Xukuumada Somaliland Oo Loogu Baaqay Inay Wax ka Qabato Baahiyaha Qalab La'aaneed Ee Cisbitaallada

0
Tuesday June 02, 2020 - 09:02:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Loogu Baaqay Inay Wax ka Qabato Baahiyaha Qalab La'aaneed Ee Cisbitaallada

    "Waa ayaan-daro in laga Dacaayad laga sheego Cisbitaallada Dawladda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa ayaan-daro in laga Dacaayad laga sheego Cisbitaallada Dawladda"

Hargeysa (HWN) – Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan-karaama), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Cisbitaallada Dawladda, xilli la sheegay in Cisbitaallada Dawladda ee Boorama iyo Burco, ay wax badan oo adeegyada ahi ka maqan yihiin, sida Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah.



 


Xidhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan-karaama), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Waa ayaan-daro in laga Dacaayad laga sheego Cisbitaallada Dawladda, ee waa in Cisbitaallada Dawladda dhaqaale loo huro oo la maalgaliyo, oo agabka, dawooyinka, ambalaasyada iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin in loo dhamaystiro ayaa wanaagsan, laakiin waa nasiib daro in ambalaasyo iyo wixii la midka ahaaba laga waayo, ama la yidhaahdo way fadhiyaan, ama looma hayo, sidaas darteed Xukuumadda talada dalka haysa waxaa laga rabaa inay dhaqaale u hurto adeegyada caafimaadka ee Cisbitaallada Dawladda, maaddaama ay iyadu masuul ka tahay”.

 

Dhanka kale wuxuu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku booriyey kuna dhiirigeliyey inay aad uga taxadiraan khatarka xanuunka koronaha.

Loading...
Loading...