Sacuudiga 'oo soo riday diyaarado lagu soo weeraray

0
Tuesday June 02, 2020 - 05:45:30 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga 'oo soo riday diyaarado lagu soo weeraray

    RIYADH(HWN):-Isbaheysiga uu hogaamiyo Dalka Sacuudiga ee Yemen ayaa soo riday laba duyuuradood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RIYADH(HWN):-Isbaheysiga uu hogaamiyo Dalka Sacuudiga ee Yemen ayaa soo riday laba duyuuradood
RIYADH(HWN):-Isbaheysiga uu hogaamiyo Dalka Sacuudiga ee Yemen ayaa soo riday laba duyuuradood oo ahaa nuuca aan duuliyaha laheyn kuwaasi oo ay kooxda Xuuthiyiintu ku weerareen dhulka boqortooyada sida ay wakaaladda wararka ee Sacuudigu ka soo xigatay afhayeen u hadlay Isbaheysiga.



Diyaaradahan yaryar oo loo yaqaan Drones ayaa lagu weeraray magaalada Khamis Mushait ee ku taalla xuduudka labada dal, waxaana wakaaladda wararka ee Sacuudigu ay ku eedeysay kooxda Xuuthiyiintu iney beegsanayaan goobo dadweyne.

Jabhadda Xuuthiga ah ayaan wali xaqiijin weerarkan. Kooxdan ayaa Axaddii soo warisay in diyaaradaha Isbahaysiga uu Sacuudigu hogaamiyo ay duqeymo ka gaysteen dhowr gobol oo uu ku jiro gobolka Ma’rib halkaasi oo ay dagaallo ka socdeen saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Xabad joojin ay Boqortooyada Sacuudigu ku dhawaaqday bishii April ayaa dhamaatay toddobaadkii hore iyadoo aysan jirin heshiis rasmi ah ka dib markii falaagada xuuthiyiintu ay diideen iney qeyb ka noqdaan heshiis laga gaaro colaadda.

Xigasho:-VOA-Somali

Loading...
Loading...