27 May Maalintii Dhalan-Rogtey Taariikhda Geeska: (31kii May iyo Hargeysa) Q:6aad

0
Monday June 01, 2020 - 17:38:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 May Maalintii Dhalan-Rogtey Taariikhda Geeska: (31kii May iyo Hargeysa) Q:6aad

    Guutooyinkii Sancaani, Sayid Cumar iyo 20aad, waxay kasoo ruqaansadeen,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guutooyinkii Sancaani, Sayid Cumar iyo 20aad, waxay kasoo ruqaansadeen,
deegaanka la yidhaa Sheekh Mooldhe, halkaasey dariiqyo kala duwan, kolaba halkii u fududaatana ay u beydhayeen.



Iyadoo ay markaas jirtey in ciidanku ay ku jiraan saymo oodan, waxa loo yaqaan(Catch 22), ciidankuna ay ka dhuuxeysay, dareemo kala duwan: sida siyaasadii ciidanka wasakheysay, shaki laga qabo aayaha dagaalka bacdamaa wax u dambeeyaaba jirin, in qiireysan oo leh bacdamaa labadii aagee ee Burco iyo Cadaadley ay guulo wax ku oola soo hooyeen.


 

Waxa ciidamadaasi la kulmeen jidgooyooyin kala duwan, oo arbush u badnaa. Taasi waxay keentey in ciidankii SNM aay galeen xaalad liciifin, daalin iyo gabaabsi rasaaseed (military Exhaustion). Tani waxay sababtey in la dareemo noocyada hubka ay sitaan, in socodkoodii uu isubadaley in ay lugooyaan, dhaawac, iyo dhimasho timid oo goortii aaney ku tala galin ku timid, qorshihii SNM tu ku tala gasheyna uu dhamaantii isbadal ku yimid.

 

Isku soo wada duuboo, ciidankii waxay soo gaadheen duleedka Hargeysa meesha loo yaqaan Isha- Cobosha(Sheekh Cumar) oo hada ah deegmadda layidhaa 31 May(Qandihaar-Falooja). Roob yar oo meeshaa ciidamadii kala kala xidhey.

 

Yeelkeedee, ciidankii waxa uu talo ku gaadhey in yididiiladii hore, iyo waaqicii aad u kala tagey, halkaas oo hanqal taagii aheyd, in Airport ka lagalaa, ay tahey mid aan tagi Karin.


Garwaaqsi ka dib, ciidankii waxay waajibkoodii ku qeybsadey in Sancaani Galo xeradii Birjeex, Sayid Cumarna Taliska Qeybta, 20 aad na gudaha magaalada sida Idaacada iyo Police station ka.

 

Iyadoo aan laba kala bixin ayeey xabadii ciidankii Siyaad Barre bilabey, ciidankii SNM ta waxa uu badh ka mid ah Sancaani watana gaadhi Zuu ah iyo dhuun Grand P ah ay u socdeen dhanka Birjeex, halka Sayid Cumar iyo badh Sancaani ahi ay halkii xabadu ku qabsatey.


Maxaa dhacey, Sancaani dagaal lagu riiqdey ayeey meeshaas ka galeen, iyagoo ku fidey, xeryo kala duwan oo isku hoos jirey gacanta ku dhigeen, sida gaas2aad bburjeex, taliskii Daraawiishta, Miiska Saraakiisha, Xeradda Gurmadka, Xeradda Gaadiidka iyo Ciidanka police ka.

 


Goobtaasna waxay ku soo furteen dad ka badan 50 qof oo ahaa odayadii reer Hargeysa oo loo xidhey kacdoonkii shacab ee lagu shiidey Madaxweyne Siyaad Barre isagoo Hargeysa Staduim ka qudbadeynaya.


Goobtaas oo waagii ugu beryey Sancaani ayaa waxaa kasoo gaadhey dhimasho iyo dhaawac laxaad leh, oo lagu qaadey tiraba 5 gaadhi, qasaarahaas oo ay sababeen, ciidankii cuslaa ee deganaa Habaasweyn(Xaabaale) ee uu watey Koorajaan, oo hiirtii waabari dhabarka kaga dhuftey.

 


Sancaani waxa uu uga baxey dhanka meesha loo yaqaaney State-House ka halkaasoo dhawaacii loo qaadey dhanka xuduuda waxaana kaxeeyey Xasan Gani oo ah madaxii tikinikada ee Sancaani.


Halka ciidamadii Sayid Cumar iyo badhkii Sancaani iyagoo taliska ka dagaalamaya, waxa dhabarka kaga dhuftey ciidanki Gaas 1aad oo ay halkaa gabeen qeybtii 5aad ee Mahdi Cali Faarax loogu talo galey in ay jid goyn u galaan.


 

Waxay keentey in ciidankii SNM ee Qeybtu godoon galeen, goobtaasna Sayid Cumar ku guuleystey in uu meel baneysto, una u baxay dhankaa iyo waqooyiga Hargeysa. Halka qeybtii Sancaanina ay sii dagaalamayeen goobtaas oo ku madheen taliyihoodii Captain Weerar. Waxaana ka samatabaxey rag ilaa 15 nin ah oo uu watey Cabdi-Dheere.


May dhicin ciidankii 20 aad dagaal ay ka galeen police station kii ama Idaacadii, wax taageero ahna ciidamadii Birjeex ama Qeybta. Laakiin subaxii, ciidan hubeysan ayaa gacanta ku dhigey Idaacadda radio Hargeysa, goobtaas oo ciidankii ilaaladu iskaga baxeen, ciidankii xukuumada uu ka mid ahaa sida uu sheegtey, wasiirka Warfaafinta SL ee Saleebaan Cali Koore. Saacado ka dibna Idaacadii xukuumadu madaafiic la dhacdey, oo meeshaas ku gubatey. Lasoco Qeybta 7aad

 

Maxamuud Biixi [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...