Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Macalimiinta Tebbinta Casharadda

0
Monday June 01, 2020 - 23:54:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Macalimiinta Tebbinta Casharadda

    Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Macalimiinta Tebbinta Casharadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Macalimiinta Tebbinta Casharadda


Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo kulan la qaatay macalimiinta gobollada dalka kala yimid ee warbaahinta ka gudbin doona duruusta waxbarashada wakhtigan lagu gudo jiro xaalada xannuunka coronavirus.
kulankan uu wasiirku la yeeshay macalimiinta gobollada oo qayb ka noqon doona wajiga sadexaad ee duubista casharada kala duwan, kuwaas oo si toosa looga tabiyo Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa ee loogu talo galay Ardayda uu xanibay xannuunka Covid-19, waxa wasiirka ku wehelinayey wasiir ku xigeenka wasaaradaas, agaasimaha guud ee wasaradaasi, agaasime waaxdyo ka tirsan wasaaradaasi iyo masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka qaranka.



Ugu horayna waxa halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda xog isgaadhsiinta Maxamed Saleebaan iyo agaasimaha waaxda qorsheynta Warda Maxamuud Cali, oo faahfaahin ka bixiyey halka ay marayaan casharadii ka baxayey warbaahinta iyo ujeedada laga leeyahay oo ay ku tilmaameen in ay tahay sidii Ardayda loo gaadhsiin lahaa casharada, iyaga oo intaas ku daray in macalimiintani ay ka kooban yihiin 51 macalin oo ka kala socda gobollada dalka oo dhan.

Waxa kale, oo halkaas ka hadashay xubin ku hadlaysay afka macalimiinta oo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska uga mahad celisay habka wanaagsan ee ay u soo xuleen macalimiinta gobollada guud ahaan.

Sidoo kale, waxa iyana halkaas ka hadashay xubin ku hadlaysay afka macalimiintii hore ee casharada dhameeyey kana dhigayey Telefishanka Qaranka iyo Idaacadd Radio Hargeysa, oo sheegtay in ay si wanaagsan ugu soo dhamaadeen bogaadin badana ay kala kulmeen bulshada.

Geesta kale, waxa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Axmed Abokor Maxamed, oo tilmaamay in casharadani ay bar bilaw u noqon doonaan fasalada kale ee aan wali la bilaabin duruustooda, isaga oo intaas ku daray in markii hore la duubay casharada fasalada afraad ee dugsiyada sare iyo fasalada sideedaad iyo todobaad ee dugsiyada dhexe, wuxuuna xusay in macalimiintani ay diyaarin doonaan fasalada koowaad iyo labaad ee dugsiyada sare iyo fasalada shanaad iyo lixaad ee dugsiyada dhexe.

Gabo-gabadii waxa halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradaas Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) iyo Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo sharaxay qiimaha ay leedahay aqoonta ay macalimiintani gudbinayaan iyo muhiimada ballaadhan ee ugu jirta bulshada gaar ahaan Ardayda, iyaga oo macalimiinta ku dardaarmay in ay xilweyn iska saaraan gudbinta casharada iyo Ardayda ay wax barayaanba.

Waxa kale, oo uu wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland sheegay in ay wax weyn soo kordhisay iskaashigii dhinaca waxbarashada ee ay sameeyeen wasaarradaha Warfaafinta iyo waxbarashada.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...