Hanti Dhawraha Oo Galay Guddida Covid-19 Oo Musuq Maasuq Baahsani Dul Hoganayo

0
Monday June 01, 2020 - 17:26:08 in News by
  • Visits: 1272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti Dhawraha Oo Galay Guddida Covid-19 Oo Musuq Maasuq Baahsani Dul Hoganayo

    Hanti Dhawraha Oo Galay Guddida Covid-19 Oo Musuq Maasuq Baahsani Dul Hoganayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanti Dhawraha Oo Galay Guddida Covid-19 Oo Musuq Maasuq Baahsani Dul Hoganayo


Hargeysa(HWN):-Guddida Ka Hor Tagga Iyo La Tacaalidda Cudurka halista ah ee Koroona Fayras ee Somaliland ayaa hor joogsatay baadhitaan iyo hawlgal ay doonayeen in ay Guddida ku sameeyaan Hay’adda Hanti Dhawrka qaranka Somaliland kadib markii guux iyo fal celin badani ka dhalatay muddooyinkii dambe oo ay shacabku su’aalo badan iska waydiinayeen lacagaha badan ee Guddida lagu wareejiyay iyo hannaanka ay u baxeen oo aan xog badan laga hayn iyo sida ay u liidato xaaladda caafimaad iyo adeegga dawladda ee la xidhiidha dhibaatada cudurkan.

Sida ay Ilo Xog-ogaal ahi wargeyska Foore u xaqiijiyeen shalay, Ku Xigeenta Xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka iyo Sarkaal sare oo xafiiskaasi ka tirsan ayaa waxa ay shalay iyaga oo gudanaya waajibkooda dastuuriga ah waxa ay hawlo shaqo ugu tageen Xafiiska ay Guddida heer Qaran ee Koroona Fayras ee Somaliland ku leeyihiin gudaha Wasaaradda Biyaha ee caasimadda Hargeysa, iyaga oo sita warqad shaabbadaysan oo caddaynaysa hawlgalkooda shaqo halkaasi oo ay kula kulmeen Xoghayaha gaarka ah ee Guddida Koroona Fayras Wasiirkii Hore ee Ganacsiga Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), kaasi oo gabi ahaanba is hor taagay gaashaankana ku dhuftay hawsha Saraakiisha Hanti dhawrku u socdeen.

Sida aanu xogtan ku helnay Saraakiisha Hanti-dhawrka Qaranku markii ay Xoghaye Xuseen Deyr ku war geliyeen hawsha ay u socdaan oo ah baadhitaan iyo su’aalo ay xafiiska guddida iyo cidda ay khusayso waydiiyaan waxa uu Xuseen Deyr masuuliyiintan ku war galiyey in aanay guddidu diyaar u ahayn wax su’aalo iyo baadhitaan ah oo lagu sameeyo taasi oo keentay in ay Masuuliyiintii ka socotay Xafiiska Hanti dhawrku halkaasi ka laabtaan iyaga oo ku hanjabay in ay qaadi doonaan tallaabooyinka sharcigda dalku u dhigayo gudashada hawshoodan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa isaga oo Hanti-dhawrka loo diiday in ay baadhitaan ku sameeyaan Guddida COVID19 waxa uu yidhi: "Saaka waxaanu tagnay Xafiiska ay guddida heer qaran ee Koroona Fayras ku leeyihiin wasaaradda Biyaha Somaliland. Waxa aanu kula kulanay Masuuliyiinta Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka. Ku Xigeenka Hanti dhawrka iyo sarkaal kale. Waxa ay albaabka xafiiskaasi kula kulmeen Xoghayaha Guddida Xuseen Aadan Cige (Deyr). Sarajoogga ayay ku wada hadleen waxaanay Masuuliyiintaasi Hanti-dhawrku u dhiibeen qoraal ay kaga dalbanayeen xog ay ka helaan hawlaha ay guddidu hayso. Xoghayaha Guddidu Xusen Deyr waxa uu si cad u diiday hawsha ay Hanti dhawrku u socdeen. Way isaga tageen iyaga oo yidhi waxa uu sharcigu na farayo ayaanu qaadi doonaa”. Ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA.

Illaa hadda ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan Hanti-dhawrka guud ee qaranku kuwaasi oo la sheegay in ay diyaarinayaan hawlgal ballaadhan oo ay ku galaan ama baadhitaan Hantidhawr ugu sameeyaan Guddida heer qaran ee Koroona Fayras oo la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Malaayiin Doollar oo lacag balse toddobaadkan soo saaray qoraal kooban oo weyd ah oo ay ku sheegeen in ay tahay warbixin ay shacabka ugu sheegayaan wixii soo galay iyo waxa ay ku bixiyeen taasi oo noqotay xog umadda u cuntami wayday.

Isku soo duuboo waxa maalmihii ugu dambeeyey isa soo tarayay qaylo dhaan baahsan oo dhinacyo badan oo bulshada ah ka imanaysay oo la xidhiidha baahiyaha culus ee dhinaca Caafimaadka ah ee dalka ka jira iyo sida ay isu qaban la’dahay Malaayiinta iyo Malaayiinta Dollar ee Guddida loo qaadhaamay muddooyinkii ugu dambeeyey.

 


Loading...
Loading...