Habowga Hanaanka Horumarinta Caasimada Hargeysa…W/Q Cismaan Cabdikariim(Suuldheere)

0
Monday June 01, 2020 - 19:33:52 in Articles by
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Habowga Hanaanka Horumarinta Caasimada Hargeysa…W/Q Cismaan Cabdikariim(Suuldheere)

    Habowga Hanaanka Horumarinta Caasimada Hargeysa…W/Q Cismaan Cabdikariim(Suuldheere)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habowga Hanaanka Horumarinta Caasimada Hargeysa…W/Q Cismaan Cabdikariim(Suuldheere)


Caasimadu waa muraayadda laga dheehdo horumarkasta oo dalka ka socda siduu ula jaanqadayo adduunyada. Horumarinta caasimaddu waa mid loobahanyey oo waajib ku ah masuuliyiinta maamulka u haya hogaanka dalka iyo guud ahaanba shacbi-weynaha dalka ku uuman.



Muddadii uu Golaha Deeganka ee Degmada Hargaysi jiray wali may suuro galin in ay xal u helaan dhibaatooyinka ku gadaaman CAASIMADDA ee sababay in ay siday 2003 hayd dib uga sii dhacdo wakhtigaas oo ay lahayd nalka kala haga isku socodka gaadiidka; si kastaba ha ahatee waxaan halkan ku soo koobaya mushkiladaha loo baahanyey in wax laga qabto iyo sidii loo xalin lahaa anigoon dhaliishayda shaqsi u nisbeynayn balse ay tahay waajib qof kataba saaraan, waxanan ku qodabaynaya sidan;


A. Xal u helida qashiinka tirada dhaafay ee goob kasta yaala( solid waste and liquid waste management system).


B. Hananka magalda oo gambi ahaanba lahayn wax qorshe ah iyo tirada dadweyna oo maalinba maalinta kadanbaysa tiradoodu sii badanayso( urban planning system and city primacy).


C. Dayac-tirka jidadka magalada taasoo sababtay inay xidhmaan jidad muhiim ahaa oo yarayn lahaa saxmada isku socodka.


D. Biyo la'aanta sii kordhaysa iyo mashaaricda loogu talo galay oo markasta ku dhmanaya nidaam faashila.


Hadaba dhibaatooyin looma maaro-waayin aqoon ahaan iyo dhaqaalo ahaanba balse waxa sababay maamul-xumo iyo masuuliyad daro raggaadisay dhamaan waaxyaha ku shaqada leh, kuwaasi oo gabay shaqadoodii gabi ahaanba. Waxa taasba ka sii daran maamulka Dawlada Hoose ee magaaladu waxay hayaan shaqo aan ahaynba tii loo doortay ee laga sugayey in ay wax ka qabtaan.


Khaladaadkani waxay horseedeen in magaaladu noqoto meel laga xoogsado oo hanti laga samayso balse aanay noqon mid hesha muwaadinin horumariya; waxaana la iibsaday dhamaan wixii dhul danguud ahaa ee magaldu yeelan lahay, kabsii darane waxaa la iibiyey jidadkii oo xataa waxaad arkaysa wadooyin badhtankooda la qorsheeyey oo jidkiina si badheedh ah loo duway si meesha degsiimo looga samaysto. Ayaan-daradani waa mid hadhow loo aayi doono cawaaqin-xumadeeda marka hadhow dhibkeedu naafeeyo mustaqbal caasimada kaasi oo dhaawici doona bilicdii ay yeelanlahayd.


Iyadoo waxaasoo mushkilado ahi jirto ayaa waxa ay Dawladda Hoose ee Hargaysi bilowday hanaanka casriga ee lagu kaydiyo xogta lagu maalulo lagunnna sameeyo horuminta magaalooyinka ee GIS-ka ( Geographic information system) si loogu guro xogta laga qaaday degmooyinka ay magaaldu ka koobantahay( primary data collection) taasi oo lagu sameeyo qorshaynta magalada( Urban planning system) si loo ogaado gooba ku haboon ee laga samayn lahaa Xarumaha caafimadka( Health centers), Dugsiyada( Schools), Xafiisyada Dawladda ( Government Offices), Kaydadka Biyaha( Water storages), Gooba qashin-qubka ( Waste disposal sites), Jirdadka( Roads), iyo dhamaan goobaha logu talo galay in dad weynahu dagaan( Residential Area). Marka waxaas oo dhan si hufan loo qosheeyo ayaa la sameeya in xogta la ururiyo hadii kale waxuunbay noqonaya mid fashila oo aan la manaafacaadsan doonin.


Nasiib darada ugu weyni waa sida loo samaynayo xadaynta degmooyinka iyo goobaha ka ka caagan dagmsiimada ee danta guud loogu talo galay. Sidaan ka war qabo waxa xogta ku jira khaladaad faro badan oo dhalin kara khilaaf iyo mushkilado hor-leh kuwaasi soo noqnoqon doona unna dhaxayn doona bushlada iyo maamulka Dawlada Hoose ee Magaaladda Hargaysa; markaas waxaan soo jeedin lahaa in arrinta dib u eegis lagu sameeyo oo si aqoonleh loo galo balse laga daayo jujuubka iyo jar iska xoorka.


Sidoo kale waxaan soo jeedinayaa in Dawladdu arrintaa indhaha ku hayso waxna ka qabato. Maamulkan hadda jira iyo Golahan wakhtigoodi dhamaadayna si deg deg ah loo kala diro maadaama aanay soo kordhinayn dhibaato mooyaane wax faaiido ah oo lagu naaloodo amba loo Aayo dhibaato mooyane.


Fiiro gaara: Dhibaatooyinka aan ku kusoo xusay waxaan kusoo qori doona si googoosa si looga faaiidayso hanaanka loo xalin karo dhibatooda.

Diyarintii: Osman Abdikarim(Suuldhere)


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...