumadda SOMALILAND  ay masuul uga tahay dalka hadday ictiraaf ka tahay hadday nabadda labada dal tahay hadday wada shaqaynta tahay hadday iskaashiga tahay markay  aafooyin yimmaaddaan.

 

Marar hore  waxaa yimi aafooyìn qaran  , marar Somalia ayey ku yimmaaddeen markaasay SOMALILAND u gurmatay Somalia oo xoolo u geysay. Marar kale SOMALILAND ayaa aafooyin ku yimmaaddeen markaasaa XUKUUMADDAA SOMALIA u soo gurmatay.  Marar badan caawimooyin badan baa u soo maray SOMALIA oo SOMALILAND la isusoo dhaafiyey oo Xukuumadda SOMALILAND intay Mucaawimooyinkii dhunkatay hoosta gashatay . Macaawinadii yariiso oo diiran baa imika  reer Berbera ku raynraynayaa.

 

 Dhaqaalaha Wadanka Somaliland  Kuma Xidhna Telisom Iyo Dahabshiil Iyo Qayrkoodtoona  , Dhaqaalaha Somaliland Kuma Xidha  Mucaawimooyinka  Yar Yar Ee Debedaa Ka Yimmaadda Ee Madaxda Jeebkooda Ku Dhaca Boqolkiiba Sideetan. Dhaqaalaha Somaliland Kuma Xidhna Dekedda Yar Ee Berbera. Dhaqaalaha Somaliland Kuma Xidhna Afarta Aqal Ee Hargeysa Ka Dhisan Ee Cashuurtaba Bixinin. 

Xukuumadda Muse Biixi Waxay Garan La Dhacay Dhaqaalaha Somaliland Wuxuu Ku Xidhanyey.  Dhaqaalaha Somaliland Wuxuu Ku Xidhanyey  Xoolaha Nool Ee Reer  Somaliland  Haystaan Ha U Badnaadaan Sool,Sannaag, Togdheer, Maroodi Jeex Iyo Awdal Oo Dhuldaaqeen Ah.  Dhulkii Aafo Qaran Oo Ayaxa  Ayaa Ku Habsatay 2019 Iyo 2020 . Ayaxa  Weligeedba Waxaa La Dagaalama Ururada Caalamiga Ah Oo Dayaaradu Iyo Dawooyin Kula Dagaalama .Waxaynu Ognahay La Dagaalanka Aafooyinka Ayaxa Ee Adduunka Xudduudo Ma Leh, Siyaasado Kala Duwan Ma Leh La Dagaalanka Ayaxu Xaggay Xukuumadda Muse Biixi Ka Keentay Dayaaradaha Keenya  Uganda Iyo Afrika Iyo Somalia Soo Buufiyey Ayaxayaga Buufinmaayaan Hadday Somalia Soo Buufiyeen Xamar Soo Fadhiisteen Waa Arin Caalamku Ku Qoslay Iyo Dhaqaalaha Somaliland Oo Xukuumaddu Curyaaminayso Iyo Maamul Dawladeed Oo Xukuumadda Muse Biixi Aanay Fahansanayn.

 

ANIGU 26 Augost 2019 ayaan soo maray gobol ka Oodweyne markaan soo gaadhay TUULADA Benderwaag ee Maroodijeex soo gaadhay inta u dhexaysa Bender wanaag  iyo TUULADA DIINQAL AYAX BAA KU HABSADAY AYAX TIRO BADAN KAASOO DUULAA-FADHIISANAYEY IN AAN KA YARAYN 40 KM SQ. Anigoo yaabban baan Hargeysa imi markaasaan arkay in Ta DAWLADA lagu sheegayaa iyo wasaaradaheeda iyo warfaafintoodu inaanay wadanka war u hayn. Midea hadal haya ma jirin.  Ayaxu 2019 kii buu wadanka wada maray dawlad u jeedday may jirin WAX HADAL HAYA MAY JIRIN.imikana Dayaaradii caalamiga ahaa bay diideen.  Ayax la dagaalaku siyaasad ma leh xuduud ma leh waa aafo adduun sidee loo fahansiiyaà  Xukuumadda Muse Biixi.

Daaqa Xooluhuu wuxuu u baahanyey in Ayaxa laga hortago Mogadisho ma yaqaaniin Xayawaanku Hargeysa  ma yaqàaniin xooluhu  siyaasadda ma yaqaaniin xooluhu in ayaxa laga laayey u baahanyihiin HADABA XUKUUMADDA MUSE BIIXI YAA FAHANSIIYA ARINTAA.

 

Wasiirka Beeruhu ( he is not educated person and even not intellectual and his escapegoat seems very poor).

 

M Bashe 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...