Xisbiga Kulmiye Oo Sugaya Talaabo Ay Hay'addaha Sharci Dajinta Iyo Cadaaladu Ka Qaadaan Gudoomiye Faysal

0
Monday June 01, 2020 - 17:28:04 in News by
  • Visits: 2096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye Oo Sugaya Talaabo Ay Hay'addaha Sharci Dajinta Iyo Cadaaladu Ka Qaadaan Gudoomiye Faysal

    Xisbiga Kulmiye Oo Sugaya Talaabo Ay Hay'addaha Sharci Dajinta Iyo Cadaaladu Ka Qaadaan Gudoomiye Faysal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye Oo Sugaya Talaabo Ay Hay'addaha Sharci Dajinta Iyo Cadaaladu Ka Qaadaan Gudoomiye Faysal


Hargeysa(HWN):-Xisbul Muxaafidka KULMIYE ee talada Somaliland haya ayaa markii ugu horraysay waxa ay ka hadleen dareenkooda iyo sida ay u arkaan hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe kaasi oo guux badan dhaliyay oo uu wax kaga sheegay siyaasiyiinta beel ka mid ah beelaha Somaliland isaga oo xisbiga KULMIYE hadallada Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay kuwo ay aad uga xun yihiin wixii laga yeelayana ay u taallo Xukuumadda Somaliland iyo sidoo kale Golayaasha Sharci-dejinta.

Axmed Cabdi Dheere Oo Bilaabay Olole - Sayruuq News


Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo ay shalay saxaafaddu wax ka waydiisay sida ay ka xisbi ahaan u arkaan Hadalkii ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu yidhi:


"Arrintaa uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba halka ay ka taagan yihiin baa xisbiga KULMIYE-na ka taagan yahay, runtii wax laga xumaadana way ahayd, waanan ka xunnahay, waxaanay arrintaasi u taallaa Golayaasha sharci dejinta iyo Wasaaradda Caddaaladda Somaliland wixii ay ka gaadhayaan, Go’aanka ay ka gaadhayaan, kuwaasi ayay u taallaa Anigu intaasi u dhaafi mayo Faysal” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE.


Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe si adag u naqdiyay siyaasiyiinta ka soo jeeda Beelaha Gobolka Sool isaga oo ku tilmaamay kuwo hadba dhinac u yaaca gaar ahaanna uu bartilmaameedsaday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, eedahasi oo ay dhibsadeen dad badani.


Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Dheere, waxa uu daboolka ka qaaday in dib loo dhigay shirweynihii Afraad ee Xisbiga KULMIYE oo ku beegnaa in bishan la qabto sida uu ku muudaysnaa waxaanu sheegay in xaaladda wakhtigan jirta ee COVID19 aanay suurto galinayn qabsoomidda shirweynahaasi muddo aan la cayimina ay dib u dhigeen.

 

Loading...
Loading...