Wasaaradda Doqon Ma Waydo Yaa Yaqaan ( Abdi-Shotaly).

0
Monday June 01, 2020 - 17:23:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Doqon Ma Waydo Yaa Yaqaan ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-shotaly.

Aan idiin horey-siiyo'e, "Wasaaradda Doqon Ma Waydo" Waa taad ugu yeedhaan " War-faafinta iyo Wacyi-gelinta, iyaba waa wax lagu qoslaaye, waa meesha loo adeegsado,in beelaha aan jeeganta ahayn loo iro kuwa biidhi-qaata-yaasha ah, ee cad-quudheedka lagu masruufo, laguna soo dagaal geliyo, si ay had iyo jeer ugu jawaabaan beelaha ay ka soo jeedaan, markay sheegaan khalad lagu samaynaayo ama meel ka dhac lagula kacay, hadaba kuwa lagu naas nuujiyo sidaas ee la isticmaali karo, baa waxa lagu ururiyaa Wasaarad ku sheegta Sare ku taal, oo aan qof naf leh-ba aan la geynin, balse loo soo magacaabo kolba mid sidda makara-foonka, inta dhaxaan la geliyo uu ka hoos hadlo askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Akhristaw dabeed, ilayn waa calooshiisa u shaqaysta'e faraha dufan loo mariyeye, waa ka marka maamulka "Xaafad-tooyadu" dhegta wax u soo saaraan, ee loo soo dhiibo makarafoon dhawaaq dheer, isla soo taaga meel ( uu ku sheegay Sjir jaraa'id), ka bacdina wixii la soo faray kaga badhaaciya sidii mid wax sheegaaya. Yaan ku dheeraane ku soo dhawaadda noocaasi kuwa ay yihiin.

 

Horaa loo yidhi " Nin jilicsan loo daranaa" Waayo wax badan baa loo adeegsan karaa, Waxa-na ay noqdaan awr-kiraalayaal lagu duulo, oo loo isticmaalo dad-kiisa mid ah " Laguma dhaamee dhaqaa" Waxa kaluu noqon karaa, mid mar-kiisii hore-ba beel la colaw ahaa, oo siddii awr qooqan lagu soo saani-gareeyo, halkii uu nacaybka gaar ah u qabay, ilayn waa "Rabbi khalaq wa dalaqe" Noonacan waxa ka mid ah oo uu u dhiibtay, Intii uu askarigan bilaa caqliga ahi, uu meesha ka baf-baf lahaa waa "Wasaaradan doqon Ma Waydo'e" oo isaga dambeeyey Intan hoos ku qoran, ee bal ila eega waa kuwane, halkan hoose baan ku soo taxayaaye.

 

(a) " Abdiraxmaan " Oo ah kii hablaha buuga ka qorey. oo caagadda la saaxiib ah, kadaab beenaale ah hal xalaal ah aqoon.

(b) " Af-dulaaq Darayo" Malaha aabihii wuxu u bixiyey, isaga oo qof naf leh moopdaaya Maxamed Muse Diiriye, waa kay u bixyeen reer Burco " Riiggii Xumbo weyne" Imikana uu u dhiibay biyaha, si wixii ay Ururka EU-du ugu tallo gashay Biyo Gelinta Hargeysa, uu ugu soo weeciyo jeebka Askariga.

(c)  "Saleebaan Yussuf Koore" Baa Imikana ka doobya, oo loo maqaar saaray Beesha Dhulbahante, oo ay beri hore dayro ku qoreen, ilayn kolba mid lax dhukani abaar moog ah, oo loo isticmaalo beel baa afka loo geliyaa, oo la yidhaahaa halkaas ka dharaqaan, ciddii wax tidhaaha u jawaaba. waxa is weydiin leh, "Ina Koore iyo Ka Baarlamaan ku sheega hor joogaha ka ahi" Ma yihiin kuwo meteli karaa beesha " Dhulbahante?" Dhubhante-se ma ku kalsoon yihiin oo qaar cad-koodu u dhici-naaya ma yihiin? labadda su'aalood ee sare ku yaal-ba jawaab-toodu waa "Maya". Sidaas awgeed, waa mid googo lacageed soo doonatay, ee wax uu u taraayo Dhulbahante waa habeenkii xalay oo tegay.

(d) Iyaba waa Wasaarad nasiib darane, Waxa kaloo ka mid ah kuwa loo soo adeegsaday beelo, ee Maamulkii Siilaanyo ( Ilaah caafimaad ha siiyo'e) labadda la kala yidhaaho " Cukuuse Iyo Cadaani", Miyaan qof damiir leh-ba aan la keenayn, waa ayaan daro.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, nin rajo wax ka qabay, oo eeday ugana sii dartay, isaga oo is lahaa waad ku raysan doontaa, si weyna ugu soo halgamay, baa wixii waayey uu u soo dagaala-maayey, ka bacdi isaga oo aan is ogayn baa intuu meel cidla ah istaagay, oo gacmaha madaxa saray buu yidhi" Gaajadda ka bax baan ku doodaayee, ma hahaadn galay geersh-keeddii", Muwaadin tan oo keliya maaha, ee waa wadda cayn-kaas, xafiis iyo Wasaarad kaste waxa haysta mid-ba-midkuu ka sii liitay ama ka xigo xaga hoose baa la keenaa, Halkii la taabtaaba ilaa ciidamo ku sheega, booliiska kuwa isku magacaaba, garsoorka, xildhi-baanadda deegaanka kuway ugu yeedhaan iyo wakiilo baarlamaan ku sheega, hay'yadaha, Odayadda kharfay  ( Guuritidda) ee ka magaca gaalka lihi hor joogaha u yahay, kuwa dhaameelka loo daadiyo ee magac reer ku ceesha ( Waa Wasiiradda kuwaad u taqaanaaye), kuwaas oo xil u waashay, sidda Siciid Sulub, Ina Waran-cade, iyo qaar "Huguri-dhameed ah" oo cumaamadda dhulka u jiidda aad wax ku cunteen, oo kolba la yidhaaho, hebel soo qabta, ku kale-na mastaafuriya, oo beeshoodda loo adeegsado. Waa wadda cayn-kaas oo beel beel dhaantaa ma jirto, reer walba ka ugu xun, ee biidhi qataha ah baa loo xil saaraa, sidda " Geenyo shaaximan, Gafane ( Waa gaafaadhiye, Sacad cali shire, Muumin seed, Ka Diinta iyo Awqaafta  iyo qaar kaloo badan. Hala yaabin ee waxad ku quus qaadataa, Aaba-hood baaba ah " Raggii ma adigaa ka hadhaye" horaa loo yidhi "Neef-neef ma canaanto" Taas baana dhab ah.

 

* N.B Nin Jilicsan Loo Daranaa!

Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...