War Deg Deg Ah:-Laba Wasiir Oo Ka Mid Ah Xukuumada Somaliland Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus

0
Monday June 01, 2020 - 20:25:41 in News by
  • Visits: 5725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Laba Wasiir Oo Ka Mid Ah Xukuumada Somaliland Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus

    War Deg Deg Ah:-Laba Wasiir Oo Ka Mid Ah Xukuumada Somaliland Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Laba Wasiir Oo Ka Mid Ah Xukuumada Somaliland Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus


Hargeysa(HWN):-Laba Wasiir oo ka mid ah xukuumada Somaliland ayaa maanta la xaqiijiyey inuu ku dhacay xanuunka Coronavirus.


Wasaarada caafimaadka oo maanta shaacisay 18 qof oo laga helay xanuunka Coronavirus ayaa ka gaabsatay inay shaaciso magacyada laba wasiir oo ka mid noqday dadka uu haleelay xanuunku.



Ila lagu kalsoon yahay ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyey in labada wasiir uu ka mid yahay Maxamed Axmed Cawad oo ah wasiirka horumarinta maalgashiga, halka aanay noo suuragelin inaanu helno magaca wasiirka labaad ee xanuunka Coronavirus laga helay.


wasaarada caafimaadka ayaan ilaa hada cadayn inay karantiimo galisay labadan wasiir ee laga helay xanuunka Coronavirus taas badalkeedana waxay qarisay magacyadooda iyada oo caalamka la shaacinayo masuul kasta oo uu xanuunkaasi haleelo isla markaana ka karantiimaynayo si ay shacabkuna u raacaan dariiqooda.

Somaliland oo heshiis maalgelineed la gashay bangi aan jirin ...


Loading...
Loading...