Madaxwaynaha Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Maleeshiyaadka Hubka Looga Dhigayo

0
Tuesday June 02, 2020 - 08:54:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Maleeshiyaadka Hubka Looga Dhigayo

    "Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka"

Muqdisho (HWN) Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa kahadlay hubka ay haystaan maleeshiyaadka kala duwan oo ku sugan maamulkiisa, madaxwaynaha ayaana sheegay in uu doonayo in uu hub kadhis uu ku sameeyo maleeshiyaadka hubka haysta.



 

Madaxwayne Qoor qoor oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan uu ku bixin doono sidii Maleeshiyaadka tira badan looga qaadi lahaa hubka.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in  Maleeshiyaad beeleedyadda  loo badali doono Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska maamulka Galmudug.

 

"Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

 

Waxaa uu tilmaamay in Amniga degaanada Galmudug lagu wareejin doono Ciidamo gaar ah oo ka amar ka qaata maamulka Galmudug, islamarkaana Shacabka laga doonaayo in ay taageero u muujiyaan.

 

Loading...
Loading...