Wacyi-gelinta Dhallinyarada Iyo Barashada Dastuurka: Shahaado Sharaf.

0
Monday June 01, 2020 - 17:11:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wacyi-gelinta Dhallinyarada Iyo Barashada Dastuurka: Shahaado Sharaf.

    Allaa Mahad Leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaa Mahad Leh.

▪Waxa sharaf weyn u ah Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL in maanta Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi guddoonsiiyo Shahaado Sharaf ku saabsan Wacyi-gelinta Dhallinyarada Iyo Barashada Dastuurka oo Xafiiska Agaasimaha Guud Ee Barnaamijka Shaqo Qaran nagu maamuusay.

 

▪Guddoonsiinta Shahaado sharaftan ayaa ka danbeysay hoggaaminta iyo hagista Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL, mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, dedaalka iyo gudbinta tolmoon ee Agaasime-waaxeedyada, madax-qaybeedyada, mas'uuliyiinta xafiis unugeedyada, taliyeyaasha, iyo aqoonyahanka/Garyaqaannada Wasaaradda oo muddo saddex caanamaal ah kula negaadaa ardayda Shaqo Qaran Xarunta kulliyadda Carbiska Shaqo Qaran. Islamarkaana bixiyey casharro ku qotoma:

1.Barashada Dastuurka,

2. Fahanka Waddaniyadda,

3. Doorka muwaadinka,

4. Qaab-dhismeedka Qaranka,

5. Nidaamka Dawladnimada,

6. Xuquuqaha Dastuuriga ah ee Muwaadinka

Iyo Guud Ahaan Aadmiga,

7. Taariikhda Dalka iyo Geeddi-socodka Helitaanka Gobonimada Qaranka,

8. Hannaanka Dimuqraadiyadda

9. Iyo Kor u qaadiska Garashada Wacyiga Taagan.

 

▪Sidoo kale, waxa mahadnaq qarannimo mudan Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran mudane Mohamed Hussein Osman "Mu'addinka", maamulka Kulliyadda Carbiska Shaqo Qaran Abdikarim, taliyeyaasha, abbaanduuleyaasha, macallimiinta iyo Ardayda Shaqo Qaran.

 

▪Ugu danbeyntii, mudane madaxweyne guddoonsiinta Shahaado-sharaftani waa noo dhiiri-gelin, tusmeyn, tognaan iyo tallaabo horusocod ah.

 

#Shaqo_Qaran_Waa_Hanti_Qaran#

 

Allaa Mahad Leh.

 

Jamal A. Muse


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...